Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi oo la filayo in uu dhoqso isu casilo by Abdi Mustafe

0
Tuesday February 18, 2014 - 19:30:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi oo la filayo in uu dhoqso isu casilo by Abdi Mustafe

    Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi oo la filayo in uu dhoqso isu casilo by Abdi Mustafe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi oo la filayo in uu dhoqso isu casilo by Abdi Mustafe Wasiirka arimaha dibada Mohamed Biixi ayaa arimo farabadan oo uu ka tirsanayo Madaxtooyada dartood la isla dhax marayaa in uu shaqada si dhoqsa ah uuga tegi doono. Arinka uu ka cadhoodey wuxuu ka curtey shirkii u danbeeyey ee wafti uu hogaaminaayey Tukriga tegeen oo si xun la iskugu dhacay wasiirka madaxtooyada Xirsi. Shicibka reer Somaliland ayaa aad uuga biya diidey shirkaa arimihii lagu soo saxeexey dabeed na wasiir Xirsi wuxuu qaladka oo dhan oogada ka saarey weliba suuqana u geliyey in Mohamed Biixi iska leeyey wixii fool xumo meeshaa ka soo raacdey Somaliland.

Mustawihii Mohamed Biixi laga filaayey iyo sidii loogo hanweynaa ayaa mar qudha umada reer Somaliland dhulka ku dhufteen iyagoo le maxay u diidi waayeen qodobada ay saxeexeen oo ay dalka uugu soo noqon waayeen si wada tashi danbe loo sameeyo. Markii la weydiiyey Mohamed Biixi wuxuu asxaab tiisa u sheegay in Silaanyo telephone ay kuwada hadleen oo madaxwenuhu ka ogolaadey in uu saxeexo laakiin taasi kamay meydhin in shirkaa uu Mohamed Biixi hoos uugu dhacay.
Arinka kale ee wasiir Mohamed Biixi ka biyo diidey baa ah arin la isku ogaa Silaanyo oo wax iska bedeleen oo ku saab sanaa cida dalka musharax madaxweyne ka noqoneysa. Labadaa asbaabood iyo qaar kale oo uu madaxtooyada kaga canabayo ayaa kalifaya inta laga war qabo istiqaalada la hadal hayo in uu dhawaan Madaxwerynaha u hor geeyo.
Taasi waxay cadeyneysaa in wasiirka Madaxtooyada aanay cidi la shaqeyn karin iyo in Madaxweynuhu aannu qadarin wasiiradiisa iyo qawl kiisa toona.
Abdi_Mustafe123@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured