Dakaddii Berbera Oo Hoos U Dhac Wayn Ku Yimid Iyo Maariyihii Dakada Oo Ku Mashquulsan Guul-wadaynta Xukuumada

0
Saturday March 01, 2014 - 20:11:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dakaddii Berbera Oo Hoos U Dhac Wayn Ku Yimid Iyo Maariyihii Dakada Oo Ku Mashquulsan Guul-wadaynta Xukuumada

    Dakaddii Berbera Oo Hoos U Dhac Wayn Ku Yimid Iyo Maariyihii Dakada Oo Ku Mashquulsan Guul-wadaynta Xukuumada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dakaddii Berbera Oo Hoos U Dhac Wayn Ku Yimid Iyo Maariyihii Dakada Oo Ku Mashquulsan Guul-wadaynta Xukuumada Hoos U Dhaca Ku Yimid Dakada Berbera Oo Loo Aanaynaayo Fadhiidnimada Iyo Maamul Xuxumada Maareeyaha Dakada Eng. Cali Xoor-xoor , Maareeyihii Oo Ku Mashquulsan Sidii Uu Dadka Reer Saaxil Ee Taageersan Xisbiyada Mucaaridka Ah , Dhaameel U Daadin Lahaa Iyo Sidii Uu Awood Ugu Muquunin Lahaa . Iyo Waliba Isaga Oo Shaqaalaysan Badan U Sameeyay Beesha Madaxwayne Siilaanyo Si Uu Cimri Dherar Ugu noqoto , Wiishashkii Maraakibta Alaabaha Ka Soo Dajin Jiray Oo Dayacnaan Badan Ku Dhacday , shaqaalihii Oo Hab Beelaysan Loo Lala Dhaqmaayo Waxaas Oo Dhan Oo Is Biirsaday Waxay Sababeen Dakadii Oo Haawanaysa iyo ganacsatadii oo u wareegtay Dhanka Boosaaso iyo djabuuti .Waaa Nin Nooce Ah Maareeyaha Dakada Berbera Cali Xoor-xoor ???

Maareeyaha Marsada Caalamiga Ah Ama Dakada Ku Taal Magaalo Xeebeedka Ber-bera , Injineerku Wuxuu Maareeye Ka Ahaa Tan Iyo Markii Aynu Xornimadeenii Dib Ugala Soo Noqonay Dalkii Hore La Iskugu Odhan Jiray Somaliya , Ama Horaantii Sanadkii 93 Ee Haykalka Dawlad-nimo La Unkay , Eng.Cali Xoor-Xoor Waaggaas Ayuu Ka Yimid Magaalada Muqdisho Ka Dib Markii Ay Dirirayeen Gen. Maxamed Faarax Caydiid Iyo Cali Mahdi , Ka Hore Inta Aanu Noqon Maareeyaha Dakada Wuxuu Shaqo Ka Helay Dakada Isaga Oo Ahaa Farsamayaqaan Xagga Wiishashka Ah , Wax Is Daba Marin , Musuq-maasuq Iyo Maamul Xumo Dakadii Soo Faad Saaray Hawlihii Dakada , Sanadkii ( Labada Kun ) Ayaa Madaxwaynihii Wakhtigaas Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Ilaahay Naxariistii Jano Ha Ka Waraabiyee Uu Magacaabay Guddida La Dagaalanka Musuq-maasuqa , Baadhitaan Dheer Ka Dib Eng.Cali Xoor-Xoor Waxaa Lagu Helay Musuq-maasuq , Waxaa loo soo jaray waaran ah qabasho si xabsiga loogu dhaadhiciyo . Waxaa Dakadii loo magacaabay maareeye cusub , maareeyahaas cusub oo dhaxlay musuq-maasuq baahsan iyo maamul xumo fadhiid ka dhigtay dakadii hayeeshee maareeyahaas cusub oo ahaa nin daacad ah , hawlkar ah , wuxuu muddo yar oo gaaban ku xaliyay hawlihii adkaa ee uu meesha ugu yimid ee uu ka dhaxlay Cali Xoor-xoor , Dakadii Wuxuu U Soo Iibiyay Qalab Cusub , Wiishash Waawayn Oo Aan Dakadu Hore U Lahayn Wuxuu Nidaamiyay Hawl U Socodka Iyo Shaqaalaha Marsada , Hayeeshee Nasiib Xumo Sagaal Bilood Ka Bacdi Waxaa Geeriyooday Maareeyihii Illaahay Naxariistii Jano Ha Ka Waraabiye .
Waxaa Mar Labaad Dib Loogu Magacaabay Maareeyihii Dakada Cali Xoor-Xoor , Muddo Ku Dhaw Toban Sano Ka bacdi waxaa dalka ka dhacay doorashooyinkii waxaa tartamay ururadii kala ahaa (UDUB , UCID , KULMIYE ) , Loolan adag ka bacdi waxaa guulaystay Xisbigii KULMIYE Ee Uu Gadh-wadeenka ka ahaa Madaxwaynaheena Hadda Mudane Siilaanyo , Kulmiye wuxuu ololaha ku galay isbadal xagg walba ah , isaga oo uu cali xoor xoor u arkaayay aabaha musuq-maasuqa , KULMIYE Waxay ololahooda ku galeen la dagaalanka musuqmaasuqa , KULMIYE Markii uu talada dalka ku guulaystay talaabadii u horaysay ee uu ku dhaqaaqay wuxuu xilka ka qaaday ENG.CALI XOOR-XOOR , Waxaanna Maareeye looga dhigay dakada CABDI DIRIR .
Muddadii uu xilka hayay maareeyaha cusub wuxuu dakada ka qabtay hawlo badan , isaga oo dib u habayn iyo nidaamin ku sameeyay shaqaalihii dakada oo awal isku dhex yaacsanaa , wuxuu hal meel ka wada sameeyay xafiisyada cashuuraha oo awal midba meel ku yaalay iyago kala durugsanaa , oo intaad mid ku socoto ee aad ka kale ku soo noqonayso wakhtiguba kaa dhacaayay , barxada wayn ee dakada oo biyo fadhiisin noqotay halisna u ahayn inayu goÂ’do ayuu dib u hagaajiyay , wuxuu shaqaalihii u sameeyay ID CARD Casri ah , iyo walibana markii u horaysay ayuu u sameeyay camara securtiy , iyo waliba kaadhadh lagu soo galo Eridda hore ee dakada , Waxaa Kale Oo Uu Wax ka qabtay Bilicda Dakada , waxaa xusid muddan Wajahada hore ee dakada oo ay ku yaaleen Maqaaxiyo lagu Barjeeyo Oo Saamalayl ahaa , Tukaamo yar yar , Dhamaantood wuu ka raray , wuxuuna ku beeray dhir , doog iyo ubaxyo bilicsan , oo marka aad indhaha ku dhufato aad arkaysaa quruxda iyo bilicda , adoo u qaadanaaya inaad joogto meel aan ahayn Somaliland . Nasiib Xumo Madaxwayne Siilaanyo Ayaa Xilkii Ka Qaaday Maareeyahaa Wax-qabadka Muuqda Dakada Ka Qabtay Ee Ay Dadku Mahadiyeen , Waxaa Mar Saddexaaad Dib loogu Magacaabay Dakadii Eng.Cali Xoor-Xoor , Waxaynu Ka Dharagsanahay Oo Aynu La Soconaa In Cali Xoor-Xoor Dakadii Berbera Ee Caalamiga Ahayad Uu Fadhiid Ka Dhigay , Meeqaamkeegiina Hoos U Dhigay Kana Dhigay Meel Musuq-maasuq Ragaadiyay Iyo Maamul Xumo , Tan Iyo Muddadaas Dheer Ee Uu Xilka Maareeyaha Hayay Aan Wax Ka Qaban , Haddaba SuÂ’uaal ayay dadku is waydiinayaan waa maxay sababta Mar walba dib loogu soo magacaabayaa Cali Xoor-xoor dakada?? Mar haddii uu dakadii ragaadiyay , labadii nin ee kale ee loo magacaabayna muddada yar ee ay joogeen kor u qaadeen dakadii ? waa suÂ’aal aad u wanaagsan oo xiisaheeda leh,Waa Maxay Sababta Mar Walba Maareeyaha Dakada Loogu Soo Magacaabaa Cali Xoor-xoor ??
Waa SuÂ’aaal Xiisaheeda Leh , Hadaynu Dib U Milicsano Hab Dhaqanka Iyo Sifaha Looga maarmi waayay Marsadan Caalamiga ah , ee halbawlaha dhaqaale u ah somaliland , ahna hooyada Somaliland Oo Dhamaanteed Dhaqaalaha Somaliland Ku Tiirsanyahay , Ku Darsoo Waliba Dakada Berbera Waa Dakad Caalami Ah Oo Ay Isticmaalaan Dalalka Geeska Afrika , Ha Ugu Horayso Dalka Ethopia Ee Bilaa Badda Ah Oo Qiyaas Ahaan Dadka Ku Nool Ethopia Ay Yihiin ( Sideetan Milyan ) , Waxaa Intaas U Sii Dheer Dakadan Berbera Waxay Ku Taalaa Marib Biyood Istaraatiji U Ah Aduun-waynaha , Waa Marin Ay Maraan Badi Maraakiiibta Aduunku .
La Soco Qaybaha Kale
WMP WarsanMP Som



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured