Wasiir Cukuse Wuu Baabiiyey Qaab-Dhismeedkii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

0
Thursday April 17, 2014 - 14:38:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse Wuu Baabiiyey Qaab-Dhismeedkii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

    Wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse ayaa waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey agaasime waaxeedyadda iyo madax qaybeedyadda wasaaradda warfaafinta Somaliland,wasiirka ayaa waxa uu magacaabay 49 oo isu jira madax qaybeedyo iyo agaasime

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse ayaa waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey agaasime waaxeedyadda iyo madax qaybeedyadda wasaaradda warfaafinta Somaliland,wasiirka ayaa waxa uu magacaabay 49 oo isu jira madax qaybeedyo iyo agaasime waaxeedyo

Wasiir Cukuse Wuu Baabiiyey Qaab-Dhismeedkii Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Qormadii 1 aad:

Wasiirka wasaaradda warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse ayaa waxa uu isku shaandheyn ku sameeyey agaasime waaxeedyadda iyo madax qaybeedyadda wasaaradda warfaafinta Somaliland,wasiirka ayaa waxa uu magacaabay 49 oo isu jira madax qaybeedyo iyo agaasime waaxeedyo kuwaasi oo ka kala tirsan telefishanka qaranka iyo waaxaha kale ee wasaaradda warfaafinta,iyadoo qaab dhismeedka wasaaraddu ahaa in wasiirku magacaabo agaasime waaxyeedyadda halka uu maareeyaha telefishanka qaranku uu magacaabi lahaa madax qaybeedyada halka agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintuna magacaabi lahaa madax qaybeedyadda wasaaradiisa.

Magacaabista wasiirka warfaafinta ee 49 isu jira agaasime waaxeedyo iyo madax qaybeedyo ayaa waxay dad badan ku noqotay fajac iyo amakaak,weliba inta badan dadkan la maagcaabay ayaa isku shaqo dhaw tusaale ahaan waxa uu magacaabay madax qorsheynta ee wasaaradda warfaafinta ,hadana waxa uu magacaabay agaasimaha qorsheynta ee wasaaradda ,inta badana sidaasi oo kale ayuu wasiir cukuse isku qas ku sameeyey shaqada iyo taytalada uu u magacaabay dadkan faraha abdan ee tiradoodu gaadhayso 49,kadib markii wasiirku si badheedh ah ugu tuntay qaab dhismeedkii wasaaradda warfaafinta,dadka ka ag dhaw wasiirka ayaa waxay ku macneeyeen isku shaandheynta nasakhan inay ujeedadeedu tahay sidii shaqada wasaaradu u socon weydo ,marka ay is qabsadaan masuuliyiinta uu magacaabay ee ilaa hada aysan qeexneyn shaqadooda iyo awoodahoodu.

Wasiirka ayaa dadka siayasadiisa u dhuun daloola ay sheegayaan in uu doodano in uu meesha ka saaro maareeyaha telefishanka qaranka iyo agaasimaha guud ee wasaaradiisa kuwaasi oo uu doonayo in uu keeno qaar isaga ka amar qaata,waxa la sheegay qorshe hoose inay leeyihiin wasiirka madaxtooyadda iyo wasiir cukuse ay ku doonayaan inay qiil u helaan maareeyaha iyo agaasimaha sidii loo eryi lahaa,ujeedada cukuse ayaa ah in lacagta telefishanka qaranka ee miisaaniyadda ah sidii uu isagu u maamuli lahaa.

Akhriste halkan ka akhri liiska isu jira agaasime waaxeedyadda iyo madax qaybeedyadda uu wasiir cukuse magacaabay.

1. Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh. Maxamed Cawaale

2. Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne

3. Agaasimaha Idaacada, Siciid Aadan Cigge

4. Agaasimaha Qosrshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen “Cirro”

5. Agaasimaha WaaxdaDhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac

6. Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre

7. Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf

8. Agaasime kuxigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed

9. Gudoomiye kuxigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil

10. Gudoomiye kuxigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax

11. Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed

12. Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale

13. Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil (Xagar)

14. KaaliyahaTIfatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali

15. Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi

16. Madaxa Editorka IsmacIil Maxamed Cakuule

17. Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali

18. Madaxa Kaydka TV-ga AxmedJaamacFaarax

19. Ku xigeenkaMadaxa Kaydka Axmed Aare

20. Madax aBakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal

21. Kaaliyaha Bakhaarka (Store) MustafeYuusuf Ibraahim

22. Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh

23. Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd

24. Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa Khadar Max’ed Cakuule

25. Ku xigeenka MadaxaBarmaajyada Radio Hargeisa Faysa Cali Xuseen

26. Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax

27. Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf

28. Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali “Curi”

29. Madaxa laydhka iy oMishiinada Jaamac Axmed Faarax

30. Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil

31. Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)

32. Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska MaxamedCabdi Idiris

33. Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi “Shabeel”

34. Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali “M.Deeq”

35. Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan

36. MadaxaTafatirahaCarabiga TV-gaAxmedXasanAadan

37. Madaxa Dukmanteriga C/qani Xasan Faarax

38. Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan “Ugaas”

39. Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed

40. Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed

41. Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac

42. Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale

43. Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac

44. Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali AxmedCawaale “Canadhame”

45. Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac “Panaroma”

46. Ku xigeenka Madaxa Studio-yahaTv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax

47. Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame

48. Ku-xigeenka Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen

49. Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi

La Soco Taxanaha qormooyinka danbe oo aanu ku soo gudbin doono xogo dheeraad ah oo ku saabsan sida wasiir cukuse u doonayo awood maroorsiga tvga qaranka

By:Muna Maxamed Jaamac

Email:Munalaki@gmail.com

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured