Tallo Ku Socota Wasiir Cukuse Iyo Digniin Ku Socoota Weriye Cabdi casiis Bashiir Nuur.

0
Friday March 07, 2014 - 21:42:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tallo Ku Socota Wasiir Cukuse Iyo Digniin Ku Socoota Weriye Cabdi casiis Bashiir Nuur.

    Marka hore waxaan salaamaya saxaafadda sharafta badan ee reer Somaliland oo mar walba uu guntaata dalka kana shaqaysa wadaniyadda iyo horumarinta bulshadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan salaamaya saxaafadda sharafta badan ee reer Somaliland oo mar walba uu guntaata dalka kana shaqaysa wadaniyadda iyo horumarinta bulshadda

Waxaan jeclaaday inaan maanta dhex-dheexaadiyo,laba nin oo aanan midna aqoon uu lahayn balse aan midna aan ku bartay siyaasadda oo uu wasiirka yahay xukuumadda, halka midna aan ku bartay saxaafadda,iyaadoon ka duulaayo waajibaadka inaaga saaran sharafta sheikhsiga iyo in la dhex-dheexaadiyo aadamaha, waxaanan door biday in manta haday iga qaadanayaan aan hawada uu mariyo waanooyin iyo tallooyin aan isleeyahay way anfici doonta haday iga qaadanayaan.

Aan ku horreeyo c/casiis bashiir nour oo aan jecleeysta inaan xasuusiyo inuu marka hore ilaaliyo sharafta iyo karaamadda uu leeyahay xilka uu wasiirka warfaafintu uu hayo qaran,oo ay waajib kugu tahay inaad ku tix-geliso maadaama oo adiigaba wasiirku yahay oo madaxweynaha qaranku uu dhiibay xilka sheegayna inuu magaca saxaafadda inuu ugu dhiibay,sidoo kaleena waxaan kuguula talinayaa inaad dantaada iyo nacaybsha ama aan idhaahdo mucaaridaada waxaad ka horeysiisa inaad qirto muhiimadda iyo milgaha uu leeyahay xilku .

Sidoo kale waxaan uu sheegaya c/casiis bashiir inuu oggaado inay masuuliyaddi oo waliiba markaad leedahay xaruun warbaahineed waxaa ku saran masuulidda gaar ah waayo waxaad iska leedahay shabakadda warar ee xogreebnews.com-oo aan had iyo goor booqdo uguna tago warar dhex-dhexaada marka laga reebo wixii ku saabsan cukuse mooye,taasina waxay ku tusaysa in anaad wasiirkaas si gaar ah aad uu neceeb tahay,waxanan ku leeyaahay wasiir cukuse waxaad had iyo jeer ku dhaliisha anshax xummo markii uu ahaa suxufiga inaad soo tiriso si aad isku bar-bar dhigto hadaalada aad ku sheegto guulwadaynta, taasina waxay kugu tahay qiimo xumo saxaafadeed hadaad noqto berry siyaasi dee adna waa lagu caayi doona sidaad uu caydo cukuse oo kale

Marka labaad waxaan jecladay inaan wasiirka iskugu daro canaanto iyo inaan muujiyo inuu yahay wasiir leh xirfad saxaafadeed wanan qabba inuu uu qalmo wasiirnimadda sidoo kaleena waxaan sheegayaa inuu dul-qaad yaraani hayso wasiirka ,waxaanan xusuusinayaa wasiirka warfaafinta inuu yeesho dul-qaad mida kale waxan ku sheegaya inaad wasiir tahay oo aad mid kugu mucaarid ah iyo mid kaleeba aad adiigu si fiican ulaa dhaqanto hadaad soo dhoweeysato mucaaridkaaga waad guuleysanaysaa ee oggow wasiir.

Ta labaad wasiir ma jecli inaan wax badan ku sheeggo adiiga waayo waxaad tahay waayeel,balse waxaan ku xusuusinayaa inaad markaad ku laabato saxaafadda inaanad gaf danbe ka gelin cid haysa maamul waayo adiigu waad geef badnay markii kulmiye ahaa mucaaridka, oo waxaad ahayd dadka qalinka ku xadgudbay,taasina hadda waxaay ka dhigtay wasiir,waxanaan kugula talinayaa marka hore waxaad haysaa xil qaran siiba waxaad uu haysaa saxaafadda ee ogsoonow oo yaan la arkiin qof adiiga ku dhaliilaaya oo waliiba suxufi ah sidoo kale wasiir waa inaad so oaf-jarto colaada idin dhaxaysa adiiga iyo c/casiis waayo waa inaanad yasin ee uu yahay weriye loo baahan yahay inaad muujiso dul-qaad soona xeero geliso hadii kale waxaa sii socon karaa colaadiina,

Waxaan jecelay inaydun iga gudoomi doontaan saaxibayaal waanada taagtaydaa

Qalinkii

Xuseen jaamac quule (xuseen jig-jigaawi)

Email. Xuseen2014@gmeil.com

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured