Hargeysa, Somaliland, April 20, 2013xogreebnews — Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo muddo laba bilood ah Maxkamad la’aan ugu xidhan Xarunta C.I.D ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta gebi ahaanba joojiyay cuntadii iyo daawada lagula
Hargeysa, Somaliland, April 20, 2013xogreebnews — Axmed Ibraahim Axmed
(Darmaan) oo muddo laba bilood ah Maxkamad la’aan ugu xidhan Xarunta C.I.D ee
magaalada Hargeysa, ayaa maanta gebi ahaanba joojiyay cuntadii iyo daawada
lagula tacaalo Xanuunka Macaanka oo uu qabo, kadib markii Hay’adda Sirdoonka
Qaranka iyo Bileyska Somaliland ay ku fashilmeen inay eedaha uu u xidhan yahay
Maxkamadda u gudbiyaan isla markaana laba jeer oo Maxkamadda la horgeeyay ay
hay’adaha gacanta ku hayaa Maxkamadda ka soo xalaalaysteen xukun rumaan ah inay
ku sii hayaan.
Axmed Darmaan oo ka tirsan Kooxda Kubadda Koleyga ee Ciidanka Qaranka
Somaliland, ayaa habeenimadii 18 bishii February 2013 xabsiga loo taxaabay,
iyadoo aanay ilaa hadda hay’adda Sirdoonka oo xadhigiisa ka dambeeyay iyo
ciidamada Baadhista Dambiyada ee Bileyska Somaliland oo gacanta ku hayaa,
Maxkamadaha u gudbin dambiga loo haysto, isla markaana aanay eheladiisa u soo
bandhigin dambiga ay u haystaan ee ay ku heleen.
Hooyo Mako Axmed Warsame oo ah hooyada dhashay Axmed Darmaan ayaa caawa u
xaqiijisay in wiilkeeda oo muddo laba bilood ah dulmi loogu haysto xabsiga uu
cuntadii ka soomay maanta duhurkii, isla markaana Qadadii iyo Cashadii loogu
geeyay Xabsiga siddoodii caawa looga soo celiyay.
Waxa kale oo ay Hooyo Mako oo ay murugo badan wejigeeda ka muuqdaa, isla
markaana ilmada iska tiraysaa sheegtay in tan iyo markii xabsiga loo taxaabay aan
ilmaheeda indhaha ka qaadin oo ay Bileysku u diideen inay tusaan wiilkeeda,
sidaas darteed aanay ka sheekayn Karin warna ka hayn xaalad uu haatan ku sugan
yahay, iyadoo cuntada ay u geysana ay askarta uuni albaabka kaga qaadi jirtay,
sidaas darteedna aanay ogeyn in cuntadaasi gaadho wiilkeeda.
Hase yeeshee waxay Hooyo Mako sheegtay in caawa markii la soo celiyay weelkii
cuntada maanta duhurkii iyo caweyskii caawa loogu geeyay, ay aragtay cuntadii
oo siddeedii ugu jirta, kadibna markii ay waraysatay dadkii cuntada u geeyay
caawa ay u sheegeen inuu Axmed Darmaan diiday cuntada.
Axmed Darmaan ayaa ah bukaan-socod qaba xanuunka Macaanka, oo ah nooc halista
ah, isla markaana maalintii laba jeer qaadan jiray dawada iraabka ah oo
macaanka loogu qoray, kaas oo aanay suurto-gal ahayn inuu irbaddaas macaanka
qaato maadaama oo uu cuntada joojiyay, sidaas darteed ay halis ku jirto
xaaladiisa caaafimaad oo haddii ay sidaas ku sii jirto xaaladiisu khatar
gelinayso naftiisa.
Ciidanka Baadhista Dambiyada ee Bileyska iyo Sirdoonka Qaranka oo la sheegay
inay xadhigiisa ka dambeeyaan ayaan ilaa hadda wax dambi ah ku soo oogin
Muwaadinkan, waxaanay markii ugu dambaysay oo ahayd bishan horraanteedii ay
hay’adaha gacanta ku hayaa Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa ka soo korodhsadeen
muddo 45 cisho ah oo ay rumaan ahaan ugu sii hayaan xabsiga, iyagoo ku
andacooday inay weli waddaan baadhis ay sheegeen inay ku hayaan muwaadinkan.
Qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadamaha Somaliland ayaa marar hore
cambaareeyay xadhiga muwaadinkan, isla markaana ku tilmaamay xad-gudub loo
geysanayo muwaadin aanu caddayn dambi uu faraha kula jiray, waxaanay ugu
baaqeen xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka inay Maxkamaddaha dalka horkeenaan si
loogu qaado dambi ay sheegeen in loo haysto.
Qoyska Axmed Darmaan ayaa sidoo kale saq-dhexe guriga lagu weeraray, iyadoo
tacadi farabadan loo geystay qoyskaas, isla markaana agabkii iyo gurigoodaba
khasaare la soo gaadhsiiyay, ilaa haddana aanay ciidamada Bileyska iyo
Sirdoonka fuliyay weerarkaasi aanay sheegin sababta keliftay weerarka gurigaas
lagu qaaday iyo inay heleen wixii ay raadinayeen ee kelifay inay saq-dhexe
dumar iyo caruur gurigooda hurudda si argagax leh ugu daataan.
Muwaadin Laba Bilood Maxkamad La’aan Ugu Xidhan Sirdoonka Qaranka Oo Cuntadii Ka Soomay
Hargeysa, Somaliland, April 20, 2013xogreebnews — Axmed Ibraahim Axmed (Darmaan) oo muddo laba bilood ah Maxkamad la’aan ugu xidhan Xarunta C.I.D ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta gebi ahaanba joojiyay cuntadii iyo daawada lagula