Maayar ku xigeenka Caasimada ayaa ka hor intii aanu ku wareejin xilka maayar ka war bixiyey waxyabii ay qabteen mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen

0
Friday April 19, 2013 - 18:54:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar ku xigeenka Caasimada ayaa ka hor intii aanu ku wareejin xilka maayar ka war bixiyey waxyabii ay qabteen mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen

    (xogreebnews.com-isaga iyo maayorkii hore, “waxa noo qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhamaystirka laamiyada qaar oo aanu 700 oo mitir dhamaystirnay, dawlada hoose oo aanu ku soo kordhinay laba cagaf iyo shaqaalihii dawlada hoose oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com-isaga iyo maayorkii hore, “waxa noo qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhamaystirka laamiyada qaar oo aanu 700 oo mitir dhamaystirnay, dawlada hoose oo aanu ku soo kordhinay laba cagaf iyo shaqaalihii dawlada hoose oo aanu kordhinay waxa kale oo nooqabsoomay dakhligii dawlada oo maanta aanu wareejinayno hal bilyan in ka badan intii yarayd ee aanu xilka haynay”
Maayirka Cusube ee Caasimada Hargeysa oo Xilkii kala Wareegay ku simihii hore loona dhaariyay maanta
Published on April 19, 2013 by axmed mecaad malmo · No Comments
Tweet
Hargeysa (Rmedia) Maayar Ku-xigeena Caasimada Hargaysa ahna ku simii mayirka Cabdi Casiis Maxamed xaashi cagaweyne ayaa xilkii ku wareejiyey maayarka Cusub ee dhawaan loo doortay Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Cadiid (SOLTELCO), fadhi ay yeesheen Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo ku qabsoomay xarunta dawalada hoose ee Hargeysa, oo ay ka soo qaybgaleen nasuuliyiinta xilka la kala wareegayey Xoghayaha dawlada hoose xildhibaanda Golaha deegaanka



Maayar ku xigeenka Caasimada ayaa ka hor intii aanu ku wareejin xilka maayar ka war bixiyey waxyabii ay qabteen mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen

(xogreebnews.com-isaga iyo maayorkii hore, “waxa noo qabsoomay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhamaystirka laamiyada qaar oo aanu 700 oo mitir dhamaystirnay, dawlada hoose oo aanu ku soo kordhinay laba cagaf iyo shaqaalihii dawlada hoose oo aanu kordhinay waxa kale oo nooqabsoomay dakhligii dawlada oo maanta aanu wareejinayno hal bilyan in ka badan intii yarayd ee aanu xilka haynay”

Maayarku xigeeenku isagoo Hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ waxaanu wareejinaynaa maanta in ka badan 11 beerood oo aanu qorshaynay 600 boqol oo baloodh oo danguud ah taariikhda-na maydhin, hal baloodh baananu bixinay wax dan guuda mudadii aanu xilka haynay, anagoo ah golaha Deegaan si isku duuban baanu u shaqaynaynay, anigoo waayo aragnimo in ka badan 17 sanadood u leh dawlada hoose waqti badana aanay igu qaadan intaan baran lahaa agaasimaha iyo gudoomiyaha aan aamini lahaa oo garanayaa ninwalba waxaan ugu hagaagi lahaa wuxuu xumaynayo iyo wuxuu hagaajinlahaa” ayuu yidhi maayir ku xigeenka caasimadu

Maayirku xigeena caasimahada hargeysa ahaa Cabdi Casiis Maxamed xaashi cagaweyne waxa kale oo sheegay inay socdaan mashaariic badan halkay mashaariickale ay qorsha ugu jirto inay bilaabi doonaan. Xogahayaha Dawlada hoose oo xilka u kala wareejiyey labadaasi masuul ayaa maayarka cusub usoo jeediyey in looga baahan yahay dadaal fara badan isagoo sheegay inay waxlaqabteen wax badanau baahanyihiin in laqabto “maayarka cusub ee loo doortay caasima waxaanu leenahay ku soo dhawaw xilcusub iyo xil culus iyo hawl badan oo wax dhamaystiran iyo wax qabyo ahba leh waxaanu ilaahay gaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilkaasi” ayuu yidhi Xoghayahay dawlada hoose Mawliid.
Maayarka cusub ee Caasimad Hageysa Cabdi raxmaan Maxamuud Cadiid (SOLTELCO), ayaa sharaxaad ka bixiyey qorshaha waxqabad ee uu ku waajihi doono horumarin bilicda caasimada “qorshe yaasha aanu doonayno inaanu gole deegaan ahaan wax ka qabano waxaa ka mida xaga bilicda qashinka iyada oo uu maamulkii naga horeeyey shirkado gaar loo leeyahay ku wareejiyey, waananu ku daba gali doonaa shirkadahaasi inay hawshaa si fiican u qabtaan, anakoo ka doonayna jadwal ah in aqal-aqal qashinka looga qaado kana yeele mayno hadii aanu qabalkoodu u dhamaystirnayn” maayirku waxa uu shacabka ka codsaday inay qashinka ka nidaamiyaan isagoo ka digay in bacmiikada la sii isticmaalo.

Maayorka cusub ee caasimadu sidoo kale wuxuu shirkada laydhka u soo jeediyey inay ludhka hoostiisa mariyaan xadhka waxaanu xusay inay samayndoonaan meelo ay biyuhu maraan si aanay wadada ugu soo rogin ciida waxyeelo kalena ugu gaysan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured