“Hadallada Cali Khaliif Ka Soo Yeedhay Waxay Ahaayeen Kuwo Ay Ka Muuqdaan Xiqdiga Iyo Xaasidnimada Somaliland Uu U Qabo” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali

0
Saturday April 20, 2013 - 18:53:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Hadallada Cali Khaliif Ka Soo Yeedhay Waxay Ahaayeen Kuwo Ay Ka Muuqdaan Xiqdiga Iyo Xaasidnimada Somaliland Uu U Qabo” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali

    London, April 20, 2013 (xogreebnews- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirisi Cali Xaji Xasan, ayaa ka jawaabay hadal maalmo ka hor ka soo yeedhay Prof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London, April 20, 2013 (xogreebnews- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirisi Cali Xaji Xasan, ayaa ka jawaabay hadal maalmo ka hor ka soo yeedhay Prof.
“Hadallada Cali Khaliif Ka Soo Yeedhay Waxay Ahaayeen Kuwo Ay Ka Muuqdaan Xiqdiga Iyo Xaasidnimada Somaliland Uu U Qabo” Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali
London, April 20, 2013 (xogreebnews- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirisi Cali Xaji Xasan, ayaa ka jawaabay hadal maalmo ka hor ka soo yeedhay Prof. Cali Khaliif Galaydh oo si cad uga soo hor-jeestay natiijada ka soo baxday shirkii wadahadala ee Turkiga Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen 13-kii bishan, ku jireen. Waxaanu Wasiir Xirsi sheegay in hadalladaas Md. Galaydh ay muujinayaan inat laabtiisa buuxiyeen xiqdi iyo xaasidnimo uu u qabo Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaa ku sheegay Xaflad ballaadhan oo uu habeen hore kula hadlaayay Madaxweynaha Somaliland Jaaliyadda ku dhaqan waddanka Ingriiska. Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ugu horreynba Xafladdaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaan jecelahay inaan ka hadlo hadallo ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh, oo uu Saxaafadda soo marinaayay, kuwaas oo uu ku duraayay shirkii Turkiga.”
“Waxaan u arkaa hadalladaas kuwo ay ka keenayso Xaqdi iyo Xaasidnimo buuxiyay laabtiisa. Waxaan odhan lahaa Cali Khaliif, waxa muuqata inaanad ixtiraamayn dawladda aad ka tirsn tahay ee Soomaaliya, adigoo fidno kula dhex-jira. Xaggan Somaliland-na aanad oggolayn wax u kordha. Taas oo aad doonayso ummaddii Soomaali la odhan jiray inay gegidaa ku wada ciyaraan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaad xilal badan ka soo qabatay dalkaas Soomaaliya, waxaad ahayd dadkii ugu horreeyay ee Waxbarashada u ban-baxa, waxa lagaa filaayay wax ka faa’iido badan waxan aad hadda ku hadashay
”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured