Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ah Ee Somaliya Oo Ugu Sii Jeedda Magaaladda Addis ababa Kulan Lagu Dhexdhexaadinayo Isaga Iyo Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Kiiniya.

0
Friday April 19, 2013 - 08:04:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ah Ee Somaliya Oo Ugu Sii Jeedda Magaaladda Addis ababa Kulan Lagu Dhexdhexaadinayo Isaga Iyo Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Kiiniya.

    Muqdisho(xogreebnews-Apr.18, 2013 - Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku wajahan yahay wadanka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb galayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Itoobiya, Somali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews-Apr.18, 2013 - Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku wajahan yahay wadanka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb galayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Itoobiya, Somaliya, Kenya iyo Jabuti. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ah Ee Somaliya Oo Ugu Sii Jeedda Magaaladda Addis ababa Kulan Lagu Dhexdhexaadinayo Isaga Iyo Hogaamiyeyaasha Itoobiya Iyo Kiiniya.
Muqdisho(xogreebnews-Apr.18, 2013 - Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku wajahan yahay wadanka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb galayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Itoobiya, Somaliya, Kenya iyo Jabuti.Kulankaan ayaa wararku sheegayaan inuu qaban qaabqaabiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.Madaxweynaha Jabuti oo gadh-wadeen ka ah kulankan ayaa xogaha laga helayo xusayaan inuu ku dhexdhexadinayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Kenya iyo Ra'isal wasaaraha Itoobiya.Xidhiidhka dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay la leeyihiin dowlada Federaalka Somaliya ayaa maraya heerkii ugu hooseeyey, kadib markii labadan wadan saluugeen siyaasada Madaxweyne Xasan Shiikh ee ku wajahan wadamada dariska ah.Wadanka Kenya ayaa ciidamadoodu ku sugan yihiin gudaha Somaliya, gaar ahaan gobolka Jubada Hoose, halka dowlada Itoobiya dhawaan ciidamadeeda kala baxdey qaybo kamid ah gobolada Bay iyo Bakool.Dowlada Kenya oo ciidamadeedu ku sugan yihiin magalada Kismayo ayaa tageersan shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Jubooyinka, halka ay ka biyo diidsan tahay dowlada Federaalka ee uu Xasan Shiikh ka yahay Madaxweynaha.Dhinaca kale, cilaqaadka Itoobiya iyo dowlada Federaalka ah ayaan wanaagsaneyn, kadib markii guddoomiyahii hore ee Bay oo xidhiidh dhaw la lahaa ciidamada Itoobiya ee gobolka ku sugnaa in la badaley, kuwaas oo degaanadaas ka qabsadey xooggaga Al-Shabaab.Wadanka Itoobiya ayaa dhinaca kale, ka biyo diidan iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Xukuumadda Xasan Shiikh iyo dawladda Masar.Si kastaba, ha ahaatee kulankan ayaa la filayaa in diirada lagu saaro sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Uhuru Kenyata oo dhowaan la doortey, Ra'isal wasaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Somaliya, kuwaas oo aan ku faraxsaneyn siyaasada Xasan Shiikh ee ku wajahan wadamada dariska la ah Somaliya, wadamadan oo qayb libaax ka qaatey dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured