Tirsigii 70-aad Xaalkii Xukuumadeenu ma wuxuu ku soo ururey durugso waqtiga inta aad danahaaga gaadheyso? Qalinkii A/rahman fidhinle UK.–

0
Thursday February 27, 2014 - 20:06:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirsigii 70-aad Xaalkii Xukuumadeenu ma wuxuu ku soo ururey durugso waqtiga inta aad danahaaga gaadheyso? Qalinkii A/rahman fidhinle UK.–

    Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaanka dalka lagu bedelo waqti kooban dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay ummaddu ugu ciil-baxaan codkooda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaanka dalka lagu bedelo waqti kooban dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay ummaddu ugu ciil-baxaan codkooda, Waxaa loo doortey nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaanka dalka lagu bedelo waqti kooban dareenka shacabka iyo doorasho xor iyo xalaal ah si ay ummaddu ugu ciil-baxaan codkooda, dareenkooda, garashadooda iyo garaadkooda.Dastuurka ayaa muwaadin kasta oo reer Somaliland ah u-damaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah oo cadaan ah in la isugu dhaliilo, la isugu tilmaamo, la isuguna toosiyo oo weliba la isugu ololeeyo si xilalku ay meerto u-noqdaan oo ay digtaytarnimadu meesha uga baxdo dimuqraadiyaduna u meelmarto una hirgasho. Hadaba waxaa nasiib-daro ah in maanta Xukuumada jirtaa aaney la heyn milgihii, karaamadii iyo kartidii ay ku ababin laheyd dimuqraadigeenii curdinka ahaa si ay u dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah waayo xeerarkii iyo xeegaanadii ay ku qabsoomi lahaayeenba waa wada qabyo welina looma dhaqaaqin lamana daweyn oo lama bogsiin mililkii, caabuqii iyo dil-dilaacii ay reebtey doorashadii golayaasha degaanka ee xaqdarada iyo xaaraanta wadanka kaga dhacdey sanadkii 28/11/12.Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta taagan yahay uu ku soo gaadhey siyaasiyiin u-tudha iyo ruug cadaa samo talis ah oo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey gar naqsi, talo-wadaag,isu tanaasul halbeega saldhigeedu yahay siyaasada qaranka Somaliland oo ku saleysnaan jirtey, Isqancin,wadashaqeyn, Isixtiraam,karaamo iyo nabadgelyo, taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshay wadashaqeyn la’aan, Khilaaf iyo dabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya intii talada wadanka buddhiga u ahayd, ,musuq-maasuq aan geedna loogu soo gaban, sadbursi isireysan, mashruuc-bursi xulafeysan, Shaqsi jecleysi xabkeysan oo hadana xasabeysan, iskooxeysi shirkadeysan. dhul boob baahsan oo hadaf waqti dheer ku qotoma oo shaadh iskaashato iyo mid wershedeed gashan, deyr adag oo qabyaadaleysan oo xulafeysan oo aan gabasho laheyn oo xataa wasiiradii xukuumaddu ay isbeeleysi iyo isxulafeysi ay ushiraan. Qawleysato duluglayaal ah oo dilaaliin ah oo doobinaaya oo dhibishaxleynaaya oo doonaya dalqada uun waxay dhigaan, kuwaas oo habaqleysanayaa oo hormo qamaamaaya oo hoganaaya hudheelo kulaala duleedka iyo dudeda madax-tooyada. Halwadeeno taladoodii ku soo ururtey ku daneyso oo ka daneyso iyo kula lihi oo kaa lihi hantidii yareyd ee ummadda shaqo la'aantu ragaadisey wax loogu qaban lahaa,Taas oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haybadii, midnimadii, wadaninimadii,wadarnimadii, walaaltinimadii, wax-wadalahaanshihii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii,himilooyinka iyo horumarkii qarankan yar ee hagaasey uu higsanaayey.

Waxaa wax garadka siyaasada JSL u-dhuun daloolaa ay maanta isku raaceen in siyaasada guud ee S/land ay hada ku jirto marinhabow mad-madow badan iyo Indo sarcaad baahsan oo is dabowareeg ah oo aan la saadaalin karin lana garan karin Jihada ay u socoto iyo taladeedu meesha ay ka go’do, maa daama talo wadaag lagala quustey.Waxaa xukuumada uu xaalkeedii ku soo ururayaa durugso waqtiga oo dheereyso inta aad danahaaga gaadheyso ileen dad dan yar ahi dastuurka aad jebineyso iyo duunyada aad dhaceyso midna kugu qabsan kari maayaane. Waana iyaga iyo Allehood !! Waxaa bulshada qeybaheeda kala duwan gudo iyo debedba iyo caalamkuba ay indhahoodu ku foogan yihiin sidii xukuumadani ay uga dhabeyn laheyd hurusocodkii geedi socodka dimuqraadiyada JSL ee ay doorashooyinka is barkan ee fooda inagu soo haya ay waqtigooda ugu qaban laheyd si xor ah oo xalaal ah oo waafaqsan dastuurka wadanka u yaala.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh!
Wa-Laahum-Aclam-Waa-Bilaahi-Taw-fiiq,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/Rahman Fidhinle
Intensive ED BD BA,
United Kingdom
London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured