Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay Muqdisho ku dishay 127 ruux ka tirsan Shaqaalaaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

0
Saturday April 20, 2013 - 18:50:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay Muqdisho ku dishay 127 ruux ka tirsan Shaqaalaaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

    (xogreebnews.) War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay kooxdan ayaa lagu sheegay in afartii bilood ee sannadkan ay magaalada Muqdisho ku dileen 127 askari oo ka tirsan hay’adda nabads

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.) War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay kooxdan ayaa lagu sheegay in afartii bilood ee sannadkan ay magaalada Muqdisho ku dileen 127 askari oo ka tirsan hay’adda nabadsugidd Qaranka Soomaaliyeed. Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay Muqdisho ku dishay 127 ruux ka tirsan Shaqaalaaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

(xogreebnews.) War kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ay ku leedahay kooxdan ayaa lagu sheegay in afartii bilood ee sannadkan ay magaalada Muqdisho ku dileen 127 askari oo ka tirsan hay’adda nabadsugidd Qaranka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xoogag taabacsan Al-shabab oo lagu magacaabo Maxamed Ibnu-Maslax ay fuliyeen howshan, waxayna ku sheegeen qoraalkooda in dilalkan ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo u fulay sidii loogu talogalay.

“Guutada Maxamed Ibnu-Maslax waxay ku guuleysteen inay fuliyaan dilal qorshaysan oo ay la beegsanayeen madaxda ugu sarreysa Sirdoonka dowladda Soomaaliya, waana Alle mahaddii inay afar bilood kaga taqalusaan 127 jawaasiis oo ka tirsan dowladda, kuwaasoo isugu jiray saraakiil, iyo kuwo kale oo la shaqeynayay,” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Xarakad Al-shabaab.
Sidoo kale, Al-shabaab waxay ku sheegtay war-saxaafadeedkeeda inay sii socon doonaan ugaarsiga iyo weerarrada ay ku hayaan shaqaalaha hay’adda nabadsugidda iyo ciidamadeeda; iyagoo awoodda dowladda ku sheegay mid sii daciifaysa, gaar ahaan hay’adaha ammaanka oo ay hay’addan ugu weyn tahay.
“Hay’adaha ammaanka dowladdu waxay gabeen shaqadooyinki loo xil-saaray ee ahaa sugidda ammaanka Muqdisho, taasoo keentay inay isaga tagaan shaqooyinka madaxdii hay’adahaas,” ayaa lagu warka Al-shabaab lagu yiri.
Warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shababa ay toddobaadkii hore gudaha u galeen xarumaha garsoorka dalka ay ku shaqeeyaan, halkaasoo ay muddo haysteen dagaalyahanno ka tirsan oo ugu dambeyn halkaas kuwada dhintay.
Ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ay kaga jawaabtay hadalkan, iyadoo la xusuusto in siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay saraakiil ka tirsan hay’adda nabadsugidda, kuwo kalena lagu weeraray qaraxyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured