Sidee La Isu Waafajin Karaa Xasuusta Madaxweyne Siilaanyo Iyo Mudo Kordhinta Ay Dabada Ka Riixayaan Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Ee Boqor Buurmadaw Uu Kashifay ?Qormadii 1 aad:

0
Friday February 21, 2014 - 20:37:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee La Isu Waafajin Karaa Xasuusta Madaxweyne Siilaanyo Iyo Mudo Kordhinta Ay Dabada Ka Riixayaan Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Ee Boqor Buurmadaw Uu Kashifay ?Qormadii 1 aad:

    tan iyo markii uu boqor buurmadaw uu soo bandhigay muddo kordhinta soo socota ee madaxweyne siilaanyo,waxaa magaalada hargeysa siyaasiyiinta mucaardka iyo muxaafidka labaduba ku hirdamayeen sida ay suurta gal u tahay in mudada loo kordhiyo madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

tan iyo markii uu boqor buurmadaw uu soo bandhigay muddo kordhinta soo socota ee madaxweyne siilaanyo,waxaa magaalada hargeysa siyaasiyiinta mucaardka iyo muxaafidka labaduba ku hirdamayeen sida ay suurta gal u tahay in mudada loo kordhiyo madaxweyne aan tan iyo markii uu boqor buurmadaw uu soo bandhigay muddo kordhinta soo socota ee madaxweyne siilaanyo,waxaa magaalada hargeysa siyaasiyiinta mucaardka iyo muxaafidka labaduba ku hirdamayeen sida ay suurta gal u tahay in mudada loo kordhiyo madaxweyne aan awoodi karin in uu garto markii la weydiiyey golahaaga wasiirada imisa dumar ah ayaa ku jira,xili uu booqasho ku joogay dalka maraykanka,halka siyaasiyiinta taageersan in muddada loo kordhiyo madaxweyne siilaanyo ay ku doodayaan in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo uu socod ku tegaayo wasaaradaha dawlada qaarkood iyo golaha baarlamaanka marka uu doono.siyaasiyiinta diidan in siilaanyo mudada loo kordhiyo waxay ku doodayaan oo ay yidhaahdeen oo ileyn marka aydun odayga socodka ku ijbaraysaan ee uu tegayo wasaaradaha qaarkood waxaydun uga jeedaan in golaha guurtida iyo bulshada inteeda kaleba aydun indho sarcaad u dhigtaan oo aad u muujisaan in xasuusta madaxweynaha aysan waxba ka dhinayn waxase aad ogaataan in madaxweyne kasta oo la doortaa uu talin karo iyadoo labada cagoodba go'an yihiin oo uu curyaan yahay meesha laga taliyaana cagaha maaha ee waa maskaxda.hadaba nin ka mid ah dadka rumeysan in aanay habooneyn in madaxweyne siilaanyo mudada loo kordhiyo ayaa qisadan ka waramay,waxaanu yidhi sanadkii 1982-kii waxaa magaalada new york ee dalka maraykanka ku yaalay cisbitaal lagu xanaaneyn jiray dadka dhimirka wax ka qaba ama ay xasuustuba ay gabis ka noqoto waxaana agaasime guud ka ahaan jiray nin la odhan jiray MR JOHN WELSON oo mudo danbe la ogaaday in isaga laftigiisa xasuustiisu aysan caadi ahayn,waxaanu cisbitaalkani habka uu ku shaqeyn jiray ay ahayd in qofku marka uu mudo lix bilood ah ku jiro cisbitaalka in su'aalo la weydiiyo maalinta danbe hadii uu su'aalahaasi si haboon uga wada jawaabo macnaheedu waxay ahayd in qofkaasi bogsaday waana la fasaxi jiray o cisbitaalka wuu ka bixi jiray.hadaba waxaa dhacday maalintii taariiklhdu ahayd 26/02/1982-kii ay cisbitalka soo booqatay haweenay suxufiyad ahayd oo maraykan ahayd aduunka oo dhana caan ka ahayd inta badana ka soo warabi jirtay goobaha dagaalada oo la odhan jiray MELADA HEG oo ay walalo ahaayeen xoghayihii arimaha dibadda ee maraykanka ee xiligaasi aynu ka warmayno oo la odhan jiray ALESCONDAR HEG,iyadoo haweenayda suxufiyadda ah ay wehelinayeen nin iyo haweenay ka tirsanaa qoyskeeda ujeedadii ay cisbitaalka u yimaadeena waxay ahayd in ay soo booqdaan nin ka mid ahaa qaraabadooda oo cibitalka ku jiray.hadaba markii ay haweeynayda suxufiyaddaq ahi soo gashay cisbitaalka madaama ay ahayd qof ixtiraam weyn loo hayo waxaa la geeyey xafiiskii agasimaah guud si uu ugu fuliyo hawlihii ay u socotay isla amrkiiba wuxuu agaasimihii guud suxufiyaddii u soo dhaweeyey si heersare ah markii ay u sheegtay ujeedada ay u socotana wuxuu ka codsaday in ay wax yar sugto inta uu su'aalo ka weydiinayo laba nin oo markaa ku sugnaa xafiiska agaasimaha mudo lix bilood ahna lagu daweynayey cisbitalka oo hadii ay su'aalaha si fiican uga jawaabaana la fasixi doono hadii ay uga jawaabi waayaana ay cisbitaalka ku sii jiri doonaan lix bilood oo danbe.

waxaanu agaasimhii ninkii kowaad weydiiyey hadii aan hilib ku siiyo sideebaad odhan lahayd waxaanu ninkii ku jawaabay hilibka bacbaan ku qadan lahaa waxaan raaci lahaa taxsi waxaan sii mari lahaa suuqa khudradda lagu iibiyo oo khudradbaan ka sii iibsan lahaa,waxaan raaci lahaa taxsi kale waxan tegi lahaa gurigeygii hilibka iyo khudraddaba waan maydhi lahaa oo waan googeyn lahaa shooladdaan shidi lahaa digsigaan soo qaadi lahaa saliidaan ku shubi lahaa shooladaan saari lahaa hilibka iyo khudraddaba waan karin lahaa ,marka uu bislaaddana shooladdaan bakhtiin lahaa plate weyn ayaan soo qaadi lahaa oo aan hilibka ku soo ridi lahaa marka aan cunana weelka ayaan maydhi lahaa oo halkisii ayaan ku celin lahaa,.agaasimihii ninkii wuxuu ku yidhi waad bogsatay ee fasax ayaad taahy ee iska teg.ninkii labaad ayuu agaasimihii weydiiyey hadii aan maroodi ku siiyo sideebaad odhan lahayd waxaanu ninkii labaad is yidhi meesha ha lagaasii daayee jawaabtii ninkii hore bixiyey mid la mid ah bixi waxaanu yidhi hadii aad maroodi i siiso bacbaan ku qaadan lahaa taxsibaan la raaci lahaa suuqa khudradda ayaan la sii mari lahaa khudradbaan ka sii iibsan lahaa gurigeygii ayaad tegi lahaa marodiga waan maydhi lahaa waan googeyn lahaa waan karin lahaa kadibna waan cuni lahaa,agaasimihii ninkii labaadna wuxuu ku yidhi adiguna waad bogsatay ee fasax ayad tahaye iska teg.had iyo jeer dadka suxufiyiinta ah way ka il dheeryihiin dadka caadiga ah waana sababta xafiiska madaxweyne siilaanyo looga ilaaliyo saxaafadda madaxa banaan oo intaa uu xilka hayey weli xafiiskiisa kumu qaban shir jaraa'id oo su'aalo lagu weydiiyo ,haweenaydii suxufiyadda ahayd ee MELADA HEG markii ay la yabtay agaasimhii guud waxay markiiba eegtay labadii qof ee la socday markii ay muraadkeedii dhamaysatay ee ay ka tagtayna waxay la hadashay warbaahinta caalamka waxayna u sheegtay in agaasimihii guud ee cisbitaalku aanu isaga laftigiisu waxba ka duwanen dadkii uu ku daweynayey cisbitaalka oo ninkii yidhi maroodiga bacbaan ku qaadan lahaa oo waan googeyn lahaa oo waan cuni lahaa ayuu ku yidhi waad bogsataye iska teg,wargeysyadii soo daabacay qisadan mucjisada ahna waxaa ka mid ahaa wargeyska NEW YORK TIMES ,WASHINGTON POST,SUNDAY TIMES,GUARDIAN iyo guud ahaanba warbaahinta reer yurub iyo kuwa caalamkuba ,hadaba somaliland waxay la mid tahay cisbitalkii dhimirka ee NEW YORK ee uu agaasimaha ka ahaa MR JOHN WELSON oo isaga xilka si fudud looga qaaday markii ay arintani soo dibad baxday wuxuuna ka mid noqday dadkii cisbitaalka laftiisa lagu daaweyn jiray markii danbe.
hadaba isku soo wada duuboo Sidee La Isu Waafajin Karaa Xasuusta Madaxweyne Siilaanyo iyo Mudo Kordhinta ay Dabada Ka Riixayaan Xubno Ka Tirsan golaha Wasiirada ee Boqor Buurmadaw Uu Kashifay ???
La soco qormooyinka danbe ee taxanahan
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured