Saddex Maalmood iyo Aragtidey — Safarkeygii Hargeisa 21 — 23 February.

0
Friday February 28, 2014 - 18:57:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Maalmood iyo Aragtidey — Safarkeygii Hargeisa 21 — 23 February.

    Waa war bixin an soo koobey oo ku saabsan saddexdii maalmood ee an Hargeisa joogey iyo waxyaabihii uugu muhiimsanaa ee an soo arkey. Waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa war bixin an soo koobey oo ku saabsan saddexdii maalmood ee an Hargeisa joogey iyo waxyaabihii uugu muhiimsanaa ee an soo arkey. Waxa dhici karta in aragtida lagu kala duwanaado oo qofba ay si la noqoto.
Waxase hubaal ah iney maskaxda qofka akhriyaya ay kaga shaqeysiin
karto oo ay ku qasbi karto inu fikiro oo uu dhiniciisana wax ka
qiimeeyo.
1. Bahda saxaafaddu aad ayay u dedaalen oo ay iskugu dayeen iney
umadda gaadhsiiyaan warar iyo madadaalaba. Hanoqoto warar an qaar
dhaliilno, qaar jecleysano, qaar ka xanaaqno, qaar ku faanno. Wixii ay
aqoon la’aan iyo farasama xumo u keento mooyee, saxaafaddu umadda wax

badan ayay u soo kordhisey. Ka sakow saxaafadda dawliga ah, waxa xusid
mudan in saxaafadda dalkeenu ay tahay mid iyadu is wadda iyada oo aan
maalgelin ka helin cid kale. Dadka ku nool dalka iyo malaayiinta kale
ee qurbaha joogaaba waxa ay habeen iyo maalin akhriyayaan warar ay
saxaafaddu lacag la’aanta uugu soo gudbiso. Kala duwanaanta saxaafadda
ee ay qaar muxaafidka yihiin qaar mucaaridka yihiin, qaarna
dhexdhexaad yihiin iyo qaar aan siyaasadba ka hadleyn ee wacyi-gelin
ka hadlayaa, waa waxa saxaafadda xiisaha badan u yeeley. Inkastoo ay
saxaafadda “digital” ka ihi muqaal ahaan hore u martey, hadana
joornaalada la daabaco ayaad moodaa inaaney 20 sanadood ee ina soo
dhaafey wax badan iska bedelin muuqaal ahaan oo badankoodu waa afar
warqadood oo khadka iyo sawiraduba aaney sidaa u fiicneyn. Waxa loo
baahanyahay in saxaafaddu ay kor u qaado xirfadooda taxliilka
(analyses) oo loo baahanyahay in arimaha ay ka hadlayaan ay si
ballaadhan u lafaguraan oo arin kasta oo ay werinayaan ay ka bixyaan
sawiro dhinacyo badan wax laga eegey oo aaney ku eekaanuun fikir
dhinac keilya uun wax laga eegey. Waxa Iyana muhiim ah in warbaahinta
abuurto barnaamijyo ay iskugu keeneyso dad aqoon u leh hadba arimaha
markaa socda oo laga dodo, lana lafaguro, talooyinka ka soo baxana ay
noqdaan wax cidda ay khuseyso, gaar ahaan dawladdu ay ka
faa’iideysato.

2. Isgaadhsiinta tilifoonada iyo internetku meel fiican ayay gaadheen
oo dad badan oo ay u badanyihiin dhalinyarada ayay u sahlanaatey iney
ka faa’iideystaan isgaadhsiinta. Isgaadhsiinta dalku meelo badan oo
caalamka sadexaad ah ayay ka fiicantahay kana jabantahay. Tayada
isgaadhsiinta gaar ahaan internetka ayaa weli hooseeya oo aan laheyn
awoodii iyo dhakhsihii socodka. Dhibaatada uugu weyn waa isgaadhsiinta
oo ku kooban magaalooyinka iyo dadka inta ladan balse mujtamaca
intiisii badneyd gaar ahaan kuwa ka fog magaalooyinka waaweyn aaney
illaa hadda si fiican u gaadhin. Waxa kaloo dhiman sidii isgaadhsiintu
uuga qeybqaadan laheyd casriyeynta adeegyada sida tacliinta, cashuur
ururinta iyo wacyigelinta dadweynaha.
3. Waxa sii kordheysa tirade jaamacadaha wadanka ka furmey oo
dhalinyaraddii aan awoodda u helin iney dibedaha wax soo bartaan
fursad u siisey iney helaan tacliin jaban. Jamacadaahaas qaarkood waxa
ay bixiyaan tacliin heerkeedu sareeyo, qaarna weli wey soo korayaan oo
waxbaa ka dhiman. Tartanka jaamacadaha dhexdooda ayaa keeni doonta in
tayada tacliinta ay bixiyaan kor u kacdo mustaqbalka, kuwa sidaa yeeli
waayana dan ayay u xidhmi doonaan. Jaamacadaha dalku waxa ay fursad
wanaagsan oo tacliimeed siiyeen kumanaan dhalinyaro ah oo mustaqbalka
ka qeyb qaadan doona dhismaha iyo hoggaaminta dalka. Ka sakow dadka
furtey jaamacadaha, dawladdu waxay ay sahashey furashada
jamacadaahaas, taageero niyadeed iyo siyaasadeedna wey siisey.
4. Qodobka u weyn ee ay shicibku ka rabaan siyaasadda Somaliland ee
arimaha dibeddu waa in Jamhuuriyadda Somaliland noqoto dawlad gooni u
taagan, heshana aqoonsi caalami ah si ay wax uula wadaagto umadaha
hore u marey ee calamka. Sannadkii ina dhaafey waxa ay dawladdu dardar
gelisey wada hadalkii ay la laheyd Somaliya waxaana ka qeybqaadatey
shirar dhowr ah. Waxa Iyana xilkii arimaha dibedda loo magacaabey
wasiir lagu tirin karo inu yahay shakhsi ka mida dadka fara ku tiriska
ah ee aqoonta iyo waaya aragnimo badan u leh sida caalamku u wada
shaqeeyo. Waxase hubaal ah in Somaliland ay dawladdu ku guuldareysatey
inay xitaa sharax cad ka bixiso siyaasadda arimaha dibedda iyo waxa ay
dooneyso iney ka soo baxaan shirarka ay la leedahay Somaliya.
Somaliland iyo Somaliya midna daacad kama aha shirarka ay wada
geleyaan. Labada dhana midba midka kale uu ogyahay inaanu daacad ka
aheyn, sidaasooy tahay hadana wey is madadaalinayaa oo shirar ayay
wada gelayaan. Dawladdii Riyaale kumey wareejin dawlada maanta joogta
wax siyaasad cad ah ama qorshe ah oo ku waajahan arimaha dibedda gaar
ahaan aqoonsi raadis. Ayaan darada jirtaa ah inaan dawladan lafteedu
aaney la iman. Waxa Iyana lagu guuldareystey in Etoobiya iyo Jabuuti
laga helo aqoonsi dawladnimo, labadaa dawladood oo aynu isku qabno
danaha uugu waaweyn haddii ay tahay siyaasad, dhaqaale, ganacsi,
nebedgelyo. Waxa an ka dhalin kari weyney labadaa dawladood iyo
Somaliya, lagama keeni karo dawladaha kale ee aan daniba inaga
dhexeyn.
5. Waxa aad loo dareemey in nabadgelyada dalku meel wanaagsan
gaadhey. Waxa si nidaamsan looga hortagey lana fashiliyey isku dey
badan oo oo lagu khalkhalinayey nabadgelyada oo meelo kale laga soo
maleegey. Waxa suurogeliyey horumarka laga sameeyey nabadgelyada waa
iyada oo kor loo qaadey sirdoonka. Sida bileysku uuga hortago
mudahraadyada ayaa weli aad u hooseysa oo oo inta badan ku kooban
xabad dhalisa dhimasho iyo dhaawac. Waxa si gaar xusid mudan in
hey’adaha sirdoonku oo xoog badan saara iney war iyo xogo siyaado ah
ka helaan arimaha nebedgelyada gaar ahaan argagixisada. Waxa aad loogu
baahanyahay in bileyska lagu tababaro xirfado ay ku maamulaan
mudahraadka iyaga oo aan adeegsan xabbad.

6. Dhaqaalihii qeybo badan ayaa kor u Kacey, waxaaney ka muuqaneysa
meheradaha cusub ee furmey iyo dhismayaasha laga hirgelinayo
magaalooyinka. Waxa kale oo laga garan karaa sida uu u kordhey
kharashka dadka iyo reeraha oo aad u iibsanaya alaabo casri ah sida
talafishanno, tilifoonno, feernijar cusub, baabuur, taasi oo ku
tuseysa in dadka uu dhaqaalihiisii kor u kacay. Waxa muuqda
ifafaalayaal muujinaya in mujtamucu u kala baxayo dabaqado oo ay
jiraan qeybo dhaqaalahoodii kor u sii kacayo iyo qeybo bulshada ka
tirsan oo faqriqii ku sii badanayo. Waxa muhiim ah in dawladdu ahmiyad
gaar ah siiso sidii loo kabi lahaa maceeshadda dadka dhaqaalohoodu
hooseeyo si ay u korsan karaan caruurta uuguna noolaan karaan sharaf.
7. Qabyaaladdii lala xishoon jirey ayaa daahii laga qaadey. Dawaladda
iyo mucaaridkuba si isku mid ah ayay u adeegsanayaan, iyadoo qolaba
qolada kale farta ku fiiqeyso. Inkasta oo laga gudbey dhacdooyinkii
gacan kahadalka ahaa ee arimaha qabiilku keeni jirey, hadana qabiilkan
la soo toosiyey waxa uu wax u dhimay kalsoonidii dhalinyarada iyo
dadka jecel inaan noqono mujtamac hore u marey. Dadka in badan ayaa
iminka rumeysan in waxkasta oo la qabanayaa aanu suuro gal noqoneyn
haddaan la soo marin ciriqa qabiilka. Qabiilkiina waxaabu noqdey
nidaam la tartamaya kii dawaldda oo malin kasta laga hadalhayo
warbaahintii qaranka. Waxa jira tallaabooyin fiican oo ay dawladdu
qaadey, gaar ahaan madaxweynuhu oo laga dardarb gelinayo bulshada.
Waxa madaxweynuhu la kulmey qeybo badan oo bulshada ka mida, ha noqoto
xubno matalaya qurba jooga, qaar ka mida ururada dhalinyarada iyo
weliba xubno metelaya dadka laga tirade bedenyahay, isaga oo ku
booriyey iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Waa arin aad loogu
riyaaqey dhiirigelin bandanna keentey. Waxa haboon in dawladdu miiska
soo saarto habkii lagu yareyn lahaa saameynta qabiilku ku yeeshey
nidaamkii dawladeed.

8. Maamulka maanta jiraa bilowgii wuxu muujiyey inu door muuqda
siinayo haweenka, hanoqoto mansab siyaasadeed iyo ballanqaadyo is daba
jog ah. Balse arimahaasi waxa ay iskugu biyo shubteen sidii caadada
aheyd ee siyaasadda iyo hoggaamintu ay ku koobneyd oo rag uun ah. Taa
marka lagu daro tii dhaqanka oo ah salaadiin iyo odayaal dhaqameed oo
buuxiyey doorkii hoggaaminta bulshada, haweenkii ma hystaan fursad
badan oo ay ku muuqdaan kagana qeyb qaataan hoggaaminta umadda. In
kasta oo ay jiraan dumar badan oo aqoon iyo waaya aragnimaba leh,
hadana mansabyada sida agaasimayaasha guud, maareeyayaasha guud,
badhasaabada oo intuba ay tahay mansabyo ay magacowdo dawladdu waxa
lagu koobey rag. Marka ad madaxda qaarkood wareysato, laguma siinayo
sharaxaad waafi ah. Waxa muhiim ah in dawladdu gaar ahaan Madaxweynuhu
si gaar ah arimaha dumarka u eego oo uu ka qeyb geliyo hoggaminta
dalka.

9. Waxa weli sii socda tahriibkii oo ay dhalinyaro badani naftooda ku
biimeynayaan badaha waaweyn iyo saxaraha carabta. Waxa aad kor uugu
Kacey wacyigii umadda iyo dawladda ee ahaa in wax laga qabto
tahriiibka iyo guud ahaanba dhibaatooyinka heysta dhalinyarada ee ay
ka mid tahay shaqo la’aantu. Waxa dalka ka abuuran ururo dhalinyaro oo
firfircoon oo ku hawlan dhiirigelinta dhalinyarada. Ururadaa wax aka
mida SONYO iyo HAVOYOCO oo ah laba urur oo wax qabadkooda la dareemey.
Arimaha ay dawladdu illaa hada soo bandhigtey waxa ka mida shirar la
qabtey oo lagaga arinsanayo tahriibka iyo shaqo la’aanta iyo gudiyo la
saareey. Waxqabadkaasi illaa hadda aad ayuu uuga hooseeya mushkiladda
xajmigeeda. Mukhkiladda maanta dhalinyarada heysataa maaha wax shir
iyo siminaar iyo warbaahinta oo laga hadlo lagu maareyn karo. Waxa
loo baahanyahay in arrinta laga dhigo “Mudnaan Qaran” oo loo xilsaaro
cid aqoon iyo araqti wanaagsan ka heysata wax ka qabashada arintaas,
lana siiyo awood siyaasadeed iyo dhaqaale laguna hawlgeliyo iney muddo
kooban ku keenaan barnaamij lagu maareynayo dhibaatooyinka horyaal
dhalinyarada.

10. Dhalinyartii da’da dhexe ee shaqeynayey oo qaarkood xilsare ka
hayaan dawladda ayaan arkey oo in badani ay dhigtaan jaamacaddo iyaga
oo qaar wadaan tacliintii shahaadadda knowaad, in badanina waxa ay
wadaan tacliintii shahaadadda labada (Masters Degree). Taasi waxa dad
badan u sahashaey iney iyaga oo shaqeeya oo weliba reero leh ay wax
bartaan. Waxa kale oo ay keeneysaa in tayadii maamul iyo hoggaaminba
ay kor u kacdo.

11. Waxa ay dawladdu maalgelin weyn ku waddaa dib u dhiska
wasaaradihii iyo hey’adihii dawladda. Waxa jira wasaaraddo tiro badan
oo loo dhisey xafiisyo casri ah qaarna iminka gacanta lagu hayo. Ka
sakow dhismayaasha, waxa ay arintani shaqoyin u abuurtey dad aad u
badan oo dhakhli ka soo galo. Adeegyada ka jira dalka waxa ay ku
eegyihiin oo faa’iido ku qaba dadka inta ladan ee gaar ahaan
magaalooyinka ku nool. Hadey tahay waddooyinka, ama isgaadhsiin,
leydh, biyo, jaamacaddo, shaqooyin la abuurey, biyo la cabbo,
intuba waxa ay ku koobanyihiin dad iyo deegaamo
kooban. Reer miyigii, reer guuraagii, dadkii faqiirka ahaa
manaafacaad badan dawladnimada kuma qabaan iney niyeystaan uun
mooyaane. Dawladdu waa iney sameysaa barnaamij si gaar ah wax uugu
taraya dadka jilicsan, gaar ahaan reer miyiga.

12. Waxa jira rag aad u tiro badan oo da’da dhexe iyo odayaal u badan
oo qaarkood yihiin xildhibaano, qaar waa madax hore oo aan iminka xil
heynin, qaar waa xil doon, salaadiin, cuqaal, qaarna waa
taageerayaasha dawladda oo la yaqaan balse aan xil muuqda heyn oo
intaa wareegaya xafiisyada dawladda iyaga oo doonaya iney madaxda la
kulmaan oo dano ka fushadaan. Aad ayay uugu adagtahay madaxda dawladda
iney hirgeliyaan shaqadii loo direy waayo wakhtigiiba waxa ka qaadey
dadkaa wareegaya oo marka qolo baxdaba qaar cusubi ay xafiisyadii soo
gelayaan. Madaxdii dawladda wey ku adagtahay in ay wax shaqo ah
qabtaan. Dadkaa iyo odayaashaa wareegaya waa carqaladda uugu weyn ee
hortaagan waxqabadkii madaxda dawladda. Waxa ad arkeysaa madax intey
xafiisyadoodii foodda soo geliyaan markaba iskaga tegaya iyaga ka
dhuumanaya xertaa wareegeysa. Madax an la kulmey waxa iiga soo baxay
sawirka ah in wakhtigooda 20% ay qabtaan shaqadii loo igmadey inta
kalena ay ku mashquulsanyihiin la hadalka dadkaa wareegaya. Waxa
dawladda qassab ku ah iney qaaddo olole lagula dagaalamayo “Xerta”
Xafiisyada dawladda wareegta maalintii ee caqabadda ku noqotey habsami
u socodkii hawlihii dawladda.
13. Dhisamaha waddooyinka ayaa ah wax qabad muuqda. Inkasta oonan
magaalada Hargeisa dhaafin, hadana inta yare en arkey ayaa ii muujisey
in dedaal badani socdo. Waxa la qabtey aad ayuu uuga hooseeyaa baahida
jirta, balse waxa xusid mudan in hawlaha waddooyinka lagu dhiiradey oo
weliba lagu wado dhaqaale aan mucaawimo ku jirin. Waxa xusid mudan in
caruurta iskuulada oo iska ururiyey nuusasaacohoodii ay wadada
Ceerigaabo uugu deeqeen $120,000 halka lacagtii ay qurba joogu soo
ururiyeen ay noqotey $100,000. Taasi waxa ay ku tuseysaa in haddii
umaddu dedaasho ay ururin karto lacag intii la doonaba.
Bile — Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured