Guddida Cadaaladu Waa Kariirad loo dhigay waaxda Garsoorka. Xuseen Xasan Badmaax

0
Tuesday March 11, 2014 - 22:30:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Cadaaladu Waa Kariirad loo dhigay waaxda Garsoorka. Xuseen Xasan Badmaax

    In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka. iyada oo la raacayo Dastuurka.
Dastuurka ayaa ah hay’ada dalka ugu saraysa ee ay waajib tahay in lagu dhaqmo inkasta oo loo baahan-yahay in dib loogu noqdo qodobo iska hor imanaya sidii wax looga bedeli lahaa.Qodobadaas oo ay ku jiraan qaar aad u muhiim ah oo saamayn ku yeeshay madaxbanaanida waaxda garsoorka iyo cida magacaabaysa.Waxaana ka mid ah kuwan:
QAYBTA AFRAAD XUBINTA 1AAD WAAXDA GARSOORKA QODOBKA 97AAD
1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu tahay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.

2. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.QODOBKA 98AAD
1. Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:
b. In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.
t. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
j. Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.
2. Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.
Waaxda garsoorku waa inay ka madaxbanaa-naataa waaxaha kale ee fulinta iyo sharci dejinta balse qaabka loo magacaabo ayaa ka dhigay mid hoos tagta fulinta ama madaxtooyada.Waayo? Mar hadii uu madaxweynahu magacaabayo,eryina karo waa qayb ka tirsan fulinta oo aan lahayn awood aan habrasho ku lingax-nayn.Qodobkan dastuuriga ah ayaa cadaynaya:
QODOBKA 105AAD MAGACAABIDDA GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE & GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE
1. Madaxweynuhu isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare iyo garsoorayaasha Maxamadda Sare, iyada oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimo xirfadeed iyo suubanaan akhlaaqdeed. Magacaabidda Guddomiyaha Maxamadda Sare waxa ansixinaya Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) oo fadhi wada jir ah yeesha muddo aan ka badnayn saddex {3} bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga.
Waxa Ku-xigeenka Guddoomiyaha noqon doonaa garsooraha dhinaca darajada ugu sarreeya garsoorayaasha ka tirsan Maxamadda Sare (Seniority).
2. Ma bannaana in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxamadda Sare qof aan buuxin shuruudaha hoos ku sheegan:
b. Waa inuu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
t. Waa inuu haystaa shahaado jaamicadeed oo barasho sharciga ah oo la aqoonsanyahay.
j. Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban

sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo macallin jaamicad ka bara sharciga.
x. Waa inuu siyaasadda ka madax bannaan yahay.3. Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida.
Waxa kale oo iyana la yaab leh gudida cadaalada oo ka masuul ah magacaabida,xil ka qaadista garsoorayaasha dhamaan maxkamadaha ka hooseeya maxkamada Sare.Taa macnaheeduna waxa weeye inaanu garsoorku madaxbanaa-nayn.Bal qodobadana eega:
QODOBKA 108AAD HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA
1. Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha.
Bal gudida cadaalada oo leh awoodo dheeraad ah oo kaba saraysa wasaarada cadaalada markaa miyaanay ahayn qayb ka tirsan fulinta.Hada qodobkana si fiican u dhugta:
QODOBKA 106AAD XIDHIIDHKA HAY'ADAHA GARSOORKA IYO
WASAARADDA CADAALADDA
1. Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay fulinta go'aanada maamul ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.
2. Wada-shaqaynta Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka waxa qeexaya xeer.
Hadaba guddida cadaaladu ma tahay mid aan uba baahnayn inay jiraan waaxda garsoorka iyo wasaarada cadaaladu mar haday tahayba halka ay ka go’do cadaaladu! Bal qodobadana aynu eegno:
QAYBTA 5AAD QODOBO KALA DUWAN XUBINTA 1AAD QODOBKA 107AAD GUDDIDA CADAALADDA
1. Gudidda Cadaaladdu waa hay'adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay:
- Guddoomiyaha Maxamadda Sare Guddoomiye
- Labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada
Guddoomiyaha Maxamadda Sare Xubno
- Xeer-ilaaliyaha Guud Xubin.
- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xubin
- Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Xubi
- Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo
- Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.
2. Waxa fadhiga Guddidu ku ansixi karaa marka ay joogaan toddoba (7) xubnood.
3. Marka Guddoomiyaha Maxamadda Sare gudan kari waayo guddoominta Guddida, sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed waxa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha Guddida noqon doona garsooraha ka tirsan Maxakamadda Sare ee Guddida xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha. Waxa xoghayn u ah Guddida Cadaaladda Kaaliyaha Sare ee Maxamadda Sare.
Xubnaha Guddida cadaalada ayaa ah xubno isugu jira sharci yaqaano iyo xubno dibada ka ah dayrka sharciyada,aqoona iyo khibrad haba yaraatee aan u lahayn hawlaha garsoorka.Qaabka loo soo xulaana ama loo magacaabaana waa mid uu iska leeyahay madaxweynahu marka laga saaro laba xubnood oo golaha guurtidu ka soo xusho dadweynaha!!!!
La Soco…….
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured