Madaxweynaha Somaliland oo maanta u ambabaxay Dalka Maraykanka

0
Saturday April 20, 2013 - 18:59:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo maanta u ambabaxay Dalka Maraykanka

    London (xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Wasiirradiisa Arrimaha Debedda iyo Madaxtooyada, ayaa maanta ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London iyaga oo ku sii jeeda C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Wasiirradiisa Arrimaha Debedda iyo Madaxtooyada, ayaa maanta ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London iyaga oo ku sii jeeda Caasimadda Maraykanka ee Washington

Madaxweynaha Somaliland oo maanta u ambabaxay Dalka Maraykanka

London (xogreebnews) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Wasiirradiisa Arrimaha Debedda iyo Madaxtooyada, ayaa maanta ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London iyaga oo ku sii jeeda Caasimadda Maraykanka ee Washington.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo warbaahinta u warramay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda Maraykanka iyo natiijada ay ka filayaan, isaga oo tilmaamay inay kulamo la qaadan doonaan madaxda ka tirsan Dawladda Maraykanka.

Wasiirka oo faahfaahinaya ujeeddada socdaalkooda Maraykanka, waxa uu yidhi, “Waxa Weftigii Madaxweynuhu Hoggaaminayay aanu u baxaynaa safar shaqo oo aanu ku tagayno dalka Maraykanka, gaar ahaan magaaladda Washington.waxaanu halkaasi filaynaa inuu madaxweynuhu kula kulmo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Maraykanka iyo Congress-ka iyo Hay’adaha kale ee xaga horumarka iyo maal-gashiga ee dalka Maraykanka.”

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu hadalkiisa raaciyey, “Waxaanu filaynaa in Booqashadaasi ay midho-dhasho oo ay ka mid noqoto guulihii safarkii madaxweynuhu ku soo maray dalalka Turkiga, Imaaraadka carabta iyo Ingiriiskaba inaanu Maraykankana ka sii ambo-qaadno oo arrimo faro badan oo dalka iyo qarankuba u baahan yahay aanu kala hadalno,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo khudbado ka jeedin doonto Goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda Caalamka, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo mudada aanu halkaasi joogno rajaynaynaa inuu Madaxweynuhu ka hadlo oo uu khudbad ka jeediyo meel ka mid ah meelaha waaweyn ee magaalada Washington gaar ahaan Hay’adaha aaraada caalamka lagaga hadlo oo arrimaha horumarka iyo arrimaha qaranka horyaala ee u baahan in laga gudbo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured