Wargeyska Damal Magazine oo ku soo Biiray Warbaahinta Somaliland iyo Dadweynaha oo soo dhaweeyay

0
Saturday March 15, 2014 - 10:55:11 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska Damal Magazine oo ku soo Biiray Warbaahinta Somaliland iyo Dadweynaha oo soo dhaweeyay

    Hordhac:- Wargeyskan la magax baxay DAMAL MAGAZINE waxa uu cadadkiisii ugu horeeyey soo baxay horaantii bishii December ee sanadkii bilaha yari uun ka dambeeyeen ee 2013. Sida ka muuqata micnaha magaciisa amaba loo yaqaano micnaha DAMAL af-soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac:- Wargeyskan la magax baxay DAMAL MAGAZINE waxa uu cadadkiisii ugu horeeyey soo baxay horaantii bishii December ee sanadkii bilaha yari uun ka dambeeyeen ee 2013. Sida ka muuqata micnaha magaciisa amaba loo yaqaano micnaha DAMAL af-soomaali ahaan waa geed hadhac, hoos iyo weliba hadh qabaw oo aad u macaan leh isla markaana uu garan karro qofkii in uu isagoo daalan ku hoos nastay , iyada oo qofkii si dhakhso iyo dag-dagsiimo leh u hiloobo daalkii iyo dhibaatadii haysay. Hadaba wargeyskan ama majalladan oo dabaqi doontaa geedkaa faaiidada iyo manfaca u leh noolaha ALLE (SW) uu abuuray , waxa ay hadh iyo habeenba heegan u ahaan doontaa sidii ay u wacyi gelin lahayd dhamaan arimaha bulshada dhan kasta oo ay tahay sida Diinteena suuban, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, deegaanka, siyaasada tolmoon, dhaqanka, ciyaaraha, taariikhaha u baahan in wax lagaga daydo si horumar loo gaadho, ilaalinta iyo dhaqaalaynta deegaanka iyo weliba ganacsiga

Contacts: 0633555559 / 0633555515 /079810995 www.damalmagazine.com / info@samalmagazine.com

Hordhac:-

Wargeyskan la magax baxay DAMAL MAGAZINE waxa uu cadadkiisii ugu horeeyey soo baxayhoraantii bishii December ee sanadkii bilaha yari uun ka dambeeyeen ee 2013.

Sida ka muuqata micnaha magaciisa amaba loo yaqaano micnaha DAMAL af-soomaali ahaanwaa geed hadhac, hoos iyo weliba hadh qabaw oo aad u macaan leh isla markaana uu garan karro qofkii in uu isagoo daalan ku hoos nastay , iyada oo qofkii si dhakhso iyo dag-dagsiimo leh u hiloobo daalkii iyo dhibaatadii haysay.

Hadaba wargeyskan ama majalladan oo dabaqi doontaa geedkaa faaiidada iyo manfaca u leh noolaha ALLE (SW) uu abuuray , waxa ay hadh iyo habeenba heegan u ahaan doontaa sidii ay u wacyi gelin lahayd dhamaan arimaha bulshada dhan kasta oo ay tahay sida Diinteena suuban, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, deegaanka, siyaasada tolmoon, dhaqanka,ciyaaraha, taariikhaha u baahan in wax lagaga daydo si horumar loo gaadho, ilaalinta iyo dhaqaalaynta deegaanka iyo weliba ganacsiga .

Majalladan oo aan idiin hubo in ay indhaha dadku in badan ku daraan dari doonaan sawirrada iyo nashqadaynta sida cajiibka leh loo sameeyey waxa ay sabab u ahaan doonaan in ay kusoo dhiiradaan dadku oo ay akhriyaan waxyaabaha ku qoran.

Wargeyskan oo kasoo baxa caasimada dalka ee hargeisa waxa uu si aan kala go,lahayn isla markaana aan dib u dib udhac lahayn u gaadhaa caasimada hargeisa meel walba oo ay tahay iyo weliba gobolada dalka oo dhan sida Boorama, Gabiley , Ber-bera , Burco , Ceerigaabo, iyo weliba Laascaanood .

Waxa intaas dheer in cadadkiisii kowaad uu gaadhay wadamada jaarka sida Ethopia, Jabouti, iyo weliba Somalia , isla markaana hadii ALLE idmo uu gaadhi doono cadadkan afaraad iyo kuwa dambe dhamaantood meel kasta oo afka soomaaliga lagaga hadlo .

U jeedada majallada ama wergeyska

Hadafka ama u jeedada wargeysku waxa weeye horumarinta arimaha bulshada iyada oo bulshadu in badan u riyaaqi doonto dhaq dhaqaaqiisa iyo u heelanaanta arimaha bulshada isla markaana ugu adeegi doona si aan hagrasho lahayn

DAMAL waxa uu in badan ku dadaali doonaa sidii horumar loo gaadhi lahaa, isaga oo laga dheehan doono cadad walba maqaalo iyo waraysiyo ay idiin soo tabin doonaan dad aqoon leh oo taabanaaya xaaladaha kala duwan ee taagan iyo weliba kuwa soo socda saadaashooda isla markaana ay ku lifaaqantahay xalkii lagu maarayn lahaa caqabaadka iyo dhibaatooyinka hor taagan.

Waxa iyana aan meesha ka maqnayn aqoon korodhsiyo iyo hal xidhaalayaal ay u jeedadoodu tahay in ay bulshadu kobciso aqoonteeda maskax ahaaneed , Iyada oo lagu bixin doono abaal marino aad u fara badan kana farxiya guulaystaha si uu ugu dhiirado isla markaana uu wax iskugu dayi karro.

Geba-gebo:-

Ugu damabayn waxa majalladan ama wargeyskani uu soo bixi doonaa bill walba horaanteeda insha allah .

Waxa aad ka heli kartaa cadadadii hore,kan afaraadba iyo kuwa dambedhamaan goobaha ay dadku ku kulmaan sida; receptionada hudheelada laga cunteeyo iyo weliba kuwa hurdada, super market-yada , maktabadaha, photo - copy —da jaamacadaha iyo waliba meel walba oo bulshadu ku kulanto min caasimad ilaa gobolada dalka iyo weliba wadamada jaarka ah.

Damal waa ilays

Damal waa udub-dhaxaad

Damal waa astaan

U taagan arimaha bulshada

Damal waa wargeys

Bishiiba ayaan u soo baxa ifkee

Damal waa wargeys

Aqoonyahan hagoo

Bulshooy! Bulshooy! ha moogaan…

Nagala soo xidhiidh ; 0633555515 (telesom) , 0633555559 (telesom) , 079810995 (somtel ) Website: WWW.DAMALMAGAZINE.COM

INFO@DAMALMAGAZINE.COM

By; Deeq Guure

Marketing and CFO Manager

Www.Xogreebnews.com


Office//Hargeisa

Admin By Zaki Adam Zuxufi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured