Madaxweyne Siilaanyo oo Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka la kulmay iyo Wakiilka S/land ee Washington oo laga yaabo in Seeftu Qaadato Iyo kuwa la Tuhuunsan Yahay In Lo Dhiibo

0
Monday April 29, 2013 - 08:04:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka la kulmay iyo Wakiilka S/land ee Washington oo laga yaabo in Seeftu Qaadato Iyo kuwa la Tuhuunsan Yahay In Lo Dhiibo

    Hargeisa-(xogreebnews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa xalay hotel ku yaala cidhifka magaaladda Washigton oo la yidhaahdo Meriat kulan kula yeeshay qurba joog Reer Somaliland ah oo ka kala socday Maraykan iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa xalay hotel ku yaala cidhifka magaaladda Washigton oo la yidhaahdo Meriat kulan kula yeeshay qurba joog Reer Somaliland ah oo ka kala socday Maraykan iyo Kanada. Madaxweyne Siilaanyo oo Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka la kulmay iyo Wakiilka S/land ee Washington oo laga yaabo in Seeftu Qaadato Iyo kuwa la Tuhuunsan Yahay In Lo Dhiibo
Hargeisa-(xogreebnews)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa xalay hotel ku yaala cidhifka magaaladda Washigton oo la yidhaahdo Meriat kulan kula yeeshay qurba joog Reer Somaliland ah oo ka kala socday Maraykan iyo Kanada.
Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Qurba jooga ayuu uga waramay socdaalkiisa iyo kulamdii uu la yeeshay Madaxda Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka iyo sidoo kale Heshiiskii Somaliya iyo Somaliland ku galeen Dalka Turkiga kuwaas oo uu ku sheegay Somaliland in ay u ahaayeen fursado yididiilo leh.Kulanka oo ahaa mid ay dad badani safari dhaadheer u soo galeen ayaa u qabsoomay si habaqle ah isla markaana muddo kooban socday kadib markii qorshaha loo Agaasimay wax badani ka xumaadeen, waxaanay taasi sababtay in madaxweyne Siilaanyo wakhtigu ku yaraado isla markaana uu hadalka kobo.Xaflada ayaa bilaabantay abaara 10:30 ilaa 11:00, taasoo sababtay in maamulka Hotelku ku war-geliyay in wakhtigu ka dhamaaday taasoo keentay in saacad kale lagu daro.Sidoo kale kulanka ayaa lagu weydiiyay Madaxweyne Siilaanyo laba Su’aalood oo kali ah, waxaana mid qaatay Ragii ka soo qayb galay halka tii kalena laga siiyay Haweenka, iyadoo labadaba ay ka jawaabeen wasiir Xirsi Cali X Xasan iyo Wasiir Sacad Cali Shire.Dhaliilaha ugu badan ee shirkaasi hadheeyay ee ka soo baxayay Qurbajoogta kulankaasi ka soo qayb gashay ama doonaysay inay ka soo qayb gasho ayaa eeda arrimahaasi dusha ka saartay Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf kaasoo aan wargelin badan siinin isla markaana dibu-dhacyo farabadani ka muuqdaan hawlaha uu Somaliland u hayo gaar ahaana isagoo ku mashquulsan inta badan shaqooyinkiisa gaarka ah.Si kasta ha ahaatee dhaliilaha ay Qurba joogtu ka qabaan qaabka ay Somaliland Xafiiskeedu uga hawl galo Maraykanka ayaa la saadaalinayaa inay sahayato Wakiilka isla markaana ilo wareedyo u dhuun daloola kulankaasi ayaa sheegay Madaxweyne Siilaanyo in laga yaabo marka uu Hargeysa ku noqdo in uu ku soo xoojin doono Xubno kale oo uu soo magacaabi doono.Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka soo kicitimi doona isla maanta Dalka Maraykanka waxaanu muddo shan cisho ah ku soo hakan doonaan dalka Ingiriiska.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured