Weedhaha laga Guntay ee Saamaynta ku leh Xamaasadda Siyaasaddeed ee Wakhtigan Dhex-taalla Somaliland iyo Somalia

0
Sunday April 21, 2013 - 11:52:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weedhaha laga Guntay ee Saamaynta ku leh Xamaasadda Siyaasaddeed ee Wakhtigan Dhex-taalla Somaliland iyo Somalia

    Hargeysa (xogreebnews-Alle naxariistii Janno ha ka Waraabiyee, Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa weedho taariikhda galay ka tilmaamay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews-Alle naxariistii Janno ha ka Waraabiyee, Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa weedho taariikhda galay ka tilmaamay

Hargeysa (xogreebnews-Alle naxariistii Janno ha ka Waraabiyee, Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa weedho taariikhda galay ka tilmaamay mawqifka madaxda Soomaaliya ka aaminsan yihiin madax-bannaanida Somaliland iyo isticmaalka Erayga Midnimo Muqaddas ee ay ku doodaan.

Weedhaha Taariikhda galay ee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo in la xuso mudan wakhtigan oo Arrimaha Siyaasadda ee la xidhiidha ka-midho-dhalinta himilada Somaliland iyo kala gurashada Somalia heerkii u sarraysay marayo. Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum M.I. Cigaal oo sannadkii 1994-kii Waraysi Qiimo badnaa oo dhinacyo badan taabanaya ay magaalada Jabuuti kula yeesheen wariyeyaal ka tirsan telefishanka dalkaas, waxa uu ka warramay goortii uu garowday in lagu hungoobay midowgii Somaliya iyo haddii rabitaanka wakhtigaas ee Shacabku ahaa tallaabo dhanka Khaldan loo qaaday, waxaanu yidhi, “Khalad muu ahayn markii hore ee laaxin ayaa galay. Laaxinkiina Indhaha ayaanu ka qarsanay, waxaana jirtay mar aanu Baarlamaankii Soomaaliya ee Muqdisho ka sheegnay oo nidhi waar wixii Laaxin ayaa kujira ee ha laga saaro, muddaana arrintaas la is ku hayey, laakiin taas waa la is ka liqay, labadii geesood-ba waxa loo Ictiraafay inay is-raceen.” Marxuumka oo wakhtigaas ka hadlaya sababaha keenay in Somaliland xornimadeeda la soo noqoto, waxa uu yidhi, “Kala go’an immika waxa keenay laba hal. Waxa dhacay oo Soomaaliya ka jira inaanay maanta dal ahayn, dal is cunaya mooyaane, Xamar ay tahay meel baabaday oo laga guuray iyo Wixii ka dhashay 30-kii sanno ee Af-wayne Dalka ka Madax ahaa oo runtii wixii ka dhacay laga war-hayo. Dalkan Somaliland la yidhaahdo shan boqol oo kun oo ka mid ahaa ayaa cararay oo Itoobiya Kaamam caydheed ku jira.

Dad Illaahay Caydh ka dhigayna maaha ee waa Dadkii Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo dhisay ee hodanka ahaa oo naftooda la cararay, ilaa Bariga Afrika, Yurub, Markaykan iyo meelkasta, waxa jooga Dad Caydha oo Dalkan ka cararay.” Marxuum Madaxweyne Cigaal waxa uu ka hadlay mawqifka siyaasiyiinta Soomaaliya ka aaminsan yihiin Somaliland iyo sheegashada midnimo Soomaaliyeed, waxa uuu yidhi, “Niman aan la yaabo oo maanta Muqdisho Madax ka sheegta ayaa waxay yidhaahdaan israaca Soomaaliyeed Muqaddis weeye. Kalmadda Muqaddas inay garanayaan umalayn-maayo waxay tahay.

Muqaddas waxa weeye wax dhawrsan oo Illaahay loo nisbeeyo oo nadiif ah. Ninka Muqaddas ku sheegaya waxa maanta Soomaali dhex-maray, kala dilay ee kala kaxeeyay, isagaan garanayn micnaheeda wax alaale iyo waxay tahay. Wax allaale wax aanu uga baahan nahay iyo wax aanu marti uga nahay aanay jirin. Ereyada ka soo bax-baxaaya lama go’I karo, lama tagi karo, waar wallaal-nimo inaga oo ah iyo laba Raas oo wadajira oo dhaqan iyo dhiigba ka dhaxeeyo, isuna beer xaadhan, joojiya Eraygan Xun ee dagaalna aan waxba kaaga tarin, nabaddana kaa kaxeynaya. Waxaan goostay in Dalku kala go’o, markii aan arkay Dadkii Reer Waqooyiga oo tashanaya, tamar leh oo wixii dhexdooda bari’ ka noqday oo Maamulanaya Dalkoodii iyo dantoodii.

In lalasugo oo markaa lagu xidho Nin isagu danaysan kari waayey maaha. Nin dhiggoodii inuu isu-xalaaloobo bannaystay iyo Dad is-cunaya iskuma xidhnaan karaan Dad tashaday; markaa in dalkii loo taliyo maalintaas ayaan goostay. Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la weydiiyey talada maanta la gudboon Somaliland iyo Somalia iyo xataa shacabka mandaqadda Geeska Afrika, waxa uu ku jawaabay, “Waxaan Ummadda Geeska Afrika aan leeyahay sida aan u arko, waxaan leeyahay maanta ayay Soomaali caafimaaday oo saddex raas yeelatay.

Dadkii ay jaarka la ahaydna la wada nabad tahay. Wixii aanu islahayn israac ayaad ku helaysaan ee aanu ku waynay maanta ayaynu inagoo saddex Qoys ah haddii laga helo Reer Koonfur oo aanay dhiiqayn ama walaaqaan walaalnimadii maanta ayay Soomaalidu adduunka qiimo ku yeelanaysaa.” laakiin ta aynu Somaliland ahaan ku dhisnahay waxa weeye in aynu wax isla eegno, mana aha in sidii talisyadii Siyaad Barre…” Marxuum Cigaal iyo Weedhaha laga Guntay ee Saamaynta ku leh Xamaasadda Siyaasaddeed ee Wakhtigan Dhex-taalla Somaliland iyo Somalia Wasiirka Madaxtooyada oo Tix-gabay ah kaga Garnaqsaday Dhaliilaha loo Jeediyo “Haddii Ingiriiska ay dhab ka tahay in ay ixtiraamayaan dawladnimada Somaliland, waxaanu u soo jeedineynaa khataraha uu ku keeni karo shirkaasi” Dalka Finland oo ballan-qaaday kordhinta taageerada Somaliland Badhasaabka Maroodijeex oo faahfaahin ka bixiyey Hawl-gallo Ciidamada Ammaanku Habeennadii u Dambeeyey Ka Fuliyeen Caasimadda Cali Khaliif oo Baarlamanka Soomaaliya Ka Dalbaday Mooshin Ka Dhan ah Wada-hadallada Somaliland Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo ka Bixiyey Codsi Raysal-wasaaraha Ingiriisku Ugu soo bandhigay in Somaliland Ka qayb-gasho Shirka Somaliya ee London Marxuum Cigaal iyo Weedhaha laga Guntay ee Saamaynta ku leh Xamaasadda Siyaasaddeed ee Wakhtigan Dhex-taalla Somaliland iyo Somalia .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured