Abwaan Dhaglas Oo Xallay Isagoo Sakhraansan Hadal Kala Socda Ka Jeediyey Madal Siilaanyo Kula Kulmaayey Taageerayasha Xisbiga KULMIYE

0
Sunday April 21, 2013 - 12:53:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Dhaglas Oo Xallay Isagoo Sakhraansan Hadal Kala Socda Ka Jeediyey Madal Siilaanyo Kula Kulmaayey Taageerayasha Xisbiga KULMIYE

    London (Xogreebnews)—Maxamed Xasan Jaamac Dhaglas oo caan ku ahaa in goobaha la iskugu yimaado ee lagu qaxweeyo magaalada London inuu kula dagaalamo isagoo lagu bartay in isagoo miyirkiisu aanu joogin oo khamriyaysan uu dagaal iyo aflagaadooyin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (Xogreebnews)—Maxamed Xasan Jaamac Dhaglas oo caan ku ahaa in goobaha la iskugu yimaado ee lagu qaxweeyo magaalada London inuu kula dagaalamo isagoo lagu bartay in isagoo miyirkiisu aanu joogin oo khamriyaysan uu dagaal iyo aflagaadooyin u gaysan jiray beelaha iyo dadka aan isaga beeshiisa ka soo jeedin ayaa xallay loo ogolaaday inuu hadal ka jeediyo Maxamed Xasan Jaamac Dhaglas oo caan ku ahaa in goobaha la iskugu yimaado ee lagu qaxweeyo magaalada London inuu kula dagaalamo isagoo lagu bartay in isagoo miyirkiisu aanu joogin oo khamriyaysan uu dagaal iyo aflagaadooyin u gaysan jiray beelaha iyo dadka aan isaga beeshiisa ka soo jeedin ayaa xallay loo ogolaaday inuu hadal ka jeediyo goob Madaxweyne Siilaanyo kula hadlaayey dad u badan taageerayaasha xisbiga KULMIYE.silanyo

Dhaglas oo wakhtiga loo ogolaaday inuu hadalka ka jeediyo goobtaasi la sheegay inaanu miyirkiisu dhamayn oo uu aad u cabsana ayaa ka jeediyey madashaasi hadal u badna aflagaado iyo cay toos ah oo uu kula dul dhacay warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland, hadalkiisa oo is qab qabanaayey iyo isagoo u muuqday mararka qaarkood inuu qarka u saara inuu ka dhaco goobta loo ogolaaday inuu hadalka ka jeediyo ayaa keliftay in dad fara ku tiris ah oo goobta fadhiyey inay afka iyo gacanta isa saaraan isla markaana qaarkood marka uu damiirkoodu xamili waayey ay foodhi iyo sawaxan kala hor yimaadaan.

Dhaglas oo naanaystaasi uu wato kula baxay khamrada iyo sakhradda faraha badanleh ee uu caanka ku yahay ayaa in loo ogolaaday inuu xita hadal ka jeediyo madashii Siilaanyo fadhiyey waxay bartay dadkii reer Somaliland ee fara ku tiriska ahaa ee madashaasi yimid una yimid inay Siilaanyo la kulmaan in goobtu tahay goob aad u fool xun

Waxaa dad badan isweydiyeen Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa qofkii isagu xidhiidhinaayey madashaasi oo ka mid ah dadka loogu qadarin badanyahay Somaliland inuu u ogolaaday qof sakhraansan oo aan miyirkiisu joogin inuu madashaasi hadal ka jeediyo.

source halbeegnews




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured