Xeerarka iyo Dastuurka JSL ma xuquuq muwaadin ayey ku saleysan yihiin mise xuquuq shaqsiyeed iyo mid beeleed- waa yaab! ? qalinkii A/rahman fidhinle UK.–

0
Sunday March 16, 2014 - 16:31:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerarka iyo Dastuurka JSL ma xuquuq muwaadin ayey ku saleysan yihiin mise xuquuq shaqsiyeed iyo mid beeleed- waa yaab! ? qalinkii A/rahman fidhinle UK.–

    Xukuumada Siilaanyo waxay baalmartey xeerarkii iyo dastuurkii wadanka uyaaley waxaana ay ka baxdey dhaartii ay martey iyo balanqaadyadii buuga cagaaran ka buuxey ,waxaana ay Xukuumadani shacabkii doortey u dhiteysey dulmi badan oo taariikhda u galey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Siilaanyo waxay baalmartey xeerarkii iyo dastuurkii wadanka uyaaley waxaana ay ka baxdey dhaartii ay martey iyo balanqaadyadii buuga cagaaran ka buuxey ,waxaana ay Xukuumadani shacabkii doortey u dhiteysey dulmi badan oo taariikhda u galey oo aan duugoobeyn Xukuumada Siilaanyo waxay baalmartey xeerarkii iyo dastuurkii wadanka uyaaley waxaana ay ka baxdey dhaartii ay martey iyo balanqaadyadii buuga cagaaran ka buuxey ,waxaana ay Xukuumadani shacabkii doortey u dhiteysey dulmi badan oo taariikhda u galey oo aan duugoobeyn laguna xusuusan doono waqtigeeda iyo waayaheeda.
1- Waa xukuumada keliya ee shacabka reer Somaliland u cadeysey in aaney Siyaasadeedu ku dhisaneyn mabda' xisbiyeed ee uu ku dhisan tahay is xulafeysi, Xaafadeysi, xigteysi, xasabeysi, xiqdi iyo ganacsi hadaf waqti dheer ah ku qotoma taas oo ummaddii u cadeysey in aan loo wadaa sineyn maanta yuhuunta iyo lahaan shaha dawladnimada rayiga, mansabka,manfaca iyo ilaha dhaqaalaha.

2- Waa xukuumad ay waaxda garsoorkeedu ku fashilantey ka garniqida cadaalada bulshada dhexdeeda, dawlada dhexdeeda iyo bulshada iyo dawlada dhexdeeda ka dib markii ay faraha kala bixi weydey xukuumadu waaxdii garsoorka oo aheyd tiirkii ugu adkaa ee ay ku dhisneyd qaranimada JSL.
3- Waa Xukuumadii ugu horey Somaliland soo marta ee ay wasiiradeedu ku kacaan caadifad, curfi, cago jugleyn iyo cadho siyaasadeed kuwaas oo warbaahinta la iska arko iyo ta la iska maqlaba kaga hugmey oo kaga hadaaqey hadalo aan mariimneyn oo aan murti badan laheyn oo ay ka mid yihiin geeraaro ku suntan baadi sooc isireysan iyo naxli iyo dhaaro ay ka mid yihiin "sanka ayaa caano laga keeni doonaa" arintani waxay meel kadhac iyo dhaawac dhiig-bax ah ku noqotey qaranimada, milgaha, midnimada iyo hab-maamulka guud ee dawladnimada Somaliland.
3- Waa Xukuumadii ugu horeysey ee ay si joogto ah uga cawdaan faro gelinta qaawan ee ay ku hayso labadii dhar-dhaar ee wadanku ku fadhiyey waa wakiiladii iyo Garsoorkii iyo weliba golayaashii degaanka ee dawladaha hoose oo iyaguna dhawaan qaylo dhaan miciinsadey kadib markii xakuumadii shaqooyinkoodii ku ixtiraami waayeen ee loo gacan dhaafey xeer kii dhulka Xeer 17-2001 iyada oo shacabku ka dheregsan yahay ujeedada ka danbeysa dhulkaa danta guud oo ganacsato loo balan qaadey oo dhakhso loo lacageysanaayo loona lunsanaayo hantida ka soo baxda dhulkaa danta guud.
4-Waa xukuumad u badheedhey curyaaminta geedi socodkii dimuqraadiga ahaa ee Shacabku ku taamaayey mudada dheer ka dib markii ay gudihii Xisbigeedii oo ku dayasho mudnaa ay tidhi iyada oo aan shirweynaba la qaban ay ku heshiiyeen in aan hogaanka xisbiga la bedelin oo aan la is dooran taas oo ah ayaan daro aan caalamka dimuqraadiga sheegta aan weli hore uga dhicin.
5- Waxaa ummadda u cadaatey in ay tahay xukuumad gabal u dhacey marka loo fiirsado sida aaney qorshe cad ugu hayn uguna sameyn kumaankumka dhalinyarada ah ee sand kasta dhameysta 17-ka jaamacadood iyo 80-ka dusgi sare ee wadanka ku yaala iyo sida aaney u daneyneyn mustaqbakii ay dhalinyaradaa tirada beeshay ay berito ku talo geli lahaayeen taas oo in uun riyo bilow ah unoqon laheyd rajadii dhalinyarada tahriibta hadda maciinsadey markii ay quus iska taageen xukuumada siilaanyo ee hadhdacaarka noqotey.
6- Waxaa Xukuumadu ku fashilantey risaaladii iyo khidadii ay ku iibgeyn laheyd kuna garaaci laheyd albaabadii rajada ee ay ictiraaf buuxa wadanka ugu baadi goobi laheyd maadaama aaney laheyn lana iman istiraatiiji qorsheysan oo waqtiyeysan iyo fikir buuxa oo u cuntama shacabka S/land, mandaqada derika ah iyo caalamkaba.
7- Waxaa shacabka reer S/land isweydiiyaan oo quluubtooda ku duugan gudiyada tirada beeley ee fadhiidka wada noqdey ee uu Siilaanyo mar kasta uu magacaabo bal muxuu ku soo xushaa? ma tayo ayuu ku soo xushaa mise beelo ayuu ku soo xushaa? Waxaa shacabku S/land gudo iyo debedba ay isku raaceen in uu madaxweynu ku soo xusho xulafeysi, awr-ku kacsi, ku raadgadasho, iyo ku fooldhaqasho ku waas oo badankooda la ogaadey in ay ku lug leeyihiinba hawlihii loo igmadey waxaana tusaale kuugu filan gudida tacliinta sare ee fadhiidka noqotey.

Waxaa laga filanaayey in xukuumada Siilaanyo dadka wacyi geliso oo dadka dhisto lakiin nasiibdaro waxay ku bedeshey cakis oo way burburisey oo iska hor iyo bado keentey oo colaad siyaasadeed iyo cadaawe degaan isu wada gelisey shacabkii walaalaha ahaa ee weligoodba wada deganaa S/land bari ilaa galbeed. Waxaa hada la soo gaadhey waqtigii ay shacabka reer Somaliland yar iyo weyn , qurbo joog iyo qol-qol joogba ay mideyn lahaayeen dareenkooda, garaadkooda iyo garashadooda dhabta ah ee ay meel cad isaga taagi lahaayeen bur-burka, fur-furka, qeybsanaanta, qabyaalada iyo boobka baahsan ee hantidii qaranka lagu hayo taas oo ay hadana ku soo korodhey dhulkii danta guud ahaa oo muwaadinkii dan yarta ahaa laga qaadayo oo la siinaayo muwaadin ladan oo isxulafeysiga xukuumada ku milan waana xaaraan in dhul dan guud ah muwaadin laga qaado midna la siiyo. Waxaana aan ka codsanayaa in xisbiyada mucaaridka ah ee qaranku midoobaan oo mid noqdaan oo badbaadiyaan danta guud ee qaranimada JSL.
Alleh Ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclum-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
QalinkiirA/Rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured