Faallo Cukuse 49 Masuul ee uu Magacaabay Sharciga Ma Waafaqsan Yihiin.

0
Friday April 18, 2014 - 19:04:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo Cukuse 49 Masuul ee uu Magacaabay Sharciga Ma Waafaqsan Yihiin.

    Wasaaradda kasta inkastoo ay xee hoosaad leedahay ,hadana waxaa la og yahay in aysan marnaba suurta gal ahayn in wasiir wasaaradiisa u magcaabo 49 masuul oo isugu jira agaasimo waaxeedyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda kasta inkastoo ay xee hoosaad leedahay ,hadana waxaa la og yahay in aysan marnaba suurta gal ahayn in wasiir wasaaradiisa u magcaabo 49 masuul oo isugu jira agaasimo waaxeedyo

Faallo Cukuse 49 Masuul ee uu Magacaabay Sharciga Ma Waafaqsan Yihiin.

Wasaaradda kasta inkastoo ay xee hoosaad leedahay ,hadana waxaa la og yahay in aysan marnaba suurta gal ahayn in wasiir wasaaradiisa u magcaabo 49 masuul oo isugu jira agaasimo waaxeedyo,madax qaybeedyo ilaa waashmaanada ilaa store keeper-da ,waxaasi ma sharcibaa mise waa nin wax kale u ujeeda oo doonaya dan kale oo umadda ka qarsoon in uu gaadho,ilo ku dhaw dhaw wasiir cukuse ayaa tibaaxay in wasiir cukuse ku han weyn yahay sidii uu maamulka telefishanka qaranka u maroorsan lahaa oo isagu sida uu doono u maamuli lahaa.

Ujeedada ka danbaysa magacaabista 49 masuul ayaawaxa lagu sheegay inay tahay sidii shaqada wasaaradda warfaafintu u joogsan lahayd, marka ay 49 ka amar qaadan waayaan maareyaha telefishanka iyo agaasimaha guud ileyn isagaa magacaabaye.

Tan iyo markii madaxweyne siilaanyo u soo magacaabay wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse wuxuu wasaaradii gabi ahaanba geliyey khilafaad is bar-kan oo lababa labada kale ayay haysataa oo shaqadii qaranka ayaa u xaniban khilaafaadka uu horseedka ka yahay wasiir cukuse ,ee ka socda wasdaaradda warfaafinta waxa kale oo laf dhabar u ah khilaafaadkaasi wasiirka oo balan qaadyo been ah u shegaya shaqaaliisa,maalin dhaweyd ayay ahayd markii gudi la kulan tahay wasiirka cukuse kalana hadleen cabahsho ay qabeen qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta gudidaasi wuxuu u sheegay in uu wax ka qabanayo cabahsadooda balse wuu baal maray oo wuxuu kooxdii shaqaalaha ahayd ee la kulan tahay ka diiday codsigii ay wateen oo waxay ahayd in uu wax ka qabto,maalintaasi wasiirku wuxuu kooxdan ku yidhi hadii aan magacaabo qof cidagale ah aniga ayaa been sheegaya ee isoo doonta balse wuxuu isla maalintii magacaabay 6 ciidagale ah oo uu isagu adeer u yahay taasina waxay markhaati ka tahay beenta iyo balan qaadka wasiir cukuse mar kasta u sheegayo shaqaalihiisa.

Qore: C/risaaq Xuseen Axmed

Email:Axmedfani1@gmail.com

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured