Wajaale:Magaalo Maamulka ka Aradan

0
Wednesday April 23, 2014 - 20:54:15 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajaale:Magaalo Maamulka ka Aradan

    Magaallo xuduudeedka ganacsi ee wajaale ayaa ah meel ganacsi diirani ka socdo,in kasta oo dadka wax iibsanayaa ay u badan yihiin itoobiyaan,hadana waxaa jirta in magaalooyinka kale ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaallo xuduudeedka ganacsi ee wajaale ayaa ah meel ganacsi diirani ka socdo,in kasta oo dadka wax iibsanayaa ay u badan yihiin itoobiyaan,hadana waxaa jirta in magaalooyinka kale ee Somaliland Magaallo xuduudeedka ganacsi ee wajaale ayaa ah meel ganacsi diirani
ka socdo,in kasta oo dadka wax iibsanayaa ay u badan yihiin
itoobiyaan,hadana waxaa jirta in magaalooyinka kale ee Somaliland
ganacsatadoodu ay alaabada ka doontaan magaaladaasi.
Lacagta ugu badan ee magaaladan laga isticmaalo ayaa ah lacagta
itoobiyaanka ee loo yaqaano birrta,marka aad ganacsatada waydiiso waxa
badiyey isticmaalka lacagtan birrta ayey kuu sheegayaan in macmiisha

ugu badan ee ay wax ka iibiyaan ay tahay itoobiyaan,sidaa darteedna
inay lacagtay wataan wax kaga iibiyaan ka dibna ay dollar ku
badashaaan.
Iyada oo lagu jiro xili roobaadkii guga ayaa waxay indhahaagu
qabanayaan qashin badan oo daadsan hareeraha magaalada iyo dhexdeedaba
haba ugu sii darnaado toga u dhexeeya labada daamood ee ay magaaladani
ka kooban tahay.
Tani ayaa sobobtay in uu ka dilaaco shuban biyood haleelay caruurta
intooda badan,waxaana jirta in maamulka degmadani aanu waxba kala
socon xaaladdan.
Ganacsatada wajaale ayaa u muuqda qaar isku duuban waxaanay samaysteen
gudi lagu magacaabo gudida ganacsatada wajaale,gudidan ayaa isku
xilqaantay inay ka shaqeeyaan isku duubnida ganacsatada is fahanka
dhexdooda iyo xalinta khilaafaadka ka dhex dhaca iyo sidii ay kor ugu
qaadi lahaayeen ganacsigooda.sida uu noo sheegay gudoomiye ku xigeenka
gudidan mr yaasiin"gudidani waxay ka shaqaysaa kor u qaadida
ganacsiga,xallinta khilaafaadka dhexdayada ka ganacsato ahaan iyo
sidii aan iskugu duubnaan lahayn iskuna kaashan lahayn".
Ganacsatada magaalo ganacsiyeedka wajaale ayaa ah kuwo ka qayb qaata
horumarinta iyo wax ka qabashada adeegyada muhiinka ah ee ay ka
gaabiyeen wax ka qabashadooda maamulka meesha ka jira.
Meelaha ay wax qabad muuqda ay ka sameeyeen ayaa waxa ka mida dhisida
wadooyinka dhex mara magaalada oo ka samaysan caro kaawe la ka
bisay,ganacsatada ayaa si cad kuugu sheegaya in lacagta laga ururiyay
ay u dhisi lahayd wadooyin laami ah oo daamurkii leh,balse lacagtaasi
la musuqmaasuqay oo ay ku dhacday jeebabka masuuliyiinta degmada oo uu
ugu horeeyo gudoomiye xaashi dhago dheere.
Ganacsatada ayaa noo sheegay inay iska ururiyeen lacag loogu tallo
galay inay ku soo iibsadaan gaadhi dab damis ah oo ay masiibada dabka
kaga hortagaan sida uu noo sheegay xoghayaha gudida ganacsatada
wajaale "waxaan iska ururinay lacag aan ugu tallo galnay inaan ku soo
iibsano gaadhi dab damis ah maadaama ay magaalada taallo hantidii ugu
badnayd ee reer s/land".
Talaabadan ayaa u muuqata mid xaga wanaagsan loo qaaday markii
maamulkii degmadu uu noqday mid ka gaabiyay hawlihii loo igmaday
noqdayna mid fadhiida oo aan waxba qaban inay lacagta cashuurta ah
urursadaan oo ay musuq maasuqaan mooyaane.
Xaashi dhego dheere ayaa degmadan wajaale gudoomiye ka soo ahaa tan
iyo intii la doortay xukuumadan kulmiye,waxaanu ahaan jiray xubin
firfircoon oo kulmiye magaalada u jooga,markay xilka ku guulaysteena
waxaa loo magacaabay gudoomiyaha wajaale.
Xasshi dhego dheere ayaa ahaan jiray ganacsade dhoofiya xoolaha
intaanu ganacsigaasi ka kicin,wuxuu jajabsadaa kalmado kooban oo
carabiya,wax aqoona oo kalena malaha,waxay iswaydiintu tahay nin
noocaasi siduu u maamuli karaa degmo dhan oo ku taala xuduud laba
dal?.
Xaashi dhego dheere ayaan kaba soo xaadirin xafiiskiisa dawlada hoose
ee wajaale,waxaana ku jaban qufullo dhamaan xafiisyada kale oo
dhan,halkii uu ka fadhiisan lahaa xafiiska wuxuu ka doorbiday shir
shirka magaalada dhexdeeda iyo u soo safrida caasimada dalka ee
hargaysa,safari bilaa u jeedo ah.
Ku tagrifalka hantida umadda:
Sida aan soo sheegnay magaalada wajaale oo ah magaalo ganacsi ayaa
waxaa ka soo xerooda dhakhli aad u badan oo iskugu jira cashuuro iyo
macaashul macaashka laga qaado ganacsatada.
Dakhligan soo gala maaha mid ka muuqda magaalada oo wax loogu
qabto,wuxuu si toosa ugu dhacaa jeebabka maayarka iyo xoghayaha
degmada wajaale.
Xaashi dhego dheere ayaa u muuqda nin ku hodmay xilkan uu hayo waxaanu
magaalada ku leeyahay hotel la seexdo oo aad u balaadhan laguna
magacaabo tog janaale halka uu ka iibsaday jagooyin badan oo magaalada
ah iyo beero ku hareeraysan,dad maayarka ka ag dhow oo ka cudur
daartay in magacooda la sheego ayaa noo xaqiijiyay inuu ku hawlan
yahay dhisida guri dhawr dabaq ka kooban magaalada hargaysa,waxaa
layaab leh waxa xukuumadan wax uga qaban laadahay ee ay u daawanayso.
Waa inay xukuumadu badbaadisaa hantida qaranka ee la dhacayo una soo
dirtaa odhad baadhitaan qoto dheer ku sameeya qawlaysatadan ka
arrimiya magaalo ganacsiyeedka wajaale.
Tani ayaa ku soo beegmaysa xili ay reer wajaale la daalaa dhacayaan
biyo la,aan baahsan oo ka jirta magaaladan,wajaale ayaa ah mid ka
arradan dhinaca maamulka.
Qormooyinkeena danbe waxaynu ku soo qaadan doonaa sida ay u shaqeeyaan
xafiiska laanta socdaalka wajaale kastamka iyo xafiiska cashuuraha
bariga.
Qalinkii c/naasir guray meecaad.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured