Xukuumadda Oo Sii Keer-keer Ku Jiira Uga Hadashay Dhacdadi Wargeyska Hubaal

0
Tuesday April 30, 2013 - 11:00:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Sii Keer-keer Ku Jiira Uga Hadashay Dhacdadi Wargeyska Hubaal

    “Ninkii labaad oo aan la soo qaban iyo cidii soo abaabushay oo aan la soo bandhigin” Hargeysa(xogreebnews) Xukuumadda Somaliland ayaan wali Sharciga horkeenin ragii Booliiska ka tirsanaa eek u kacay falkii ugu xumaa ee lagu la kaco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Ninkii labaad oo aan la soo qaban iyo cidii soo abaabushay oo aan la soo bandhigin” Hargeysa(xogreebnews) Xukuumadda Somaliland ayaan wali Sharciga horkeenin ragii Booliiska ka tirsanaa eek u kacay falkii ugu xumaa ee lagu la kaco qaban iyo cidii soo abaabushay oo aan la soo bandhigin”Hargeysa(xogreebnews) Xukuumadda Somaliland ayaan wali Sharciga horkeenin ragii Booliiska ka tirsanaa eek u kacay falkii ugu xumaa ee lagu la kaco Warbaahinta tan iyo intii aya Somaliland jirtay.Ilaa hada Xukuumaddu waxa ay gacanta ku haysaa oo kali ah isla markaana aanay Maxkamad horkeenin Eedaysanaha ay qabteen dhibanayaasha Wargeyska Hubaal, taasoo muujinaysa in ay ka gaabisay hawshii Amniga ee ay u igmanayd.Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale iyo Taliyaha Booliiska Sareeyea Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo shalay hortagay Golaha Wakiiladda ayaan wax faahfaahsan ka bixin Kiiskaasi balse ku celiyay oo kali ah in ay sharciga horkeeni doonaan.Wasiir Duur ayaa sheegay falka lagu weeraray Wargeyska Hubaal inuu ahaa fal Fool xun “Arrinka ka dhacay wargeyska Hubaal, falka halkaasi ka dhacay waa fal fool xun, nidaamka dawladeed iyo dhaqankeena soo jireenka ah, labadaba wuu baal marsan yahay, in kasta oo qofka falkaasi sameeyey uu yahay Askari Boolis ah, haddana ma saamaxayso in kiiskaa iyo gafkaasi uu galay boolisnimo lagu taageero, taasi meesha ma taallo, lakiin waxaa uu leeyahay culeyskiisa lagu culeysiinayo, ayuu yeelanayaa qofka danbigaasi galay, qofka booliska ahi waa khaldami karaa sidda qof shicib ahi u khaldamo, lakiin Arrinka Booliska waxaanu ka balanay in sidda uu yahay loo baadho.” Ayuu yidhiTaliyaha Booliiska Fadal ayaa sheegay maxkamadda iyo Xeer ilaalintaba inay Dacwadaasi ku war-geliyeen “Dhacdadii lagu weeraray Hubaal waxa lagu Eedaynayaa laba nin oo mid la hayo midna la la’ yahay waa Nin Booliis ah waa danbi isaga u gaar ah Xeer ilaalinta iyo Maxkamadana waanu wargelinay sida ugu dhakhso badan baanu Maxkamadda u hor geynaynaa, ka kalana waanu ku daba jirnaa.” Ayuu yidhiLabadan Masuul inkasta oo ay ku adkaysanayaan falkaasi in ay wax ka qaban doonaan, hadana marka la eego qaabka uu Kiiskaasi u socdo waxa lagu dhaliilayaa in ay hawshoodusi gaabis u socoto.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured