Markii u horeysay taariikhda oo Jaamacada Hargeisa Qufulo iyo Silsilado waaweyn Albaabadeeda lagu jiidey iyo sababaha loo cuskadey

0
Sunday April 28, 2013 - 12:44:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markii u horeysay taariikhda oo Jaamacada Hargeisa Qufulo iyo Silsilado waaweyn Albaabadeeda lagu jiidey iyo sababaha loo cuskadey

    Hargeisa-(xogreebnews)-Sabtidii shalay,Arooryadii hore abaara sideedii iyo tobankii subaxnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews)-Sabtidii shalay,Arooryadii hore abaara sideedii iyo tobankii subaxnimo Markii u horeysay taariikhda oo Jaamacada Hargeisa Qufulo iyo Silsilado waaweyn Albaabadeeda lagu jiidey iyo sababaha loo cuskadey

Hargeisa-(xogreebnews)-Sabtidii shalay,Arooryadii hore abaara sideedii iyo tobankii subaxnimo ayaa warfidiyeen ka socda shebekada Qarannews iyo sawir-qaade ka tirsan wakaalada wararaka AP (Associated press) booqdeen Jaamacada xukumada Siilanyo maamusho ee Hargeisa University ,maxayse la kulmeen!.
hargeisa university
Qufulo waaweyn iyo Silsilado xoog badan oo kuwii Geydhadhka Jeelasha lagu xidhi jiray xilligii xukumadii Siyaad Barre u muqaal eeg amaba kuwo goobaha dadka dhimirka la’ lagu xanaaneeyo loo istcimaalo ayaa lagu jiiday Albaabka weyn ee Jaamacada Hargeisa sida qaalibka ah dadku ka galaan,ku darsoo waxaa indhahu qabteen,oo albaabka Weyn hortiisa tubnaa koox Askara oo ilaa tobaneeyo qof ku dhawaada oo ku lebisnaa Diraysyo kala kaankaana,Askari baa xidhnaa shaadh kaakiya iyo surwaal tuute ah (Shaadh iyo Surwaal kala nooca),mid kalena wuxuu gashaanaa Shaadh iyo Surwaal kaaki ah iyo Kabo Dacasa, halka mid kalena gashanaa dharka Taraafikada mid u muqaal eeg.

Askartu markay aragtay inaanu ku soo socono oo masaafad dhawr talaabo ah u soo jirno ayey qaylo dheer oo erayo hanjabaad iyo cabsi gelini ka buuxdo oo ka baxsan dhaqanka iyo asluubta wax laysagu sheego nagu hurgufeen.Waxaan ka xasuustaa erayaday sida darandooriga ah noogu weeraareen joog waryaa ninow, amar qaado, dibu noqo,lama ogola adeer,guriyihiinii qabta iyo qaar ka liita oo qoraalkan inaan ku soo bandhigo aan ku haboonayn.
Marka arini halkaas marayso ayaanu weydiinay Askartii maxaa dhacay,maxaa soo kordhay waxay jawaabtoodii noqotey meeshaad ka timaadeen ku noqda,Anaguna jaafaa-jiriq dad diyaar u ah umaanan muuqan ee bal Adba!
Yeelkeede Askartii ayaanu sheeko xariir iyo qaboojiye u saarnay si aanu xogta waxa meesha ka jira u ogaano ileyn tushuush,hanjabaad iyo hadalo xanaf iyo xajiin miidhana uun bay nagu asqeysiiyeen, oo nagala hor yimaadeene Hase yeeshee Askari ka mid ah Askartii albaabka tubnayd ayaa noo sheegay in Albaabkan Gudoomiyaha Jaamacada Prof.Gaas ku amray inay xidhaan siddeeda iyo toban daqiiqo Arday,shaqaale, macallin iyo Siilanyo toona ka soo geli Karin haddey waqtigaas dhaafto,taas darteed aanu xaafadihii dib ugu noqono.
Xikmad baa ah “hawraarey nina si ku yidhi nina si kuu qaadaye” waxaanu uga wareegnay dhan kale oo waxaanu Askartii u sheegnay inaan arday ,shaqaale iyo macalimiin intaas midna ahayn ee aanu nahay dad hawlo kale u socda (Visitors).Ha yeeshee Askari kale ayaa markiiba hadal nagu soo tuuray oo yidhi la mid baa tihiin,Amar dawlo mudeec, cidnaba ma geli karto ee waxaad yeeshaan albaabkaas kale tago oo waxaad rabtaan u sheegta intuu noo tilmaamay albaab kale oo aan aad uga fogeyn oo badiyaaba Baabuurta bahda Jaamacada Hargeysa (macalimiinta iyo shaqaalahu) ka galaan!.
Waxaa la yidhi “ hadaad sidaad rabto weydo sidaad ka badin weydaa la yeelaaye “ markay sheekaduu halkaas marayso aayanu u dhaqaaqnay Albaabkii kale ee Askartu noo tilmaantay balse waardiyaha albaabkaas joogay waxna wuu dareensanaa,waxna wuu maqlaayey ,wuuna la socday hadaladii Askarta na dhexmaray iyo in naloo soo tilmaamey hase yeeshee inkastaanu isagu dhar Askareed lebisnayn wuxuu ahaa Waardiye akhlaaqdiisu liidato waayo da’ ahaan wuu naga yaraa, waxaan ku qiyaasi karaa hadduu ugu yaraado 35 jir hase yeeshee markaanu si fiican u salaanay anagaan hadal kale odhan ayuu nagula soo boodey waan idin maqlaayey ee lama ogola Albaabkan ee guryihii Hooyooyinkii ku noqda!,Hooyooyinkayo maxaa meesha keenay!,meesha ma anshax xumaa lagu bartaa!.
Arintu si kasta ha u murugtee waxaanu fursad u helay inaanu xog iyo macluumad dheerad ah ka raadino oo ka helno goob ganacsi oo jaamacada ka soo horjeeda oo ardayda u fududeysa ama ka iibiya adeegyada Footo-koobiyada ama sawirka waraaqaha,waxayna noo sheegeen in gudoomiyaha Jaamacada Prof. Gaas uu bixiyey amar ah in Siddeeda subaxnimo albaabada jaamacada la laabo oo aan qofna soo geli Karin Arday, Macalin,Shaqaale,Marti iyo Dad arin ama shaqo kale u socda toona.
Haddaba Jaamacada Hargeysa oo rukumada ay ku taagan tahay lagu qotomiyey lacag qaadhana oo Foosiya Yuusuf X.Adan Muddo dheer ka ururinaysay Bulshoweynta Reer Somaliland siiba shaqaalaha shirkadaha rayidka ah iyo xoogsatada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa ayaa maanta u eeg mid lagu hungoobay oo ku sii durkaysa ama isurogtay xero Askareed ,qaadateyna hab-dhaqanadii gaboobey ee lagu yaqaanay Iskuuladii Hoose /Dhexe ee Dawladii Siyaad Barre ee Dulmigu burburiyey.
Waxaa nasiib daro ah in Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa la shir yimaado ama xafiiskiisa ka soo baxaan amaro qalafsan oo ku haboonayn Jaamacad ama Goob waxbarasho la mid ah oo dadku lacagtooda la baxaanoo loo khidmeeyo,waxaan si fududu u odhan karaa wuxuu ilduufay mustawaha iyo maamuska xilkuu hayo.
Tu kale ma Ciyaal iyo Caruur la carbinaayo ama edaabta la baraayo ayaa Jaamacada Hargeysa dhigata,ma bilaash baa wax loogu dhigaa ,ma dawbaa in dadka(Visitors) soo boqda ama shaqo u yimaada Jaamacada la jacdediyo oo la aflagadeeyo,oo karamadooda meel lagaga dhaco iyagoo masaafad dheer u soo socday ama degaano kale uga yimi baahidii doonta ha wade!.
Askarta miyaan la farin meeqaamka,qiimaha iyo ixitiraamka ay mudan yihiin dadka soo booqda Jaamacada ,kuwa ka shaqeeya iyo kuwa wax ka dhigta iyo kuwa wax dhigaba, xikmad baa ah “ qofaan waxa soo socda garanin waxa joogana ma garto” ee waxaa suurtogal ah in habdhaqanka gaboobay ee Albaabada qufulada waaweyn lagu jiidayaa wax badan Jaamacada taariikhdeeda iyo sumcadeeda ka bedesho oo ardayda dhigata,shaqaalaha iyo macalimiintu iskaga dareeraan maadaba uu Prof.Gaas meeshiiba xero Askareed u rogay.
Xikmad baa ah “Arin nin la toosan baa nina tuur la lehe” haddii Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa hab-dhaqankaasi la qumanaadey annaga wuu nala qariban yahay, Jaamacadaha Somaliland ku yaalaana waa badan yihiin ee Hargeisa University oo keliya maaha ee bal qabso ,dadka qaarkiina waxabay u haystaan Jaamacada Hargeysa inkastay Hooyadii JaamacadahaHargeysa tahay inay hadda ka mid tahay kuwa ugu meeqaam liita ee hab-dhaqankaas Guracan iyo Qufulada waaweyn wax ka bedela,oo joojiya dhaqankaas haddii kalena aakhirka waxay dhali Mudaharaadyo iyo murano qaro waaweyn oo kaga yimaada Ardayda Jaamacada ee lacagta bixiya ee Albaabada subax walba lagu celinaayo, ee subax walba 5KM ilaa 8KM u soo lugeeya ,noqo way ku adag tahay,macalinka lug ku yimaadana wey ku adag tahay ,shaqaale hoosaadka hadalkiisaba daa.
Isku soo wada duuboo Gudoomiye Gaasow sidaada dadku barwaaqo kuma wada jiro ee toos,indhaha fur oo qiimee xilliga lagu jiro iyo duruufaha shaqaalahaaga iyo macalimiintaada ku xeeraan, dib ugu noqo Go’aankaas Qufulada waaweyn,Silsiladaha iyo Albaaba xidhasahada ,ku darsoo tixgeli, oo qiimee martida (Visitors-ka) adeegyada kala duwan u soo doonta ama u yimaada jaamacada ee masaafad dheer uga yimaada!.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured