Warbixin Rasmiya Siilanyo Oo La Filaayo Inuu Bedelo Mawqifkiisii Shirka London Tegi Mayno Oo Dani Inooguma Jirto Iyo Waxa Durbaba Bedelay!

0
Friday April 19, 2013 - 19:09:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Rasmiya Siilanyo Oo La Filaayo Inuu Bedelo Mawqifkiisii Shirka London Tegi Mayno Oo Dani Inooguma Jirto Iyo Waxa Durbaba Bedelay!

    Hargeisa-(xogreebnews)-Weftigii uu hogaaminaayey Madaxweyne Siilanyo ee dalka Turkiga safarka ku tegay ayaa markii ay marayeen Magaalada Nairobi islaqaatey inay wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar u diraan safaarada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews)-Weftigii uu hogaaminaayey Madaxweyne Siilanyo ee dalka Turkiga safarka ku tegay ayaa markii ay marayeen Magaalada Nairobi islaqaatey inay wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar u diraan safaarada
Warbixin Rasmiya Siilanyo Oo La Filaayo Inuu Bedelo Mawqifkiisii Shirka London Tegi Mayno Oo Dani Inooguma Jirto Iyo Waxa Durbaba Bedelay!

Hargeisa-(xogreebnews)-Weftigii uu hogaaminaayey Madaxweyne Siilanyo ee dalka Turkiga safarka ku tegay ayaa markii ay marayeen Magaalada Nairobi islaqaatey inay wasiirka arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi Cumar u diraan safaarada dawlada Britain ku leedahay Magaalada Adis-ababa oo badiyaaba xidhiidhisa arimaha Somaliland si uu ugu gudbiyo mawqifka Xukumada Siilanyo ee qadiyada shirka London oo ay ku adag tahay iyaga iyo bulshoweynta reer Somalilandba inay shirka kaga qeyb galaan sidan hadda wax u socdaan ama yihiin maadaba Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud gudoominta shirka leeyahay ama hagaayo.


Yeelkeede waxaa xogaha Qarannews heshay tibaxayaan in safiirka dawlada ingiriiska u fadhiya Itoobiya fariintaas ama warbixintaas Madaxweyne Siilanyo u sii dhiibay wasiirkiisa arimaha debeda Maxamed cabdilahi markiiba gaadhsiiyey wasaarada arimaha debeda ee Uk oo iyana jawaab degdeg ah soo celisay.

Haddaba sida xogaha Qarannews heshay iftiiminayaan wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Cabdilaahi wuxuu kala soo noqday safaarada UK ku leedahay Adisababa jawaab iyo warbixin uu u soo diray ama u soo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Somaliland isagoo weli ku sugan Adis-ababa, warbixintaas oo tilmaamaysa in wasiirka arimaha debeda UK Siilanyo ku dhiirigelinaayo inuu ka soo qeyb galo shirka London, wuxuuna qoraalkiisa ku xusay “Hadaad sidaa dhib u aragtaan ama dhibsanaysaan shirgudoonimada madaxweynaha Somaliya ee shirka meesha kaalaya, meeqaam sare ayaa laydinku qaabilayaa oo laydinku soo dhaweynayaa,waxaa laydin fadhiisinayaa meel gaar ah oo aydaan shir gudoonka iska arkayn ama aydaan isu muuqan Aalad yar u dhaxayso, is arki maysaan. Wuxuu kaloo intaa ku daray waxaanan idiin balanqaadeynaa in marka shirku dhamaado aad halkaas London isku argataan,ku kulantaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Geesta kale Madaxweyne Siilanyo ayaa maalmaha soo socda laga filayaa inuu warbaahinta la soo fadhiisto war ka duwan kii doraad markuu ka soo guryonoqday safarkii uu ku tegayTurkiga uu sheegay ee ahaa shirka London dani inooguma jirto oo ka qeyb geli mayno.

Isku soo wada duuboo Waxaa la filayaa inuu Madaxweyne Siilanyo TV-ga Afka Qasriga Madaxtooyada ku hadla la soo fadhiisan doono dhawaan in wasiirkiisa arimaha debeda Maxamed Cabdilaahi oo uu u diray Itoobiya si uu dawlada Ingiriiska ugala soo hadlo Mawqifka iyo qadiyada Somaliland ee shirka London soo celiyey jawaab waafiya oo ina qancisa oo ah inaynu shirka London ka qeyb galo inagoo Somalilanda oo aan ka mid ahayn qeybaha Somaliya ,meeqam sare laynagu soo dhaweynaayo,meel gaar ah oo laynoo qorsheeyay layna fadhiisinaayo oo aynaan ka mid ahayn Qolyaha Xasan Sheikh Maxamuud Jeer-garaynaayo, oo aynaan ka mid ahayn wefuuda somalida ee uu Xasan Sheikh Maxamuud gudoominaayo. Waxaa kaloo la filayaa inuu Siilanyo ku afgobaadsan doono ama umada ku beerlaxawsan doono in wasiirka arimaha debeda Uk u balanqaadey in marka shirku dhamaado inay si toosa ula kulmi doonaan oo isu horfadhiisan doonaan Xasan Shiekh Maxamuud iyagoo laba dhinac ama laba dal oo simana oo qadiyada gooni isutaaga somaliland kala hadli doono.

La soco warbixino kale oo xiiso leh oo ku saabsan isla qadiyan iyo waxa laga filaayo Siilanyo inuu Umadda mar kale la hor yimaado si uu ugu qanciyo inuu shirka London tago!cource qaranews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured