Fidmo Hor-leh Oo Madaxweyne Siilaanyo Kusoo Kor-Dhiyey Wasaaradda Warfaafinta By Cabdi casiis Bashiir Nuur

0
Monday May 05, 2014 - 07:28:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fidmo Hor-leh Oo Madaxweyne Siilaanyo Kusoo Kor-Dhiyey Wasaaradda Warfaafinta By Cabdi casiis Bashiir Nuur

    Madaxweyne siilaanyo ayaa habeenkii xalay sidii caadada u ahayd soo saaray digreeto goor danbe taaso uu ku magacaabayo xubno ka mid ah xukuuamadda uu hoggaamiyo.waxaanay uu badnaayeen agaasimayaal iyaado looga fadhiyey inuu wax-ka qabto wasiiradda ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne siilaanyo ayaa habeenkii xalay sidii caadada u ahayd soo saaray digreeto goor danbe taaso uu ku magacaabayo xubno ka mid ah xukuuamadda uu hoggaamiyo.waxaanay uu badnaayeen agaasimayaal iyaado looga fadhiyey inuu wax-ka qabto wasiiradda caanka ku ah musuq-maasuqa aan daahu saareyn ee laga wadaa war hayo.manay ahayd in uu madaxweynuhu uu ka boodo wasiirada intaa badan ka seexday hawlihii lo xil saaray Madaxweyne siilaanyo ayaa habeenkii xalay sidii caadada u ahayd soo saaray digreeto goor danbe taaso uu ku magacaabayo xubno ka mid ah xukuuamadda uu hoggaamiyo.waxaanay uu badnaayeen agaasimayaal iyaado looga fadhiyey inuu wax-ka qabto wasiiradda caanka ku ah musuq-maasuqa aan daahu saareyn ee laga wadaa war hayo.manay ahayd in uu madaxweynuhu uu ka boodo wasiirada intaa badan ka seexday hawlihii lo xil saaray

Hadaba wasaaradda warfaafinta iyo wacyi -gelinta waxaay ka mid tahay wasaaraddaha uu madaxweyne siilaanyo uu ku sammeeyey is-bedelka maamul,wuxuuna kusoo kor-dhiyey agaasime cusub kaaso horana uu ahaa agaasime xil-kaasoo aanu wali ka dallicin agaasime.wuxuuna ninkan la keenay waasaaradda warfaafinta oo caanku ahaa hayada wadaniga ah HAVOYOCO isaago xilkaas isaaga casiley aqoon darro iyo xil-gudaasho la”aan,sidoo kaleena waxaa uu ahaa nin aan ku wanaag-sanayd dhinaca oloolaha isaago ku guul-daraystay inuu cod ay ku qanacdo masuuliyiinta hoggaamiya xisbiga kulmiye aanu keenin,balse markii uu xisbul xaakimka kulmiye uu talada dalka qabtay waxaa lo magacaabay agaasimaha Protocol madaxtooyadda isaago gabi-ahaanba ku fashilmay xilkaas waxaana la ogga inuu madaxtooyada qaranka uu kolbaa dad soo xagga baxay kula geli jiray sawiirro taaso ay bulshadu aad ulaa yaabtay.markay arkeen aqalkii ummadda uu noqday meel lagu baashaallo.


Markay aragtay madaxtooyaddu ceebta siyaadaada ah ee u la dul-joogga Maxamed Aadan Cilmi oo ku magacdheer ilka case ay u bedeshay agaasimaha wasaraadda kaluumaysiga halkaaso uu noqday nin calooshi uu shaqayte ah oo aan beelna waxba u qaban qarankana waxba u qaban.waxaana cabaasho badani ka timmi beesha uu kasoo jeeda halkaaso wakhtiyadda qaarkood uu waxba ka xalin kari waayo hawlo uu baahna in la dejiyo,waxaana marar badan lagu war-helay isaago uu wasiirka kaluumaysigu shaqadii ka joojiyey agaasimaha wasaaradda kaluumaysiga waxaana aakhirkii ay warbaahintu ku war heeshay maxamed ilka case oo calaa-cal la dhex taagey madaxtooyadda,waxaana cabaad kadib lo mus-laxay wasiirkiisi.

Agaasimahan kub-ku siigaalaha ah ayaa u hadda madaxweyne siilaanyo kula ciiray xilka agaasimaha wasaaradda warfaafinta oo ah meel ay xamaasadeed badan tahay iyaado uu meesha wasiirka yahay wiil aad uu xariif ah kaaso aan xishood iyo xayaddu ku yar tahay waxana la eeggi donna meesha ay iskala soo dhacaan wasiirkan ku-gaagaba hawlaha aannu lahaynd iyo agaasimahan jilicsan

Waxaanu qomooyin danbe kusoo qaadan doonna karti yariidda wiilkan iyo wax is moodistaa wasiirka iyo xiniiyo yaraanta masuuliyiinta kale inkasto oo ay jiraan warar sheegaya in wasiir cukuse oo isna saran yahay kawaanka gawraca la socoo …

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Tel 4144434=9848466

c.casiis98@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured