Dahab Shiil Shirkad Bulsho. C/Xakiim A.Cali (Qalinmaal)

0
Tuesday April 22, 2014 - 22:09:26 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dahab Shiil Shirkad Bulsho. C/Xakiim A.Cali (Qalinmaal)

    Shirkadan oo mulkiilaheeda iyo maamulkeeduba ay yihiin kuwo naxariista iyo badbaadinta bulshad jecel, goob kasta oo masiibo ka dhacdo Somaillad kaalmo u geeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadan oo mulkiilaheeda iyo maamulkeeduba ay yihiin kuwo naxariista iyo badbaadinta bulshad jecel, goob kasta oo masiibo ka dhacdo Somaillad kaalmo u geeya Shirkadda Dahabshiil oo ah shirkadaha ugu balaadhan dhulka Somalida ayaa ka sekow hawsha ay bulshada u hayso ee gudbinta lacagaha dal kasta iyo goor kasta, haddana inta badan bulshada ka caawisa baahiyahooda.
Shirkadan oo marar badan olole ay ku qaadaan kuwa aan ka warhayn hawlaha samafal eek u lammaan ganacsigeeda ayaa ka badbaaday sababaha ugu waaweyn ee ay ayaanka ku leedahay waa danaha guud ee bulshada taasi oo ahmiyadeeda koowaad. Hadafka Dahabshiil waa inuu bulshada ugu adeego hadba inta ay awoodi karaan, isagoo isl markaana haddana dib ugu celiya kuwii baahnaa ee bulshada ka tirsanaa, tani oo ah mid ay yartahay Ganacstada samaysaa (Common interest) .Shirkadan oo mulkiilaheeda iyo maamulkeeduba ay yihiin kuwo naxariista iyo badbaadinta bulshad jecel,goob kasta oo masiibo ka dhacdo Somaillad kaalmo u geeya ayaa ka faa'idda samafalkaasi in markasta ay ku guulaysto dacwadaha ay la gasho kuwa ka dhanka ah sidan Baanka Ingriiska ah.

Marar badana ayay shirkada Dahabshiil cadaysaa in ujeedada koowaad (first priority) ee shirkadu tahay tixgelinta in aanay shaqada iyo hawlaha ay bulshada u hayaan aanay istaagin madaama ay danta ugu weyn ay tahay in la eego bulshada baahan oo la gaadhsiiyo hadba waxa ay tabanayaan.
“ Anigu miihi Cimlaaq, laakiin shaqada ayaa ah cimlaaq” B.Gate
Taasi ayuu ku dhaqmaa wuxuu na ahmiyadda siiyaa in shaqad si furfuran oo bulshadu uga wada faa’idaysan karto u socoto, ka faa’iidaysiga bulshada ee shirkada ayaana ka horaysa wax kasta.
“ Sadaqada Waxay Bakhtisaa Dunuubta, Sida Biyuhu u Bakhtiiyaan Dabka”Xadiis (Rasuul Allah SCW)
Samafalka noocan ah ayaa sababa in shirkadani mar kasta oo qawaaiin adag ay soo saraan caalamka kala duwani ay haddana ka daayaan Dahabshiil, markay aqoonsadaan inay tahay shirkada inta badan isga shaqaynaysa nooc samafal oo aan habayaraatee dhib ku keenayn danahooda guud.
Guusha ay ka heshay Baankan ay dacwada kuwada jireen waxa sabab u ahaa dadaalka maamulka ka sekow naxariista, sadaqada, iyo danaha faqiirka ee ay inta badan ka shaqayso.
Waxay shirkadu ka fogtahay qabyaaladda iyo danaysiga waxa kale oo ay ka dheer tahay ganacsiga uu shakgu ku jiro.
Xikmadaasi qaaliga ayay adeegsadaan Dahabshil, mar walab waxay ku dadaalayaan iskaashiga iyo waxtarka bulshada.
Kalsoonida ay shirkadu isku qabto iyo kan ay ku qabto adeega ay u qabanayso bulshadeeda iyagoo u siman ayaa keenaya inay si dhib yar markasta u hesho garta iyo xaq ay u leedahay inay bulshadeeda u adeegto, una kaalamayso dhinac kasta.,Bulshad qof kastaa waa inuu qaata doorkiisa si loo gaadho wixi la higsnayo.
Wa Bilahi tawfiiq





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured