Siiraanyo deegaameeynta uu Beeshiisa Berbera ku wado Doorashadii xaaraanta ahayd tii ka raacday muu ku quusto

0
Saturday March 15, 2014 - 21:56:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siiraanyo deegaameeynta uu Beeshiisa Berbera ku wado Doorashadii xaaraanta ahayd tii ka raacday muu ku quusto

    Horta Su,aasha meesha taalaa Siiraanyo wuxuu Kitaabka ugu dhaartay inuu S/Land oo dhan Madaxweyne u yahay mise inuu beeshiisa oo qudha uu Madaxweyne u yahay oo uu wax kasta uu iyaga ka fuur yeeloo oo dhulkii umada ka dhexeeyey iyaga keligood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta Su,aasha meesha taalaa Siiraanyo wuxuu Kitaabka ugu dhaartay inuu S/Land oo dhan Madaxweyne u yahay mise inuu beeshiisa oo qudha uu Madaxweyne u yahay oo uu wax kasta uu iyaga ka fuur yeeloo oo dhulkii umada ka dhexeeyey iyaga keligood Horta Su,aasha meesha taalaa Siiraanyo wuxuu Kitaabka ugu dhaartay inuu S/Land oo
dhan Madaxweyne u yahay mise inuu beeshiisa oo qudha uu Madaxweyne u yahay oo uu wax kasta uu iyaga ka fuur yeeloo oo dhulkii umada ka dhexeeyey iyaga keligood
Digreeto kuwada siiyo, in beeshiisaa uu qandaraaskoo dhan iyaga gacanta u geliyo in
wixii umada u dhaxeeyey Nin reerkooda ka soo jeeda mooyee aan cid kale gacanta
loo gelin, waxa xoolaha umada lagu wada naas nuujiyaa waa qoyska iyo Siiraanyo

iyo intii la ehela, oo welibana awoodna u ku siiyey in aanay cidi ka hor iman oo aan lala hadli karin.
taas waxa kuu cadaynta socdaalka uu Berbera ku joogo oo beeshiisa uu gaar ula shiray Wasiirada beeshiisa oo uu mar walba isku shaandhaynta uu ka reebo oo uu weli-
ba siiyey awood aanay wasiirada kale lahayn, oo Wasiir kasta isagu siduu doona ka yeelo
wasaaradaasi,tusaale Wasiirka Madaxtooyada oo Maamulkii wadanka oo dhan gacanta
ku haya oo siduu doono sharciga iyo Dastuurka umada u dhexeeya keligii ka yeela oo aan
cidi ka daba hadli karin oo sharciga ku tunta isaga oo aan aqoonteed lahayn.
Wasiirka Duulista oo lacagtii Airportka siduu doono ugu takri falay oo la xaqiijiyey inuu
Ingiriiska guryo kaga iibsaday, oo ceebtii Airportka Caasimada ka raacday aan cidi is
weydiin, imikana Dad danyara ugu hanjabayo cagta ayaan idin marin oo ciidamo gaara
ayaa idinku muquunin, idinka iyo Beerihiina oo uu muujinayo awooda uu ka haysto Adeerkii.
Wasiirka Tamarta oo Bad iyo Beriba Khayraadkii Wadanka iibsaday oo isagu cadeeyey in
aan awooda uu leeyahay cidi waxba ka weydiin karin Baarlamaan & shicib toona sidii
doonana yeeli kara oo la arko isagoo kolba sherkada la heshiinaya lacagta uu kula hesh-
iiyana jeebada ku shubta oo aan cidina la xisaabtamin.
Wasiirka Ciyaaraha oo sharcigii ciyaaraha baabi,iyey oo ku bedelay qabyaalad iyo dhalin-n yaradii oo uu colaad dhex dhigay.
Hadaba, Madaxweynaha kaambaynka uu hada bilaabay oo mudo kordhinta ku rabo waxay
ka dhigan tahay beeshiisa oo wadanka degaamayn kale u sii kordhinayo iyo weelkii ay
xukuumadiisa iyo wasiirada Beeshiisu ay xaaraanta ku gurayeen oo aan weli buuxsamin
laakiin xaaraantu hoosta ayey ka dalooshaa oo ma buuxsanto.
Wasiir Xirsina aqoon daradiisii uu Wadooyinka uu la jiidhay oo uu dhoobo iyo Daamuur uu
ka buuxiyey durba ceebtii waa taa banaanka u soo baxday oo injineerkii oo Tv.yada ka
lahaa Baabuurta Waaweyn ee Xamuulku ma dul mari karaan wadada Kalabaydh & Wajaale
u dhaxaysa,halkaana waxa u badan Baabuurta bagaashka & alaabta qaada ee Berbera iyo
Wajaale ka dhex shaqaysa.Bal hadaba Wadada Cerigaabo intaa le,eg Xirsi halaga qabto oo Gaadiidka uu keenayna uu
yahay duug oo la wada arkayey oo Hargeysa lagu dayac tirayey, lacagtii Gude iyo debedba
uu ka soo gurtay waa la garanayey inuu isbaaro u dhiganayo, oo Xirsi Magafe aanay waxba ee bal halaga digtoonaado yuu dhoobo iyo daamuur inoogu qurxine.
wabilaahi tawfiiq
Asha Jama



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured