Haatuf iyo Hubaali Ma waxay noqdeen Godintii iyo Hangookii la is ticmaali jirey marka Reerka la oodaayo oo keliya qalinkii A/rahman fidhinle–

0
Saturday April 19, 2014 - 14:28:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haatuf iyo Hubaali Ma waxay noqdeen Godintii iyo Hangookii la is ticmaali jirey marka Reerka la oodaayo oo keliya qalinkii A/rahman fidhinle–

    Waxaanu Canbaareyn cod-dheer ah kaga soo horjeednaa falalka foosha xun ee awood sheegashada ah ee xukuumada Siilaanyo caadeysatey in ay si badheedh ah markasta ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu Canbaareyn cod-dheer ah kaga soo horjeednaa falalka foosha xun ee awood sheegashada ah ee xukuumada Siilaanyo caadeysatey in ay si badheedh ah markasta ugu Waxaanu Canbaareyn cod-dheer ah kaga soo horjeednaa falalka foosha xun ee awood sheegashada ah ee xukuumada Siilaanyo caadeysatey in ay si badheedh ah markasta ugu xadgudubto dhamaan xoriyatal qawlka iyo xuquuqda aadanaha , kuna tumato xuquuqda wariyeyaasha iyo saxaafada madaniga ah ee madaxa banaan ee ay caadeysatey in ay meheradahooda albaabada ulaabto mar kasta oo ay xaqiida duraanba. Xayiraadaa xoog-sheegashada ah ee xaaraanta ah ee ay Xukuumadu xayirtey Hubaal, Haatuf iyo Somaliland times waxay laf-dhuun gashey ku noqondoontaa xukumada Siilaanyo ee isnuuga ah ee unugul in ceebaheeda la faydo.

Xayiraada Haatuf ee dhawaaqeedu meesha dheer gaadhey waxay dhawaan xukuumadu indhaheeda ku arki doontaa Saameynteeda oo taban.
- Waxay saameyn mug leh ku yeealan doontaa Siyaasada arimaha debeda ee ay isu direen muwaadiniinta qurbojooga ah ee reer Somaliland
- Waxay laf-dhuun gashey ku noqon doonta Siyaasada arimaha debeda ee dilaalnimada ku saleysan ee ay ugu yeedheen ( economic Diplomacy )
- Waxaa ku riban doonta Siyaasada aan qorshaha laheyn ee baadigoobka ictiraaf raadinta xaafadaha ingiriiska himbiriirsiga lagaga baadi goobo..
- Waxay ku noqon doontaa xukuumada fadeexad qaawan oo hakad ah, waxaana ay xukuumadu ku mergan doonataa Su'aalo ku wajahan arintan oo ay dhawaan weydiin doonaan Hayadaha Somaliland ka caawiya kobcinta Dimuqraadiyada, Doorashooyinka iyo qaar ka mid deeq-bixiyayaashaba.
Caadooyinkan gun-nimada ah ee ay Xukuumada Siilaanyo had iyo goor kula kufto weriyaasha iyo Saxaafada madaxa banaan ayeynu dhawaan ka akhrisan doonaa reboodhada laga soo qori doono ee lagu buruud-shiili doono Xukuumada Siilaanyo ee aan la mahadin.
Hab-dhaqankaa miidaamada ah ee aan loo meel dayen ee ay xukuumada Siilaanyo kula gal-galato markasta Saxaafada Madaniga ah ee madaxa banaan ayaa iyaduna sii galaafan doonta duduucii Geedi socodkii Dimuqraadiyada curdinka ah ee ummadda reer Somaliland ku taamayeen 23 sanadood ee la soo dhaafey.

Waxaa Shacabka Somaliland iyo xisbiyadii qarankuba ay arkaan in aan loo sineyn Saxaafadii Dawlada oo aaney xataa ganacsatadii iyo shacabkii usineyn.xisbiyadii qarankana lagaba xaaraantimeeyey iyaga oo utafo xayta marka ay wadanka debeda uga baxaan hawlaha xoojinta iyo kobcinta qadiyada iyo qaranimada JSL. Iyada oo ay arimahaas oo dhami jiraan maanta hadana laga yeeli maayo Xukuumadeena Isku-dhafan-dhoob-dhooban, ha hadlin, ha qorin, ha shirin, ha showrin oo ha hindhisin.!!! Mar hadii ay Xukuumadii noqotey hadhdacaaran deris ku nool ah oo dhiigii, iyo dheecaankii ummadaba dhiilo ka buuxsatey oo lunsatey danba waa loo hadli, loo shiri,loona qori doonaa.Qarnigan maantana waa qarnigii ay muwaadiniinta JSL ay dareenkooda, garaadkooda iyo garashadooda ay codka dheer ku dhiibanayeen waa qarnigii casriga cusub oo dermo ayaa lagu wada fadhiyaa ( Golobal Village ) oo toos ayaa la isaga naqdiyaa, la iskana daalacdaa Tiknoolajiyada cusub ee maqalka iyo muuqaalka ah , markaa Miyey cabudhin kartaa shacabka xukuumadeena deman, dul yar , dareen nugul? Jawaabta oo koobana Waa maya!!
Waxaa shacabka reer Somaliland wada arkaan ,musuq-maasuq aan geedna loogu soo gaban, sadbursiga isireysan, mashruuc-bursiga xulafeysan, Shaqsi jecleysiga xabkeysan ee hadana xasabeysan, iskooxeysiga shirkadeysan. dhul boobka baahsan ee waqtiga dheer ku qotoma ee shaadh iskaashato, mid-mashruuc iyo mid wershedeed kolba loo gashado, shirkadaha ilma jini-boqor ee nuuga dhiiga shacabka ee ganacsigooda la kala xadeyn waayey ee la xakameyn-waayey.deyrka adag ee qabyaadaleysan, xigaaleysan ee aan gabashada laheyn oo xataa wasiiradii xukuumaddu ay u-kala sareeyaan sida ay ugu kala dhaw yihiin muska iyo miscirirta xayndaabka madaxtooyada.. Bal eega qawleysatada Ban ka qooqa ah ee dhinaca ka raran ee aad moodo in aaney wadankaba u-dhalan ee qawlalada ka xumbeeya ee ka doobinaaya kana dhibishaxleynaaya hudheelada dudada xayndaabka madaxtooyada iyaga oo master-key wada ah cid walabana ujawaaba oo doonaya marwalaba dalqada uun waxay dhigaan, Dab-liqa ayaa la idinka yidhi !! Waar ma Waxaas ayaa inoo danbeeyey oo loo dul-qaadan karaa?.

Su'aasha labaad ee ummaddu isweydiineysaa ayaa iyana ah, Hadii ay Haatuf wax qortey, Maxaa shaqsigii wax qorey sharciga loola tiigsan waayey ee joornaalka iyo meherada oo ay dad aan denbiba iyagu gelin ushaqo tagaan oo caruurtooda ku korsadaan albaabada loogu laabey?? Waa xaaraan in muwaadiniinta wadanka loo adeegsado Awood ciidan isla markaana la cabudhiyo oo meheradahooda si fudud albaabada loogu laabo.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured