Wasiir Samaale Oo Si Cad U Hor Taagan In Uu Hawl Galiyo Shaqaalihii Ay Xukuumadda Somaliland U Dirtay Jaamacada Shaqaalaha Itoobiya

0
Sunday March 30, 2014 - 16:31:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Samaale Oo Si Cad U Hor Taagan In Uu Hawl Galiyo Shaqaalihii Ay Xukuumadda Somaliland U Dirtay Jaamacada Shaqaalaha Itoobiya

    Maxadka Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa saddexdii Sanno ee ugu dambeeyey waxa uu Tababbaro u diraayey qaar ka mida Shaqaalaha dawladda Jaamacad ku taalla dalka Itoobiya oo ay Maamusho dawladda Itoobiya. Jaamacaddan oo la yidhaa jamacada Shaqaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxadka Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa saddexdii Sanno ee ugu dambeeyey waxa uu Tababbaro u diraayey qaar ka mida Shaqaalaha dawladda Jaamacad ku taalla dalka Itoobiya oo ay Maamusho dawladda Itoobiya. Jaamacaddan oo la yidhaa jamacada Shaqaalaha Itoobiya Maxadka Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa saddexdii Sanno ee ugu dambeeyey waxa uu Tababbaro u diraayey qaar ka mida Shaqaalaha dawladda Jaamacad ku taalla dalka Itoobiya oo ay Maamusho dawladda Itoobiya. Jaamacaddan oo la yidhaa jamacada Shaqaalaha Itoobiya (Ethiopian Civil Service University), si ay tababbaro ula soo qaataan Shaqaalaha dawladda Itoobiya una soo diyaariyaan Shahaadooyinka Master-ta iyo digriiga (Shahaadooyinka Labaad Iyo Koowaad). Xidhiidhkan Waxbarasho waxa ku guulaystay oo dedaal aad u badan geliyey sidii uu u hirgeli lahaa Agaasimaha maxadka Tababbarka Shaqaalaha dawladda Somaliland Prof Maxamed Mixille Boqorre.Sanadkii 2011kii ayaa toddoba ka mid ah shaqaalaha dowlada somaliland ay ka soo qalin jabiyeen jamacadaa, dhamaantooda waxaa si sharaf iyo karaamo leh u shaqaalaysiiiyey wasiirkii xiligaa oo ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilimi, isla sanadkaa 2011kii, wakhtigii qalin jabinta ayaa Prof Mixile u ambobaxay Adis Ababa si uu uga qayb galo xaflada qalin jabinta, wakhtigaas oo uu ka codsaday in doorkan deeqda waxbarasho loogu daro madooyinka maamulka cashuuraha iyo maraynta kastamada oo uu xusay in ay aad ugu baahan yihiin in ay helaan shaqaale aqoon iyo xifrad u leh cashuuraha, nasiib wanagaa wakhtigaa madaxa jamacad shaqaalaha itoobiya wuu ka aqbaly codsigaa waxaanay u balan qadeen oo markii dambe sidii balan qaadku ahaa u fushay in ay laba iyo tobanka (12) shaqaale ee ay siin donaan dowlada somaliland ay shan (5) ka mid ah baran donaan aqoonta maamulka iyo maaraynta cashuuraha. Kadib markii Maxadka shaqaalaha Dowlada Somaaliland uu warbaahinta ku soo daabacay deeqdan waxbarasho ee la siiyey shaqaalaha dowlada uu shuruud uga dhigay qofka donaya in uu uu ka mid noqdo waa in uu yahay shaqaale ka tirsan shaqaalaha dowlada somaliland, waa in uu u dhashay reer somaliland, sidoo kalena haysto shahaado digrii xisaabaad ah oo darajadeedu aanay ka hosayn saddex iyo badh (3.5), wakhtiga waxaa nasiib u helay in ay ka mid noqdaan shantaa Shaqaale ee soo baranaaya aqoonta maamulka iyo maaraynta kastamada, Maxamed Axmed Jamaca (shimbir) wakhtigaa oo uu khibrad korodhsi ula joogay wasaarada Maaliyada, Yuusuf Sooraan iyo Abdirisaaq Ali, waxaa ay labadooduba ka tirsanaayen wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare halka Yuusuf Maxamed iyo C/Laahi Hawiye ka mid ahayeen shaqaalaha wasaradda maaliyada somaliland.

Bishii July 12 2013 ayaa 1,035 (Kun iyo shan iyo soddon) shaqaale dowladeed ka qalin jabiyeen jaamacada shaqaalaha itoobiya, oo ay ka mid yihiin 12-kii shaqaalaha dowlada somaliland. Munaaasibadaa oo uu ka qayb galay Agaasimaha Machadka Tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland Prof Maxamed Mixile Boqore uu kalmada luuqada ingiriisi ah ka jeediyey qalin-jabintaa oo aanu idiin soo turjunay waxay u dhignayd sidan: waxa aan maanta u hambalyeynayaa dhamaanba shaqalaha ka qalin jabisay Jaamacada Shaqaalaha Itoobiya waxaan ku boorinayaa, kuna dardaraya shaqalahaas in ay aqoonta ay ka heleen jaamacadan ku biriyaan dowladooda, Prof Mixile oo hadalkiisa sii wata uu yidhi, aniga oo ka wakiil ah dowlada somaliland waxa aan halkan uga mahad-naqayaa dawlada Itoobiya ee shaqaalaha reer Somaliland waxbarashada bilaashka ah siiysay, taasina waxay ka markhaati kacaysa xidhiidhka saaxibtinimo ee inaga dhexeeya (Somaliland iyo Ethiopia).
Markii lagu soo guryo noqday somaaliland badh ka mid ah xukumada somaliland shaqooyin way siisay, wallow aanay hayin waaxihii ku habonaa ama goobo ay wax ka badali karaan aan la gayn, se arinta xusida mudan waxay tahay shantii shaqaale ee soo diyaariyey maamulka cashuuraha iyo maareynta kastamada ayaa saddex ka mid ahi meelna aan laga hawl galin halka labadii kalena uu mid ka mid ahi ka mid yahay shaqaale hoosaadka wasarada maaliyada halka shaqaalaha kale ee soo hadhay la noo xaqiijiyey in uu buulka yahay (shaqaalaha aan shaqayn ee mushaharka ku soo baxa).In ka badan todoba bilood ma cada sababta uu wasiir samaale uu u hawl galin la’yahay shaqaalahan aqoonta xeesha dheer u leh maamulka cashuuraha iyo maaraynta kastamada, iyaga oo waliba khibrad dheraad ah u leh kana soo qayb qatay dajinta iyo wax ka bedelkii hab maamulka cashuuraha dowlada itoobiya; sidoo kalena shaqalaahani waxa ay mar kasta ka talo bixiyaa wax ka bedelka kasta oo cashuureed ee ka dhaca wadamad itoobiya, waxaa kale oo aan cadayn haddiba ay yimadeen shaqaalihii ay do



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured