Siyaad Barre Markuu Dhacayey Wuxuu isku Xeeray Qoyskiisii,Siilaanyona Sidiisii Oo Kale Ayuu isku Xeeray Qoyskiisa :- By-Asha Jama.

0
Thursday March 27, 2014 - 08:01:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaad Barre Markuu Dhacayey Wuxuu isku Xeeray Qoyskiisii,Siilaanyona Sidiisii Oo Kale Ayuu isku Xeeray Qoyskiisa :- By-Asha Jama.

    Xukuumada keli taliska waxa lagu gartaa markay dhacayso waxay xukunka ku koobtaa ama gacanta ku qabta waxa wadanka taladiisu ka go,daa in isku qoysa oo guriga loo- ga taliyo lagu naas nuujiyo oo sidii boqortooyo oo kale .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada keli taliska waxa lagu gartaa markay dhacayso waxay xukunka ku koobtaa ama gacanta ku qabta waxa wadanka taladiisu ka go,daa in isku qoysa oo guriga loo- ga taliyo lagu naas nuujiyo oo sidii boqortooyo oo kale .
Tusaale, Siyaad Barre waxa talada la hayey, Maslax, Moorgan, Cabdiraamaan Bulubuluq
Hooyo Khadiija, Xoosha & qaar kale oo badan.
Siilaanyana sidoo kale waxa uu wadanka maamulkiisii gacanta u geliyey Qoyskiisa oo -
kala Marwadiisa oo iyada taladu ka go,do, Wasiirka Xirsi Gaab oo aan aqoonteedaba
lahayn oo aad ka aragto siduu meel kasta uga warbixinayo ee uu u taagan yahay had-
ay gudaha tahay,debada,waxbarshada,caafimaadka,wadooyinka,ciidamada iyo mas-
haariicda wadanka ka socoto iyo xiitaa shaqadii Madaxweynaha, oo ah Madaxweyne
qarsoon, iyo W/Duulista, W/Tamarta,W,Ciyaaraha & Moorgan oo inantiisa qaba iyo
Cali Mareexaan oo isagana qandaraasyada lagu naasnuujiyo, iyo Dahabshiil oo si-
dadban ugu jira, oo sidii Xoosh kale, & Saleebaan oo gudoomiyaha Guurtida oo isna
si cad oo reernimo ugu taageera Siiraanyo, oo la ogaa siduu uga soo horjeeday
Madaweynayaashi Siiraanyo ka horeeyey.
waxa kale oo jirta dad badan oo ku abtirsada qoyska Madaxweynaha oo Hantidii oo
dhan qandaraas uu ugu saxeeyey wareegto, oo qaarna ay ku fuleen saxeexa Madax-
weynaha.
waxa qabyaaladaasi ay xukuumadani wadanki ku maamusho Xisbigii kulimye ee talada
hayey, waxa ka dhex socda oo ergooyinkii qabyaalad lagu soo xulay oo u dhigma sidii
4.5 oo kale, oo ilaa hada shirkii Xisbiga laysku af garan la,yahay oo ergooyinkii ay qaybtaasi saluugeen.
Hadaba, Madaxweynaha wadankii qabyaalad ku maamula oo shicibkii isku duubnaa ku
kala furfuray qabyaalad oo maanta reernimo iyo shirbeeleed wadanka dib uugu celiyey
sideebuu ugu hanqal taagaa ama u hawastaa korodhsiimo, waayo dadkiibuu colaysiiyey
oo wadankii Bari ilaa Galbeed is haystay oo uu Riyaale ku wareejiyey ayuu colaysiiyey
oo la wada og yahay halka ay qabyaaladii wadanka ka taagan tahay oo xiitaa dhaliny-
aradii ciyaaraysay ay ku kala tageen.
markaa dadka Siiraanyo ku amaanaya wax buu qabtay maxay u qariyaan shicibkii oo
qabyaalad lagu dhex beeray iyo Madaxweynaha Maamulkiisa inta hareer joogta ee aan
laga daba hadli karin ee aan sax iyo qalad midna lagu bedelin ee Wasiiradiisa ah ee inta
kale seeftu la tagto .
sow arrintaasi kama turjumaysi keligii taliye sax iyo qaladba loogu sacab tumo oo weliba
heeso amaana loogu daro oo ah dib haloogu saxeexo cadaaladuu sugaye.
waar ilaahay halaga baqo oo dulmiga yaan gacan la siinin
Asha Jama (ashaa.j@live.nl)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured