Bangiga Laga Leeyahay Dalka Ingiriiska Ee Barclays Ayaa Heshiis Lagalay Xawaaladda Dahabshiil

0
Friday April 18, 2014 - 20:48:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Laga Leeyahay Dalka Ingiriiska Ee Barclays Ayaa Heshiis Lagalay Xawaaladda Dahabshiil

    London(xogreebnews.com-Bangiga laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays ayaa heshiis lagalay xawaaladda Dahabshiil, taasoo uu u ogolaaday inay xisaabaadka uga sii furnaadaan illaa ay bangi kale ka heleyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com-Bangiga laga leeyahay dalka Ingiriiska ee Barclays ayaa heshiis lagalay xawaaladda Dahabshiil, taasoo uu u ogolaaday inay xisaabaadka uga sii furnaadaan illaa ay bangi kale ka heleyso. kale ka heleyso.
Tallaabada ayaa ka hortageyso in la joojiyo lacagaha ay xawaaladaha sii mariyaan bangigan, taasoo dhaawici karto dhaqaalaha Somaliya.
Dahabshiil ayaa sheegtay in dhinacyada ay gaareen heshii la aqbali karo oo wanaagsan.
“Sida qeybta ka ah heshiiska, waxaa jiro xilli ku meel gaar ah oo Dahabshiil ay ku soo afjareyso xiriirka ay la leedahay bangiga Barclays iyo inaan raadino qorshayaal kale,” ayey sheegtay shirkadda Dahabshiil. Waxaynta intyaa raacisay inay isku deyayaan inay ka fogaadaan burburkastaa oo ku imaan karo shaqadooda.Bangiga Barclays ayaa isku deyay inuu xiro xisaabaadka xawaaladda Dahabshiil iyo xawaalado kale, bishii July ee sanadkii 20133-dii.

Bangiga ayaa arintaasi sabab uga dhigay walaac uu ka qabay in lacagta la diro inay gacanta u gasho dad iyo kooxo halis ah, wuxuuna sheegay inuu arintaasi ka hortagayo.
Balse, dhowr jeer ayaa dib loo dhigay in bangiga uu xiro xisaabaabka xawaaladaha oo illaa iyo hadda furan.
Shirkadaha xawaalada oo dacwad geeyay maxkad ayaa ku guuleystay inaan la xirin xisaabaad kooda.
Dad badan oo Somali ah oo ku nool dalalka dibadda ayaa sanad kastaa Somaliya u diro lacago aad u badan oo ay sii marsiiyaan xawaaladaha.
Lacagtaasi waxaa ku tiirsan malaayiin qof oo oo ku nool gudaha Somaliya iyo dalalka jaarka la ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured