Maareeyaha T.v-ga Qaranka Nin ay Qabyaaladi Saaqday! Qormadii 1 aad:Qore:Axmed Maxamed C/risaaq

0
Friday March 21, 2014 - 22:18:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha T.v-ga Qaranka Nin ay Qabyaaladi Saaqday! Qormadii 1 aad:Qore:Axmed Maxamed C/risaaq

    Tv.ga qarnaku wuxuu ka mid yahay hayadda ugu miisaaninadda badan dalka,waxaana ka shaqeeya shaqaale tiro badan oo isu jira dhamaan beelaha Somaliland oo dhan,hadaba waxa qoraalkan igu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tv.ga qarnaku wuxuu ka mid yahay hayadda ugu miisaaninadda badan dalka,waxaana ka shaqeeya shaqaale tiro badan oo isu jira dhamaan beelaha Somaliland oo dhan,hadaba waxa qoraalkan igu Tv.ga qarnaku wuxuu ka mid yahay hayadda ugu miisaaninadda badan dalka,waxaana ka shaqeeya shaqaale tiro badan oo isu jira dhamaan beelaha Somaliland oo dhan,hadaba waxa qoraalkan igu kalifay maalin dhaweyd oo aan tegay xarunta tv.ga qaranka ee magaaladda hargeysa ayaan waxaan ku soo arkay arimo layaab kugu noqonaya markaad la kulanto shaqaalaha iyo maareeyaha laftigiisa,waxaan markii aan galay xarunta la sheekeystay qaar ka tirsan shaqaalaha tv.ga oo aan weydiiyey cadaalad daradii shaqaaluhu ka cabanayeen ma la dhameeyey mise weli ay jirta,markaasi iigu jawaabay cadaalad darada ugu weyn ee uu sameynayo maareeyaha rv.ga qaranku waa qabyaalad qaawan oo uu kula dhex jiro shaqaalaha tv.ga waxaad arkaysa isagoo si gooni gooni ah ula shiraya qaar ay isku jufo yihiin oo uu si gaar ah u naas nuujiyo.

Shaqaalaha ayaa waxay ku tilmaameen maareeyaha tv.ga qaranka nin ay qabyaaladu madax martay oo had iyo goor jecel in uu ku shaqeeyo qabyaalad ,isagoo kula dhex jira shaqalaha ayay yidhaahdeen eex,kala jecleysi iyo qabyaalad xun taasi oo inta badan horseeday in shaqaalaha tv.ga qaranku ay kala shakiyaan oo ninba nin ka kale ka shakiyo ,waxaana dhacday in maareeyuhu baday shaqaalihii inay u qaybsamaan koox koox,isla markaana waxay taasi keentay in hoos u dhac badani ku yimaado tayadda iyo barnaamijyada tv.ga qaranka Somaliland.
Maareeyaha oo ah nin qurba joog ah ayaa waxa uu can ku noqday sida xun iyo kala jecleysiga uu kula dhex jiro shaqaalaha,waxana dhawr jeer hanta dharka qaranku galeen oo baadheen tv.ga qaranka kadib markii lagu eedeeyey maareeyaha musuq-maasuq balaadhan oo xad dhaaf ah,tv.ga qaranka ayaa waxa lagu sheegay in miisaaniyadiisu ka badan tahay dhamaan wasaaradaha dalka oo dhan marka laga reebo labada wasaaradood ee kala ah maaliyadda iyo arimaha gudaha.
Shaqaalahan tv.ga qaranka ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen in madaxweynaha Somaliland mudane Axmed maxamed Maxamuud siilaanyo wax ka qabto cabashada iyo cadaalad daarada shaqaalaha tv.ga qaranku ka sheeganaayaan maareeyahan qurba jooga ah ee aan la socon dalka waxa ka socda iyo hanaanka maamul ee dalka.
La soco qaybaha danbe ee qormooyinkan
Qore:Axmed Maxamed C/risaaq
Email:axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured