Madax Banaanida Garsoorka Somaliland Waxa Dhidibada U Taagey Madaxweyne Siillaanyo

0
Saturday March 08, 2014 - 20:21:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax Banaanida Garsoorka Somaliland Waxa Dhidibada U Taagey Madaxweyne Siillaanyo

    Somaliland waxay ka kooban tahay saddex dhar-dhaar ama saddex rukun oo ay ka kooban tahay magac bixinta nidaamka dowladnimo, taasoo midba mid u yahay xakamayn iyo Checks And

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waxay ka kooban tahay saddex dhar-dhaar ama saddex rukun oo ay ka kooban tahay magac bixinta nidaamka dowladnimo, taasoo midba mid u yahay xakamayn iyo Checks And Somaliland waxay ka kooban tahay saddex dhar-dhaar ama saddex rukun oo ay ka kooban tahay magac bixinta nidaamka dowladnimo, taasoo midba mid u yahay xakamayn iyo Checks And Balances, marka sidaasi ku jirto ayaa loogu yeedhaa dowlad dimuqraadi ah iyo qaybsanaanta awoodaha hay’adaha kala duwan Separation Of Power.
Tusaale ahaan Somaliland waxay ka kooban tahay hay’ad fulineed oo ah Executive Body, taasoo ka kooban madaxweyne, madaxweyne ku-xigeen, golaha wasiirada iyo hay’ado madax banaan.

Hay’ada sharci dejinta Law Makers, taasoo ka kooban golaha baarlamaan oo kala ah guurtida oo ah hay’ada dalka ugu saraysa iyo sharci dejinta, kuwaasoo u idman in ay sameeyaan shuruucda dalka.
Hay’ada saddexaad ayaa ah hay’ada garsoorka dalka judiciary Organ, taasoo ah uu ugu sareeyo gudoomiyaha maxkamada sareChief Of Justice, sidoo kalana ah guddoomiyaha gudida caddaalada iyo guddoomiyaha maxkamada distooriga ah, ayna hoos yimaadaan maxkamada derejooyinka kala duwan.
Hadaba sidee bay u wada shaqaynayaa ama isu ilaalinayaan saddexdan hay’adood ee kala duwani? Tusaale wuxuu distoor qeexayaa in madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, marka ay komishanka doorashooyin ku dhawaaqaan natiijada doorashada loo gudbinayo maxkamada sare, marka ay maxkamada sare ku qanacdo natiijada doorashada waxaa madaxweyna dhaarinaya guddoomiyaha maxkamada sare, sitaas buu ku noqonayaa madaxweyne sharci ah.
Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, isaga ayaa soo magcaabaya masuulka ugu sareeya hay’ada garsoorka, xilka qaadistiisana soo jeedinaya kaasoo ah guddoomiyaha maxkamada sare, waxaana fadhi wada jir ah ku ogolaanaya ama ku diidaya labada gole ee baarlamaanka ee guurtida iyo wakiilada.
Baarlamaanka marka la soo doorto waxaa fadhiga ugu horeeye isagu yeedhaya madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena waxaa baarlamaanka dhaarinaya guddoomiyaha maxkamada sare iyo kaaliyayaashiisa.
Golaha xukuumada ee uu soo dhiso madaxweynaha Somaliland, waxaa la kor keenayaa golaha wakiilada iyaga ayaana awood sharci u leh in ay ansixiyaan iyo in ay diidaan labadaba.
Sidoo kale golaha sharci dejinta ayaa meel marinaya, wax ka bedelaya ama diidaya miisaaniyada qaranka ee ay soo diyaariso xukuumaddu, gaar ahaana wasiirka maaliyada Minister Of Finance, sidoo kalena xeerarka ay xukuumadu soo gudbiso waxaa meel marinaya golaha sharci dejinta, halka xeerarka ay sameeyaan golaha wakiiladuna uu marka ugu danbaysa ogolaanayo, wax ka bedelayo ama soo celinayo madaxweynaha Somaliland. Sidaas bay hay’adaha dowladu u wada shaqaynayaan hay’adani mid kale kuma xad-gudbi karto oo sharciga ayaa qabanaya, waxayna ku cadahay distoorka Somaliland.
Hadaba waxaa beryahan danbe la buun buuninayey in xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo, ay faragelisey hay’ada garsoorka, ka dib markii guddoomiyaha racfaanka iyo guddoomiha gobolka Maroodijeex, ay sheegeen in lagu sameeyey faro-gelin.
Sida ay tahay xaqiiqdu bulshaduna way wada ogtahay in ay xukuumaddan maanta joogtaa ay iyadu horseeday caddaalada, waxaana la wada ogaa sidii garsoorka somamaliland uu ahaa waqtiyadii xukuumadihii hore, markii uu talada dalka qabtay madaxweyne Siilaanyo, markiiba wuxuu isbedel wayn ku sameeyey habkii garsoorka dalka.
Tusaale ahaan waxaa la shaqo geliyey dhalinyaradii jaamacadaha ee dhinac sharciga bartay, isbedel ayaa lagu sameeyey guud ahaanba habkii garsoorka waxaana laga dhigay mid u madax banaan shaqadiisa, ayna hagayso aqoon iyo u xaqsoorka bulshada.
Waxaana hubaal ah in aan maanta la odhan Karin xukuumadan ayaa faro-gelisey garsoorkii dalka, madaxweynaha Somaliland ma jirto wax uu ka jecel yahay in garsoorka Somaliland, uu ahaato mid xor ah, waana sababta uu u hirgeliyey hay’ado garsoor oo awood sharci leh.
Sidoo kalena madaxweynaha Somaliland wuu balan qaaday haddii uu jiro shaqsi faro-geliyey garsoorka oo ka tirsan hay’ada fulinta in uu talaabo ka qaadayo, taas ayaa muujinaysa sida ay madaxweynaha uga go’antahay in garsoorku ahaato mid xor ah.
Garsoorkana waxaa looga baahan yahay in ay cabashadooda u maraan habka dowladnimo oo ah in ay cabashada ay qabaan qoraal ugu gudbiyaan madaxweynaha iyo guddida caddaalada, balse aanu noqon mid warbaahinta la isu mariyo.
Abdillaahi Ahmed Arshe, Senior Faculty Public Administration,
Civil Service Institute



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured