Diblomaasiyadda Guddoomiye Cirro oo Guuleysatey

0
Wednesday February 19, 2014 - 17:03:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblomaasiyadda Guddoomiye Cirro oo Guuleysatey

    Diblomaasiyadda Guddoomiye Cirro oo Guuleysatey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblomaasiyadda Guddoomiye Cirro oo Guuleysatey salaan ayaan u dirayaaa warbaahinta iyo bulshada reer somaliland dhamaantood
salaan ka bacdi sida aynu ka war hayno waxa maalmahan ka socdey golaha khilaaf balaadhan oo u dhexeeya xubnaha baarlamaanka, khilaafkaasoo salka ku hayey wax ka bedel lagu sameeyey xeerhosaadka golaha wakiilada, kaasoo isaguna dabada ku hayey isku shaandheyntii uu Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland ku sameeyey guddi hoosaadyada golaha.
in kastoo xukuumaddu ka didday isku shaandheynta, isla markana ka baqo carartey haddana khilaafku waxa uu ka fursan waayey waayeelka somaliland ee Guurtida, waxay saaka keeneen goaamo wax ku ool ah oo ay ka muuqato in ay labada dhinacba u daneeyeen waxay rabeenna u sameeyeen taasoo sababtey in labada dhinac ee isu colka ahaa iyagoo garbaha is haysta ka baxaan golaha

Yaa guuleystey oo Gacan sareeyey?
Marka koobaad waxa guuleystey somaliland iyo bulshada mar hadii uu dhamaadey khilaafkii
Marka labaad Haddii heshiiskasida uu yahay loogu dhaqmo, oo isla markaana la ixtiraamo heshiskani inkastoo uu faaiido u soo kordhiyey xildhibaanadii xukuumadda oo uu siday rabeen u yeelay, haddana madhaxa waxtarmada heshiiskan waxa dheefsanaya garabka Guddoomiyaha Golaha wakiilada, sababtuna waxay tahay:
- sida la wada ogsoon yahay xukuumaddu markay isticmaasho way heli kartaa 75% codadka baarlamaanka oo ah 55, taasoo macneheedu yahay inaan kursiga Cirro markii hore ahayn amaan xattaa haddii loo yeeli lahaa sida uu rabey ee ahayd 55-ka lakin waxaba uga soo baxay faaiido kale oo ah in aan la keeni karin mooshin ka dhan ah Cirro xataa haddii 70 xildhiban la helo
taas macneheedu waxay tahay in guddomiye cirro iyo garabkiisu ay madhaxsandoonaan amaannimada kursiga guddoomiyaha, isla markaana aanay macne badan samayn doonin haddii lagu ridi karo 42 iyo haddii lagu ridi karo 30 midkoodna
ugu danbeyntii guddoomiye ciro waxa ka muuqata isdhuldhig iyo inuu noqdey diblomaasi toogan kara abaarta uu rabo si ay ku dheehantahay farsamo iyo aqooni isla markaana ka dheer is xagasho iyo xumaan
Wabilaahi tawfiiq
WQ saalax cilmi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured