Somaliland iyo Itoobiya oo shir muhiim ahi maanta uga furmayo Hargeysa

0
Monday April 29, 2013 - 19:35:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Itoobiya oo shir muhiim ahi maanta uga furmayo Hargeysa

    Hargeysa (xogreebnews-) shir socon doona laba Maalmood ayaa Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya maanta uga furmi doona Hotelka Ambassador ee Hargeysa kaasoo socon doona laba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews-) shir socon doona laba Maalmood ayaa Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya maanta uga furmi doona Hotelka Ambassador ee Hargeysa kaasoo socon doona laba Somaliland iyo Itoobiya oo shir muhiim ahi maanta uga furmayo Hargeysa
Hargeysa (xogreebnews-) shir socon doona laba Maalmood ayaa Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya maanta uga furmi doona Hotelka Ambassador ee Hargeysa kaasoo socon doona laba Maalmood isla markaana lagaga wada hadli doono arrimo ay ka mid yihiin Ganacsiga, Isku socodka labada Dal, Siyaasadda iyo Amniga.
Waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa soo gaadhay wefti ka kooban afar iyo toban sarkaal oo ka kala socda Wasaaradaha Arrimaha Dibeda, Maaliyadda, Gaadiidka, Hawlaha Guud, Korontada, Duulista, ganacsiga iyo Maamul Goboleedka Kililka shanaad, waxaanay wufuudaasi ka soo galeen dhinaca Cirka iyo Dhulka labadaba. Sidaasna waxa sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Feysal Cali Sheekh.

Shirkan Hargeysa uga furmaya labada Dal ayaa waxa uu daba socdaa shir hore labada Dawladood ugu yeesheen magaaladda Diridhaba ee Dalka Itoobiya kaasoo lagaga wada hadlay Xoojinta Ajandaha kor ku xusan oo ay labad dhinac hore u wada falanqeeyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah laba Dal oo saaxiibo dhaw ah waxaana hore uga dhaxeeyay heshiis dhinaca Amniga, Isku socodka iyo tababarada ah kaasoo Somaliland faa’iido badani ugu jirto labada Dalba, isla markaana ay is dhaafsadaan kolba wixii macluumaad ah ee jira.
Shirkan ayaa wax weyn ka tari doona baahiyaha ay qabaan labada Dal ee dhinacyada Ganacsiga, Amniga, iyo Siyaasadda maadaama ay wax badan wadaagaan labada dal iyo labada shacab ee labada Dawladood, waxaanay albaabka u furi doonaan iskaashi ka badan intii ay hore u lahaayeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured