Abwaan Hadraawi Oo Hogatus Ka Jeediyay Madal Lagu Gorfeeyay Diiwaanka CULUUMTA MAANSADA.

0
Friday April 19, 2013 - 19:14:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Hadraawi Oo Hogatus Ka Jeediyay Madal Lagu Gorfeeyay Diiwaanka CULUUMTA MAANSADA.

    mubaarik careef xogreebnews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

mubaarik careef xogreebnews
Xalay waxa Jaamacadda Hargeysa lagu qabtay Munaasibad magaceedu yahay Jaamacadda Hargeysa iyo Habeenka SUUGAANTA oo lagu daadihinayay aqoon la xidhiidha afka, dhaqanka, naxwaha, suugaanta Soomaalida iyo dhiganeha CULUUMTA MAANSADA oo uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr.. Waxa ka soo qaybgelayay abwaanno, qoraayo iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin: Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame “Hurre Walanwal”, Abwaan C/Waaxid Cali Gamadiid, Abwaan Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed “Dool”, Abwaan Maxamuud Xaaji Saleebaan “Waraabe”, Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka Somali PEN, Axmed Muxumed Madar Guddoomiyeha Haayadda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland iyo Maamulka iyo kumannaan ka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeysa. Ugu horreyn qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr ayaa ka hadlay nuxurka uu buuggani xambaarsan yahay gaar ahaan godadka maansada iyo adeegsiga dareennada ee suugaanyahannada oo u si waafi ah uga hadlay, isagoo intaas raaciyay in casharradii suugaanta dib looga bilaabu doono Jaamacadda Hargeysa. Abwaan Hurre Walanwal ayaa ardayda ku guubaabiyay inay bartaan afka sii dabar go’ya isaga oo madasha ka akhriyay maanso jacayl ah oo uu tiriyay. Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka Somali PEN ayaa qoraaga ku bogaadisay dedaalka uu sameeyay iyadoo xustay inuu yahay xubin ka tirsan Somali PEN. Abwaan C/Waaxid Gamadiid, Abwaan Waraabe iyo Macallin Axmed-yaasiin C/Raxmaan (Dool) ayaa golaha ka tiriyay tixo abbaaro kala duwan faaqidayay iyo weedho hambalyo u ah dhiganaha la gorfeeyay. Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa gebabagabdii munaasibadda jeediyay khudbad isugu jirta waano iyo wacyi-gelin taas oo uu ku socotay ardayda isagoo kula dardaarmay inay dhaqankooda gaws-dambeedka ku qaniinaan, hadalladiisiina waxa ka mid ahaa “Ardayga Ingiriiska u dhashay waxa wax loo baraa in uu adiga ku gumaysto; waxa loo baahaynyahay in aad taa ogaataan oo ku baraarugsanaataan yeelataanna wixii aad kaga hortagilahaydeen aqoon ahaan iyo maskax ahaanba”. Waxa kale oo hadalladii guubaabada iyo garasho taabasha lahaa ee Hadraawi ka mid ahaa “Qof wal oo Aadame ahi nolosha kaalin buu ku leeyahay waxaana idin suga hawlo nololeed oo baahsan loona baahanyahay in aad si karti iyo xilkasnimo leh uga soo baxdaan ee ay daan noqon kuwo moog oo ku baraaruga kola ay gaadhaan xiligii looga baahnaa guda galka hawlahaa. Guntii iyo gunaanadkii ereyadii xaradhaaminta ahaa ee garaadka ardayda aadka u saameeyey waxa ka mid ahaa kii abwaanku ku soo af-meeray tuduc ka mid ah gabay u tiriyay Abwaan Salaan Carrabay oo ahaa “Nin yaraan ku loofaray, wuxuu lumiyey raacdee”. Waxa sidoo kale madasha goob-joog ka ahaa qaar ka mid ahaa carruurtii uu dhalay Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyadoo marxuumka madashada looga duceeyay, dhallaankiisana in Eebbe barakeeyo loo Alle-baryay. Guud ahaanna munaasibadda ayaa ku xidhantay jawi farxadeed.


Mubaarik Careef
Hargeisa/somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured