Nin Dhalinyar Ah Oo Dhawaan Lagu Maxbuusay Xorriyatul Qawlka Qoraalka Oo La Yidhaahdo Jaamac Jiir Oo Lagu Jidh Dilay Gudaha Xabsiga Hargeysa

0
Saturday April 27, 2013 - 08:15:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Dhalinyar Ah Oo Dhawaan Lagu Maxbuusay Xorriyatul Qawlka Qoraalka Oo La Yidhaahdo Jaamac Jiir Oo Lagu Jidh Dilay Gudaha Xabsiga Hargeysa

    Hargeysa (xogreebnews)—26/04/2013— Nin Dhalinyar ah oo magaciisa la yidhaahdo Aqoonyahan Jaamac Jiir oo dhawaan maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay ku xukuntay lix bilood xadhig ah isagoo lagu eedeeyey inuu qoray maqaalo dhaliilaya x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews)—26/04/2013— Nin Dhalinyar ah oo magaciisa la yidhaahdo Aqoonyahan Jaamac Jiir oo dhawaan maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay ku xukuntay lix bilood xadhig ah isagoo lagu eedeeyey inuu qoray maqaalo dhaliilaya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa wararka ay
Nin Dhalinyar Ah Oo Dhawaan Lagu Maxbuusay Xorriyatul Qawlka Qoraalka Oo La Yidhaahdo Jaamac Jiir Oo Lagu Jidh Dilay Gudaha Xabsiga Hargeysa
Hargeysa (xogreebnews)—26/04/2013— Nin Dhalinyar ah oo magaciisa la yidhaahdo Aqoonyahan Jaamac Jiir oo dhawaan maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay ku xukuntay lix bilood xadhig ah isagoo lagu eedeeyey inuu qoray maqaalo dhaliilaya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa wararka ayxogreebnews- ka hellaysa tibaaxayaan in lagu jidh dilay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo uu ku xidhanyahay
Ninkani dhalinyarada ah oo xaakinkii xukunka ku riday u cuskaday inay xukuumaddu khaati ka istaagay oo uu dhaliisha ku badiyey ayaa ururadda xuquuqda insaanka u dooda ku tilmaameen in xukunkiisu uu tusaale cad u yahay heerka xuquuqul insaanka iyo tacadiga, cagajuglaynta iyo ceebaynta sharciga iyo qaanuunka dalka ee ay xukuumadda Siilaanyo iyadoo isticmaalaysa awoodii qarranka ugu ugu takri fallayso una isticmaalayso birmo gaydada iyo dadka u ehelka ah inay u hadlaan kuwa aan codka lahayn.
xubno garyaqaano ah oo u dhashay Somaliland oo saldhigoodu yahay magaalada London ayaa todobaadka soo socda waxay doonayaan inay u gudbiyaan nuqul ku saabsan xadhiga lagula kacay ninkani dhalinyarada ah ee qoraaga ah haayadda xuquuqda insaanka ee AMNESTY INTERNATIONAL iyo dawladda Britain oo Somaliland ka caawisa arrimo ay ka mid yahiin dhinaca garsoorka iyo ammaanka.
Xukuumadda Siilaanyo ayaa tallada intay haysay waxay xabsiga dhigtay %80 suxufiyiinta ka hawlgalla Somaliland oo aan cidi ka bad baadin, iyadoo noqotay xukuumaddii ugu tacadi iyo cagajuglayn badnayd ee ku tumata xorriyatul qawlka iyo xornimada saxaafadda, waxaana ugu danbeeyey habeen hore oo laba nin oo ka tirsan ciidanka Booliiska oo laga soo diray xarunta madaxtooyadu ay ku fashilmeen inay dilaan guddoomiyahii wergeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac oo xagga alle ka bad baaday, isla markaana iyadoo la garanayo ciddii soo ababushay weli lagu dhici laayahay in cadaaladda la hor keeno.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured