Maxaa Kala qabsaday Waftidi Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Doodeedu Ka Dhex Bilaabantay Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo Ee Maraykan Ku Sugan Iyo Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

0
Monday April 29, 2013 - 08:09:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kala qabsaday Waftidi Somaliland Iyo Qaramada Midoobay Oo Doodeedu Ka Dhex Bilaabantay Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo Ee Maraykan Ku Sugan Iyo Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

    Newyork (xogreebnews)—27/04/2013— Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa u gudbiyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay dacwad ka dhan ah guddida dhawaan loo xil saaray inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Newyork (xogreebnews)—27/04/2013— Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa u gudbiyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay dacwad ka dhan ah guddida dhawaan loo xil saaray inay Newyork (xogreebnews)—27/04/2013— Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa u gudbiyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay dacwad ka dhan ah guddida dhawaan loo xil saaray inay ka shaqeeyaan arrimaha farsamada ee xafiisyada qaramada midoobay ee dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo hadda u kala baxay Somaliland iyo Soomaaliya.Waraaqdani ayaa wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu kaga andacoonaya sheegasho ay maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegteen inay masuul ka yahiin wax loo bixiyey “goobta ganacsiga Soomaaliya” oo ah xuduudka bedda iyo berriga ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.Haddaba qoraalkani oo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar u gudbiyey guddoomiyaha wakhtigani ee golaha ammaanka qaramada midoobay oo ah danjiraha dalka Jamhuuriyadda Rwanda u fadhiya qaramada midoobay Mr. Eugène Richard Gasana ayaa waxaa uu ku bilaabay “22kii bishii March ee sannadkani 2011 waxaa noo sharaf ahayd inaanu Hargeysa ku soo dhawayno guddidii qaramada midoobay u xil saartay qiimaynta farsamo (Technical Assesment Mission) guddidaasi oo ay qaramada midoobay ku xil saartay qaraarka tirsigiisu yahay 2093 (2013) oo ujeedadiisu ahayd sidii ergay cusub loogu soo magacaabi lahaa gobolka (Somaliland iyo Soomaaliya”Qoraalka Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aad u dheera waxaa lagu yidhi “sannadahii ugu danbeeyey waxay u ahayd Soomaaliya wakhti kala guur ah oo aad u xasaasi ah, dawladayadu waxay u rajanaysaa dalka aanu dariska nahay dawladda cusub ee dhawaan loo doortay inay Soomaaliya ku soo celiso hannaankii dawladnimo iyo kala danbayntii, sidoo kale waxaanu si adag uga dalbanayna golaha ammaanka iyo qaramada midoobay inay si rasmi ah u taageeraan dawladayada Somaliland oo ah bikaaca ka hilaacaya gobolka geeska Afrika oo ku naaloonaya xornimo, degenaansho, dimuqraadiyad iyo nabadgelyo taam ah”Qoraalka oo sii socda wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ku yidhi “sii mustaqbalka hawlgalladda iyo hawlaha qaramada midoobay ee gobolkani u noqdaan qaar midho dhal ah oo guulaysta waxaa lama huraan ah in xaqiiqda loo noqdo isla markaana si rasmi ah loo kala saaro Somaliland oo ah qaran madax bannaan oo dadka ku nooli go’aansadeen iyo Soomaaliya oo ah dal madax bannan oo aan labadooda la isku khaldin, ilaa iyo intii dalkayagu uu noqday dal ka madax banaan Somaaliya oo dib ula soo noqday madax banaanidiisii labaatan sanno ka hor waxaanu qaadnay dariiq aad uga gadisan wixii Soomaaliya ka jiray, horumar iyo xasilooni ay dalkayagu doorteen oo horseeday inaanu anagu masiirkayaga ka talino, waxaanu nahay qarran madax banaanidiisa ka hellay boqortooyada Britain oo iyadoo aan cidina qasbin ula midoobay dhanka kale ee Soomaaliya xaqna u leh inaanu xornimadayada la soo noqono, waxaan ka digayna in tallaabo kasta qaramada midoobay ay qaado loo qaado in Somaliland masiirkeeda lagu khaldo Soomaaliya haddii ay taasi dhacdana waxay murginaysa xidhiidhkii aanu la lahayn qaramada midoobay, waxaanu soo jeedinayna in qaramada midoobay ay noo tixgeliso xornimadayada iyo masiirka ummadayadu gaadhay” ayaa lagu yidhi qoraalka.Qoraalka wuxuu wasiirka arrimaha dibaddu kaga dalbaday golaha ammaanka in qofka loo soo magacaabayo gobolka aanay dawladda Somaliland raali ka noqonaynin inuu Muqdisho fadhiisto oo Somaliland matalo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured