Xayiraadda HAATUF iyo HUBAAAL waa Fariin Ku Socota Warbaahinta Kale ee Madaxa-banaan Oo La Odhan Karo(Si xunbuu Kacaankani U Galay Sacad Ragiisii Seeftii Abgaal bay Dul taal Saawrita Ahayd Annaga iyo Saleebaanadii Way Na Sidataa)

0
Thursday April 24, 2014 - 14:16:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 3594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xayiraadda HAATUF iyo HUBAAAL waa Fariin Ku Socota Warbaahinta Kale ee Madaxa-banaan Oo La Odhan Karo(Si xunbuu Kacaankani U Galay Sacad Ragiisii Seeftii Abgaal bay Dul taal Saawrita Ahayd Annaga iyo Saleebaanadii Way Na Sidataa)

    Abwaankii Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) sanadkii 1974-kii markii uu arkay cabudhinta lagu hayo xoriyada hadalka iyo isu imaatinka ayuu tiriyey maanso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaankii Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) sanadkii 1974-kii markii uu arkay cabudhinta lagu hayo xoriyada hadalka iyo isu imaatinka ayuu tiriyey maanso

Markii uu dhashay kacaankii uu hormuudka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre wuxuu xididada u siibay warbaahintii madaxa banaanayd ee dalka ka jirtay mudo kooban ka dibna wuxuu mamnuucay in beelaha soomaalidu ay danahooda ka shiri karaan,sidoo kalena wuxuu mamnuucay in aysan dalka ka jiri karin wax ururo ah nooc kasta oo ay yihiinba ,waxaana danbi qaran laga dhigay haddii la arko qoys ama beel ka tashanaya danahooda gaarka ah.

Hadaba Allaha u naxariistee Abwaankii Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) sanadkii 1974-kii markii uu arkay cabudhinta lagu hayo xoriyada hadalka iyo isu imaatinka ayuu tiriyey maanso uu ku tilmaamayey xad gudubyadii xagga xoriyadda ee uu kacaanku kula kacay beelaha soomaalida qayb yar oo ka mid ah haddii aynu ka soo qaadanana waxaa ka mid ahaa oo uu yidhi.

Si Xun buu kacaankani u galay Sacad Ragiisii

Seeftii Abgaal bay dul Taal Saawirta ahayd

Warsan-geli Suldaan iyo Ma Jiro Boqor La Saanyaa

Annaga iyo Saleebaanadii way na sidataa

Guul wade sawaaban iyo askari ha ii saloosheen

Nin kasto salaan dheer u baxaba Siibashaa xigi

Adigana Siyaadow Waqtigu wuu ku Sugayaa.

Hadaba saaxiibayaal hadii aynu u soo gunda degno duculda ama ujeedada aynu ka leenahay qoraalkan waxay tahay xukuumadda siilaanyo tacadiyadda ay ku hayso warbaahintii madax banaanayd ee dalka taasi oo ay ujeedadeedu tahay inay si dad ban xididada ugu siibto warbaahinta madaxa banaan,waxaana hubaal ah haddii warbaahinta madaxa banaani ay dhinac iska wada taagi weydo arimaha socda in ay gabi ahaanba meesha ka bixi doonaan marka laga reebo warbaahin kooban oo ku shaqeysa habkii guul wadeynta ee laga bartay Maxamed Siyaad Barre ,Abwaan Soomaaliyeed oo hore ayaa yidhi nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maal dhashaaday sugtaa xaajadaad dhayal sataa abid ,fariinta aan anigu u dirayo warbaahinta madax banaani waa taa .

Fariinta aan u dirayo xisbiyadda mucaaradka ah iyo dadweynaha reer somaliland waxay tahay had iyo goor saxaafadda madaxa banaan faa’iidada ugu badan waxaa ka hela dadka dan yarta ah iyo dadka raadinaya inay ay qabtaan mansabka ugu sareeya dalka ,hadii aynu dib u xasuusano Siilaanyo markii uu mucaaradka ahaa ee uu ahaa Gudoomiyaha KULMIYE si badheedha h ayuu ula safan jiray warbaahinta madaxa banaan haddii wax la yeelo waxanau samayn jiray mudaharaadyo uu isagu shakhsi ahaan hor kacayo isagoo aan wax ogolaansho ah uga qaadan Xukuumadii marka jirtay,tusaale ahaan 11/09/2007-dii siilaanyo oo ay weheliyaan 18 xildhibaan oo ka mid ah golaha wakiiladda kana mid ahaa xildhibaanadii ka soo baxay xisbiga KULMIYE waxay hor kaceen mudaharaad aysan wax ruqsad ah u qaadan sidoo kalena siilaanyo markii u mucaaradka ahaa wuxuu dhagaha ka furaysan jiray awaamiir kasta oo ay xukuumadii markaa jirtay soo saarto.

Tusaale ahaan xukuumadii Rayaale waxay ka soo horjeeday in uu dalku yeesho idaacado madax banaan Siilaanyo-na wuxuu ku talaabsaday in uu samaysto idaacad hargeysa ka hadasha oo la yidhaahdo Horyaal oo ku hadasha Afka KULMIYE .

Akhriste su’aal aan ku weydiiyeen arintaasi ma waxay wax u dhintay oo ay dhawacday nabadgalyadii dalka mise waxay burburisay somaliland?maya labadaasi arimood midna may dhici sidaa daraadeed xisbiyadda mucaaradka waxaa looga baahan yahay in ay sameeyaan mudaharaadadii uu siilaanyo sameyn jiray mid la mid ah oo ay madaxada ugu sareysa xisbiyadda mucaaradku soo hor kacaan sidoo kalena labada xisbi mucaarad waxaan kula talin lahaa in xisbi waliba uu samayso idaacad u gaar ah oo uu kala hadlo taageeayaashiisa iyo guud ahaanba umadda somaliland.

Haddii arintaa aan soo sheegay ay ku talaabsadaan xisbiyada mucaaradku waxa iman doonta in meel dhexe la isu yimaado oo xukuumadda siilaanyo ay ogolaato inay faraha kala baxdo cabudhinta warbaahinta madax banaan ,taa bedelkeedana ay ku hesho in xisbiyadda mucaaradku ay joojiyaan inay mudaharaadaan ,nabadgalyadu maaha wax la isku cabsi geliyo ee waa wax umadda oo ay dani ugu jirto oo ay waxa ilaashanayaan.

Saaxiibayaal haddii aan tusaale kale aan idin siiyo ninka la yidhaahdo Saleebaan Ismaaciil Bulaalle (Saleebaan Xuquuq) oo weliba sheegta in uu u hadlo xuquuqal iinsaanka wuxuu bar yahan danbe ka caado dhigtay in ay xukuumada siilaanyo soo dhaqdhaqaajiso marka ay albaabada isu dhufato qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan soomaalidu waxay tidhaahdaan mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido todobaadkii hore ayay ahayd markii albaabada la isu dhuftay wargeskii madaxa banaanaa ee HAATUF Saleebaan ismaaciil Bulaalena wuxuu yidhi markii dagaal ka u dhaxeeya Haatuf iyo xukuumadda aan soo baadhay waxaan ogaaday in arinta u dhaxaysaa aysan khusaynin saxaafadda madaxa banaan ee ay tahay arin dhaqaale.

Hadaba su’aasha is weydiinta u baahani waxay tahay goorma ayuu Saleebaan noqday maxkamad ka gar qaaday arinta u dhaxaysa Haatuf iyo xukuumadda,arintanu waxay muujinaysaa sida loogu tuntay sharciyadii dalka ee qof waliba uu u dhaqaaqayo jihada uu doono ,anigu haddii aan miisaamo waxa ay isku hayaan wargeyska Haatuf iyo xukuumadda siilaanyo waxay tahay nin Tuug ah ayaa habeen habeenada ka mid ah u soo dhacay guri aanu jaar ahayn wuxuu urursaday wax yaabihii muhiimka ahaa oo dhan markii uu isku dayay in uu baxo ayaa reerkii guriga daganaa ku tooseen qayladda ayaa isu dayaantay markii aanu ku soo yaacnay waxaanu aragnay tuugii oo alaab badan sita oo meel danbe taagan reerkii guriga lahaana ay albaabka hore taagan yihiin si uusan tuugu u bixin isagoo alaabtooda sita ,hadaba arintiii mucjisada ahayd ee aan la yaabay waxay ahayd tuugii wuxuu ku dhawaaqayey oo uu lahaa nabadgalyadda ha la ilaaliyo oo albaabka ha la ii baneeyo si aan si nabadgalyo ah ugu baxo.

Hadaba Haatuf haddii uu soo bandhigay sida loo boobayo khayraadka dalka ee ay cid gaar ahi isu koobtay ma dayrkii bakuu gubay,Xukuumadda siilaanyo se miyaanay u ekayn ninka tuuga ahaa ee ku doodaayey in la ilaaliyo nabadgalyadda isaga oo xoolihii dadka qaatay ,madaxda wargyska Haatuf iyo inta la aragtia ahina miyaanay u ekayn dadkii albaabka iska taagay ninkii tuuga ahaa.marka aan hadalkayga soo ururiyo arinta saleebaan saleebaan ismaaciil bulaalle waxaan ku tilmaami karaa maah maahdii soomaliyeed ee ahayd nin ay soori ka qaaday waa nin ay seefi ka qaaday.

Hadaba isku soow ada duuboo Xayiraadda HAATUF iyoHUBAAAL waa Fariin Ku Socota Warbaahinta Kale ee Madaxa-banaan Oo La Odhan Karo(Si xunbuu Kacaankani U Galay Sacad Ragiisii Seeftii Abgaal bay Dul taal Saawrita Ahayd Annaga iyo Saleebaanadii Way Na Sidataa)

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured