Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Marwo Samia Omar Hagi oo dhaliishay Xukuumada Silaanyo

0
Friday February 28, 2014 - 19:07:08 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Marwo Samia Omar Hagi oo dhaliishay Xukuumada Silaanyo

    Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Marwo Samia Omar Hagi Muse iyo Godomiyaha Abaabulka Mudane Ismaciil Degalah , waxaan si adag Ugu digayna xukummada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Godomiyaha Garabka Haweenka ee Finland Marwo Samia Omar Hagi Muse iyo Godomiyaha Abaabulka Mudane Ismaciil Degalah , waxaan si adag Ugu digayna xukummada Somalilalnd iyo waliba xulufada baryahan isku bahaystay xaqdarada iyo cabudhinta Xisbiyada Mucaaridka iyo shacabka masaakiinta ah.
waxaanu layaabanahay xaqdarada caddaanka ah iyo tacadiyaadkan faraha badan leh ee aad ku haysaan Xisbiga Ucid iyo waliba Mushaaraxa Madaxweyne Mudane Jamal Cali Xussein.
waxaano Dawladda Somaliland o sheegayna inaanu marnaba u dulqaadan karaynin falal xumidan baryahan caadada idiin noqotay. Ardayda Berbera waxay lamid yihiin ardayda

Somalialnd oo dhan haday Mudane Jamal Ali Hussein ay salaameen dee waa nin madax ah oo u qalma salaanta , waana madaxweynaha Mustaqbalka dhaw inshaa Allaah 2015. Waxaano
digniin wayen o dirayna Badhasaabka Berbera oo waxaano leenahay ardayda Berbera waa mustaqbalkii Ummadda waana Jiilka cusub ee maanta o baahan hogganka cusub ee Mudane
Jamal Ali Hussein oo maanta Somaliland ku soo kordhin doono inshaa Allaah 2015.
Mudane Jamal Cali Xussein waa Muadin Somalilander ah oo 100% Assal iyo fasal ba ah , nin ajnabi ah oo Somaliland ku jooga Transit maaha , ee indhaha kala fura!!!!!! mar aad Gabiley
ka hor istaagtaan iyo mar aad Burco isbaara o dhigataan, laakin maanta qaadan mayno xaqdarada ah in ardaydi Berbera ee Mudane Jamal Ali Hussien salaantay aad School amma
Jaamacad oga iridaan ???!!!!!!! Ardayda Berbera haday Mudane Jamal Ali Hussein salaameen ma ceeb bay sameeyeen mise sharcigi Schoolka ayay meel kaga dhaceen ????!!!!
Wadamada Carabto waxay sas ka qabaan waa Israiil waana wax logic ah because Israiil waa wadan dhib farabadan ku haysa Falastiin , waana Yahood iyo Muslim, laakin Xisbiga Ucid
maaha Israiil ee waa Xisbi qaran oo Somalilander ah oo waliba Muslim ah, markaa maxaa cabudhinta faraha badan loogu hayaa Xisbiga Ucid iyo waliba Madaxdiisa ?????!!!!!!
Mudane Jamal Ali Hussein waa The legend of Somaliland waana Aqoonyahan iyo Siyaasi , qofka bani aadamka ah waxaa fiican in loo qiro waxa oo yahay , oo haddi aad gaadhi waydeen
maaha inaad daba gashaan oo fokuski dawladi dhamayed aad Musharaxa Madaxweene Jamal Ali Hussein aad saartaan .!!!!!!!!
Somalialand ayaa idin ka baahan daryeel , shacabki ayaa idin ka baahan daryeel , hormarka Somaliland maaha dhagax yar oo meel la dhigayo , maaha wadda la dhisayo, maaha xisbi
mucaarad la iryanayo , manaha saxaafad iyo shacab lacabudhinayo.
Badhasaabki Odweyne ayaa shalay lagu toogtay odweyne illa haddana lama hayo canbaareen dhinaca dawladda Somaliland ???!!! Badhasaabko waa shaqaalihi dawladda Somaliland xaq
weyena ayoo ku leeyahay Somaliland , ee Mudane Madaxweyne sababta aad oga hadli waydeen waa maxay ????
Somaliland waxaano leenahay Ucid waa xisbi qaran oo mucaarid ah , waana Xisbi Somalialnder ah ee shaqadiina qabsada oo Ucid iska dhaafa. Kulmiye mar ayoo soo baxay maantana waa
chanski Ucid ee waxba ha isku mashqoolina Ucid iyo Mudane Jamal Ali Hussein ee caadi iska dhega !!!!!Dawladda Somaliland waxaano leenahay wax kasta oo maanta ku dhaca Somaliland waxaa ka danbeeya qalaalashan ay dawladdi dhameyed ku dhaqmayso , Dawladdo mashaakil
aboooristan ay saymanayso waxay doonaysa inay Doorashada Somaliland 2015 ay dib odhigto taasina waa arrin aanay shacabka Somaliland marnaba ka yeelaynin.Allaah waxaan ka rajaynaynaa Khair iyo nabad inay Somaliland ku waarto Aamiin
Godomiyaha Garanka Haweenka ee Finland Marwo Samia Omar Hagi Muse
Godomiyaha Abaabulka Ismaciil Degaleh



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured