Talo Ku Socota Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Saabsan Hagaajinta Maamulka Iyo Qorshe Lagula Xisaabtamo Shaqaalaha Dawlada iyo Masuuliyiinta Sarre

0
Tuesday May 06, 2014 - 07:43:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Ku Socota Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Saabsan Hagaajinta Maamulka Iyo Qorshe Lagula Xisaabtamo Shaqaalaha Dawlada iyo Masuuliyiinta Sarre

    BEERAHA:- Madaxwayne waxaa marag ma doon ah in waddankeenu halka uu ka dhintay ee u baahan in la soo nooleeyo ay tahay xagga beerah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BEERAHA:- Madaxwayne waxaa marag ma doon ah in waddankeenu halka uu ka dhintay ee u baahan in la soo nooleeyo ay tahay xagga beerah. Madaxwayne waxaa nasiib darro ah in cuntada waddankeena lagu isticmaalo 100% ay dabada inooga timaado taasoo dhibaatadeeda markasta ay taagantahay.
Madaxwayne in badan waxaa waddankeena dhaqaalihiisa lagu bixiyaa nabad galyada iyo sidii dadku si nabada ah ugu noolaan lahaayeen waddankeena taasoo saamaxday in horumar badan uu ka jiro dhinacyo
badan leh, horumarkasina muu jireen hadaan nabad galyo lahayn. Lakin madaxwayne nabad galyadas waxaa muhiim ah ahayd in la bar bar wado nabad galyada cuntada oo runtii ka muhiimsan tan dhaqaalaha badan inagaga baxo. Wadankasta oo horumar doonaya inuu sameeyo waxaa muhiim ah inuu sugo nabad galyadiisa cuntada taasoo muhiimada koowaad u ah waddankasta, lakin waxaad moodaa inaka in aanay xataa muhiimada tobnaad inoogu jirin.

Madaxwayne waxaa xaqiiqo ah in dhaqaale badan sanadkasta dibada inooga baxo oo aanay isu dheeli tirnayn waxaynu dhoofino iyo waxaynu la soo dagno, cuntaduna ay tahay ta dhaqaalaha ugu badan dabada inooga saarta.
Madaxwayne iyadoo dhibaatadas oo dhan ay jirto waxaa hadana muhiim ah maanta halkaynu marayno in muhiimada koowaad aynu siino wax soo saarka xaga beeraha taasoo runtii hadii dadkeenu ay beeraha u soo jeestaan inaga dhigaysa dad nabadgalyada cuntadooda sugay.
Waxaa aan odhan lahaa hala qabto wacyigalin joogto ah oo dadka lagu barayo wax soo saarka beeraha lana dareensiiyo inay arrin khatar badan tahay ku tiirsananta cuntada ee dibadu.
Madaxwayne maanta wadankeenu xaga horumarka ayuu u talaabsaday nabadgalyadeenuna aad bay u fiicantahay, markaa waa in maanta dhaqaalaha ugu badan dawladeenu ay ku bixiso xaga wax soo saarka beeraha, lana dhiirigaliyo dadka tirada yar ee dhulka beerta ee wax soo saarka yar ee kooban soo saara si ay bulshada kalena ugu dayato oo ay tusaale ugu noqdaan.
Waxaa magac iyo maamuus kuu ah madaxwayne marka waddanka aad waxtar muuqda uga tagto oo danta guud aad ka horaysiiso taada gaarka ah iyadoo runtii ilaa imika aad ku amaanantahay waxqabadka faraha badan ee aad hirgalisay mudadii aad xilka haysay.

By: Aidarus Ahmed Hersi
E-mail: Shuraim.aidarusahmed@gmail.com
Tel: +252634488700




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured