URURADA SOMALILAND EE UK OO KU MIDOOBEY DALAD BALAADHAN OO LA MAGAC BAXDEY BRITISH SOMALILAND COUNCIL ( B.S.C)

0
Monday April 29, 2013 - 19:31:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    URURADA SOMALILAND EE UK OO KU MIDOOBEY DALAD BALAADHAN OO LA MAGAC BAXDEY BRITISH SOMALILAND COUNCIL ( B.S.C)

    (xogreebnews): Monday, April 29-2013

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews): Monday, April 29-2013 (xogreebnews): Monday, April 29-2013Waxaa Taariikhdu markey aheyd 27/4/2013 oo aheyd Habeen Sabti ah , Ka dhacdey Galbeedka Magaalada London Xaflad ilyartu is-qabatey oo Si Wanaagsan loo soo Abaabuley oo ay isugu yimaadeen Ilaa iyo 28 Urur oo Somalilander ah oo ka kala yimi Gobolada Waa weyn ee Wadanka UKLondon(xogreebnews)-Waxaa Taariikhdu markey aheyd 27/4/2013 oo aheyd Habeen Sabti ah , Ka dhacdey Galbeedka Magaalada London Xaflad ilyartu is-qabatey oo Si Wanaagsan loo soo Abaabuley oo ay isugu yimaadeen Ilaa iyo 28 Urur oo Somalilander ah oo ka kala yimi Gobolada Waa weyn ee Wadanka UK. Waxaa Goobta Xafladaa loogu Wan-qaley Dalad Balaadhan oo ay ku midoobeen Ururada ugu Tunka weyn ee Somaliland UK, ku-waas oo isku-raacey in ay qaataan oo ku-midoobaan magaca-BRITISH SOMALILND COUNCIL.( B.S.C )

U-jeedada u-gu weyn ee Daladan Balaadhan loogu Midoobey ayaa aheyd sidii ay ururadani ay u- mideyn lahaayeen Maskaxdooda , Muruqooda iyo Maalkoodabakadibna wax-looga Qaban-lahaa Baahiyaha is Barkadey ee ka jira Guud ahaan Xaaladaha Arimaha Bulshada ee Somaliland.
Waxaa iyana ururdan ku- midoobey Daladan cusub ee British Somailand Council ay isku Raaceen in ay u-tafaxeytaan sidii Albaab Walba loo Garaaci Lahaa ee Somaliland Ictiraaf Buuxa Loogu raadin lahaa mustaqbalka . Waxaa Madashaa War-biximo kala duwan ka soo Jeediyey Xubno Caan ka ah Magaalada Londoniyo qaar Hor-joogayaal ka ah Ururadaa ku Midoobey Daladan British Somaliland Council. (B.S.C )
Waxaa Dhamaan Dadweynihii Madashaa-Ka soo Qayb-galey ay isku Raaceen in Hadii ay Ururadani ay Ka dhabeeyaan Midnimadooda iyo Wax-qabadkoodabaoo ay kolba ay isugu tagaan Baahi keliya ama Mashruuc-keliya in ay Wax-qabad la taaban karo ay ka geysan karaan Baahiyaha is Wada Barkan ee ka jiraDhamaan Miyiga , Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.
Waxaan Kula Dar-daarmayaa Daladan cusub ee B.S.C in ay ka dheeraato oo aaney ku mil-min ama ku-fasaqmin Siyaasada Somaliland.ee ay Had-iyo jeer ka Madax-banaanaato.Waxaan Kula dar-daarmayaa in ay Maskax-tuujin Badan Sameeyaan oo ay Baahiyaha ay wax-ka Qabanayaan ugu horey-siiyaan kuwan hoose:
1-Waxbarashada , Gaar, ahaan Macalimiinta Bilaa Gunada ah ee Bilaashka ku-shaqeeya2- Dumarka Xanuunka Dhimirka Qaba oo badankoodu aan helin Daryeelka ay Ragu helaan3- Caruurta Agoonta ah oo Somaliland ku badan Goboladeeda4- Nafooyinkii SNM ee Sooyaal oo aad loo dayacey.5- Shaqo Abuurista iyo Wacyi-gelinta Dhalinyarada ka Qalin-jebisa Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha Wadanka.si ay Tahriibta uga Bad-baadaan.6- Wac-yi-gelinta Dhir-jarista iyo Xaalufinta Degaanka.
Waxaan Idiin Rajeynajaa GUUL
Alleh Ayaa Mahad Leh!A/Rahman fidhinleIntensive Education PALondon


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured