Jadwalka War Akhriska Tv.ga Qaranka oo Hab Beeleed Lagu Qaybsaday iyo Beel Ka Maqan.

0
Saturday February 22, 2014 - 16:42:30 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jadwalka War Akhriska Tv.ga Qaranka oo Hab Beeleed Lagu Qaybsaday iyo Beel Ka Maqan.

    akhrsite maan dooneyn in aan ka hadlo ama qalinka u qaato mawduuc lagaag hadlayo qabyaaalda iyo foolxumida ay ku leedahay bulshada balse waxay ka fursan weyday kol hadii maanta somaliland qabyaaladu marayso in tv.gii qaranka ee ay dadku moodayaan in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

akhrsite maan dooneyn in aan ka hadlo ama qalinka u qaato mawduuc lagaag hadlayo qabyaaalda iyo foolxumida ay ku leedahay bulshada balse waxay ka fursan weyday kol hadii maanta somaliland qabyaaladu marayso in tv.gii qaranka ee ay dadku moodayaan in uu yahay maskaxda Qormadii 1 aad:
akhrsite maan dooneyn in aan ka hadlo ama qalinka u qaato mawduuc lagaag hadlayo qabyaaalda iyo foolxumida ay ku leedahay bulshada balse waxay ka fursan weyday kol hadii maanta somaliland qabyaaladu marayso in tv.gii qaranka ee ay dadku moodayaan in uu yahay maskaxda umada iyo halka laga hago jihaynta umada uu hoy u noqday qabyaaald,eex,musuq-maasuq iyo cadaalad daro tii u weyneyd ,maxaad ka filan kartaa qaybaha kale ee wasaaradaha dalka kor hadii tii lagu sheegayay wacyi gelin iyo hanuunita bulshada ay dadkii ku wacyi gelinayso qabyaaladii iyo eexdii iyo cadaalad daradii.aan hoos ugu daan dago qormada maqaalkaygan oo aan umada u iftiimiyo sida ay qabyaaaldu uga dhex jirto tv.ga qaranka, akhriste hadii aad saluugto maqaalkan iyo waxa uu xanbaarsan yahay waxaa ku furan in aad adigu xaqiiqada soo taabato oo aad timaado tv.ga qaranka bal aad aragtidi waxa ka jira, akhriste ma fileysay in wariyaayasha warka ka akhriya tv.ga qaranka lagu qaybsaday hab beeleed fool xun oo ku dhisan nin jecleysi iyo qabyaalad, aan waxoogaa faahfaahin ka bixiyo sida ay wariyayaasha tv.ga loogu qaybiyey maalmaha todobaadku ka kooban yahay dhamaan meelaha somaliland marka laag reebo beel kaliya.

1: maalinta Sabtida waxaa warka akhriya wariye ka soo jeeda gobolka maroodi jeex.
2: maalinta axada waxaa warka akhriya wariye ka soo jeeda gobolka togdheer galbeedkiisa
3: maalinta isniinta waxaa warka akhriya wariye ka soo jeeda gobolka maroodi jeex.
4: maalinta salaasada waxaa warka akhriya wariye ka soo jeeda gobolka Sool
5: maalinta arbacada waxaa akhriya wariye ka soo jeeda gobolka togdheer barigiisa

6: maalinta khamiista waxaa warka akhriya wariye ka soo jeeda gobolka maroodi jeex
7: maalinta jimcaha waxaa warka akhriya wariye ka soo jeeda gobolka Awdal
sidaasi ayay kala yihiin wariyaayasha warka ka akhriya tv.ga qaranka oo jadwalkii lagu saleeyey hab qablaayad iyo beelo ku salaysan, markaa waxa aan meesha ku jirin wariyayaashii gobolka saaxil kuwaasi oo loo diiday in ay ka qayb qaataan oo wax kale iska daaye waxaa maalin dhaweyd dhacday arin aad u fool xun oo lagula kacay
suxufi ka soo jeeda gobolka saaxil taasi oo wasiirka wasaarada warfaafinta cukuse u geystay arin aan taariikhda ka hadhi doonin,Axmed Cirro wuxuu ahaa agaasimaha wakaalada wararka ee SOLNA,wuxuu ahaa suxufiga kaliya ee wax xil lagu tilmaamo ka hayey wasaarada warfaafinta,Axmed Cirro oo jabuuti geeyey hooyadii iyo xaaskiisii oo xanuusanaya oo fasax ka sii qaatay madaama oo ay hooyadii iyo xaaskisii ay xanuusaanyaan walaalkiina halkan hargeysa ku xanuusanayo dhamaantoodba ilahay ha caafiye e ,ayuu wasiir cukuse xilkii ka sii qaaday halka uu xilkii uu ka hayey wasaarada uu ku bedelay nin kale ,xitaa wasiir cukuse hadii uu isku shayndheyn sameyn lahaa oo ay isku shayndhayntaasi galafan lahayd dhamaan samuuliyiinta waxaaha ee wasaarada warfaafinta waxaa la odhan lahaa waa gar balse halee aya lagu arkay nin dhakhtar dadkisii la galay oo kaligii xilka laga qaado oo aysan ku jirin agaasime waxeeyadii kale.
arintan ayaa waxay muujinaysaa cadaawad aam la aqoon oo uu wasiir cukuse u hayo reer saaxil halka inankisii uu ka shaqeeyo dekedda caalamiga ah ee berbera halkaasi oo aysan cidina wax xumaan ah u geysan,akhriste arimahan aan ka hadlayo hor dhaca qoraalka ayaan ka afeeftay oo aan idhi hadii aad saluugto maqaalkan iyo dulucda uu xanbaarsan yahay adigu teg xarunta wasaarada warfaafinta oo soo indha indhee sida foosha xun ee meesha wasaarada warfaafintu qabyaaaldu uga socoto.
inkasta oo tiro yar oo lagu qiyaasan ilaa 3 wariye ay ka shaqeeyaan tv.ga qaranka ayaan mar aan weydiiyey sababta sida dadka kale meelo loogu magacaabi waayay iyo sababta ay wararka u akhriyi waayeen ku tilmaamay in aysan madaxda wasaaardu labadaa qodob midna u ogolay oo been iyo balan qaad kaliya ay u sheegaan, ninka ka ah maareeyaha tv.ga qaranka ayaa waxa uu yahay nin qabyaaladu lafaha ka gashay oo iskadaa in wax uu u ogolaade waxa uu had iyo jeer u muujiyaa sida uusan u ogoleyn wariyayaashaa ka soo jeeda gobolka saaxil,waxa kale oo ay sheegeen wariyayaashaasi cabashada xoogan muujiyey in asyan suxufiyiinta ka soo jeeda gobolka saaxil aysan madaxda wasaaradu u ogoleyn in wax xil ah loo magacaabo,waxay tilmaameen wariyayaashani in aysan ku qanacsanayn habka qabyaaladaysan ee wax uga socdaan tv.ga qaranka waxayan ku sifeeyeen hanaan ka baxsan dawladinimada iyo is dhex galka bulshada.
waxa meesha ka maqan in wax kasta lagu saleeyo tartan iyo aqoon halka wax kasta lagu saleynayo qabyaalad iyo hebal ayaa ku xiga,akhriste wax kale iska daaye malin dhaweyd waxaa xarunta tv.ga qaranka ka dhacday qiso layaab ku noqotay wariyayaashii goobta markaa fadhiyey,waxaana dhacday in gabadh ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo looga yeedhay addi ababa waraaq laag soo siiyey xarunta madaxtooyada waraaqdaasi oo lagu socodsiiyey madaxa wararka ee tv.ga qaranka ninka lagu magacaabo maxamed siciid waxaana la faray in si toos ah gabadhaasi u gasho wararka sidii ayay iyadoo waraaqdii sidata u gashay wararkii la soco qaybaha danbe oo xogaha aan ka helay tv.ga qaranka iyo wasaaradada warfaafinta guud ahaanba
Qore:Axmed Maxamed C/risaaq
Email:axmed_1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured