Dhibaatada Bulshada La Haybsooco, Erayadii Hal-Abuur Qoraa maxamed cabdiqaadir colhaye

0
Tuesday April 29, 2014 - 07:39:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1420
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatada Bulshada La Haybsooco, Erayadii Hal-Abuur Qoraa maxamed cabdiqaadir colhaye

    Abwaanku waxa u ka sameeyay dhacdo ka dhalatay wiil jeclaaday gabadh , dabadeed reerkii u ogolaadeen, markii uu guurku soo dhawaa la ogaaday in u yahay wiilku beelaha la hayb sooco, dabadeed gabadhii loo diiday, markii danbana gabadhii la dhoofiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaanku waxa u ka sameeyay dhacdo ka dhalatay wiil jeclaaday gabadh , dabadeed reerkii u ogolaadeen, markii uu guurku soo dhawaa la ogaaday in u yahay wiilku beelaha la hayb sooco, dabadeed gabadhii loo diiday, markii danbana gabadhii la dhoofiyey oo ay guurtasatay ruux shisheeye ah oo ajahanabiya , taaso dadkii aan wax xadanto ah ku haynin, wiilkii muslinka ahaana halkaa u ku waayay hamigii guurga iyo noloshii ay soo wada mareen Abwaanku waxa u ka sameeyay dhacdo ka dhalatay wiil jeclaaday gabadh , dabadeed reerkii u ogolaadeen, markii uu guurku soo dhawaa la ogaaday in u yahay wiilku beelaha la hayb sooco, dabadeed gabadhii loo diiday, markii danbana gabadhii la dhoofiyey oo ay guurtasatay ruux shisheeye ah oo ajahanabiya , taaso dadkii aan wax xadanto ah ku haynin, wiilkii muslinka ahaana halkaa u ku waayay hamigii guurga iyo noloshii ay soo wada mareen

Waxay maansada la yidhaa ( QAREEN ) AMA XAQ U DIRIR WAANA SIDA TAN


Maansado waa qareen dadnimo

Qaranbay gar la dhiganaysaa

Qodobay cuskataa la sheegay

Qalbiyey sheegtaa la qoomay

Qaraxiyo fulkaanay ridaysaa

Qulubiyo wadeecay saraysaa

Nabaro qarsoonbey jaraysaa

Kash iyo laabey qodaysaa,

Qiiriyo oohinbay wadaayo
Murugay dibnaha qaniintoo

Qandhiyo qayayaabey jareysee

Dhacday qeexdaa madooboo

Gumeystaha qarsoonbey diido

Qas iyo qalalaasay ka maagtee

Qardoofada aadmigu galo

Marunbuu qaladku saxmaayee

Qasaaraha jira yaa guneeya,

Aan qalo sheekadoon qayaxo

Naxwaha qalinka aan ku duugo

Aan qeexo halgaada taagan

Qisaa dhacday waayo badanoo

Geedkii sharaftaa qarqoormoo

Xumaanbaa qalatay ruuxdii,

Markaan quruxda ubax magoolay

Gugana qaydhab u eekaa

Xishoodna edabtaan qandooday

Qisdiyo ula jeedo socdaalka

Qorshe hawleedkaan baqoolay

Dantayda u qaatay maalin,

Barashadii qalanmaayo sideeda

Qulqulaysay kaftankiyo ugbaadka

Haasawihii qalabeysnaa goortaa

Haybadaan ku qaaday meesha

Qadarintii muuqa laygu siiyey

Maxaa qafaashee la foofay?

Qacda indhahaba sheeko

Qalbiga dagtoo miratee

Dareenkii qaniyaa yaa irdheeyay?

Wuxu halaan hal dhabo qaadey

Dhabihii runtaa la gaadhee

Qorshihii nolosha yaa qabyeeyay?

Qoys iyo gurigaan yagleelmay

Sahankii qumaatiga raacay

Qaraarkii guurka yaa naafeeyay?

Qodobkiyo xeerkee jabiyey

Qaabkee taladaa loo boqono gooyay

Qaysaraantiyo duurka yaa ku jeexay?

Qorfiyo buurtiyo cidladaa

Maxa qajajada ku moose

Qonbada subagii ka daadshay?

Sawtan farxadii qalootay

Sawtan qariib laygu sheegay

Qawraca birta laygu jiiday?

Sawtan qoom ibleysa sidii

Kufrigi iga qaayo wacnaadee

Qadaadiicda layga raacay.

Qulu walaha ruuxi dafiray

Qaadacee anbiyadiiba diiday

Qawlkii xadiisyadii samaawiga

Maxaad qalanjadii u siiseen

Meherna qacda ugu siiseen

Ana qufulka igu xidheen weyn,

Maxaa qiimo tiray hankaygii

Maxaa haybadaydii qaloocshay

Maxaa qaxar laygu loogay

Ma jahlibaa idinku qoofalan

Miyaad u qastideen xumaantaa

Miyaanu idin qaban kitaabku?

Ma qalinbaa igu dhacay waxyeelo

Ma quusbaa lay ma leegay

Ma qunsurbaan galay haliseed

Qoombaa caasi lagu halaagee

Maxaad xumaha igu quudheen

Qabri miyaanan wada galaynin?

Ma qisaas aadmi baan galay

Maxaad iga tuurteen qabaqawsayn?

Miyaanu qiyaame danbeynin?

Ma qaabku eebe ii abuuriyo

Qaar madawbaad igu nacayseen

Maxaad nolosha igu qabyeyseen?

Quraankiyo xadiiskii miyaad ilawdeen

Rasuulkii miyaydaan qiraynin(scw)

Qulhu walaha miyaaydaan dhuuxin?

Qasharka baaruudiyo rasaasta

Qumaca omoskiyo kuleylka

Yoolkiyo qafladan igu xeeran

Alaha qaadiraan u dhiibtay

Inu mar uun iga kor qaadoon

Ku biro qaramada aduunka.

Qotonka muuqiyo jooga q

Quriinshaha wajiga suuban

Quruxda hablahayaga yaa udiiday

Wiilaha qoodhee qorqoran

Qaabka bilicdiyo hanaanka

Yaa ka ilduufee u quudhi waayay?

Qaladiy hadalo deelqaafa

Qori iyo caaro dhuub ifaysa

Xaqayga ku qaadan maayee

Qarniyada soo socdee maqaniyo

Qoraxdiyo ileykay tuurtaan

Garashiyo himilada ka quudaa,

Qaadir miyaano inawada uumin

Qabri miyaan wada galaynin

Qiyaame miyaanu danbeynin

Maxaad nolosha iigu qabyeyseen

DHAMAAD

WAA DAREEN DHIBANE

ERAYADII HAL ABUUR QORAA, MAXAMED CABDIQAADIR COLHAYE

Halgan82@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured