Shirkadii Sahanka shiidaalka la oo Hakisay shaqadii iyo Xukuumadda oo xalin kari weyday cabashadii deegaanka

0
Thursday April 18, 2013 - 19:15:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadii Sahanka shiidaalka la oo Hakisay shaqadii iyo Xukuumadda oo xalin kari weyday cabashadii deegaanka

    Caynaba (xogreebnews.com Shirkaddii Sahanka Shiidaalka ka waday deegaanada Gobolka saraar ayaa si rasmi ah u hakisay muddi laba bilood ah hawshii sahanka ahayd ee ay ka wadeen Gobolka Saraar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caynaba (xogreebnews.com Shirkaddii Sahanka Shiidaalka ka waday deegaanada Gobolka saraar ayaa si rasmi ah u hakisay muddi laba bilood ah hawshii sahanka ahayd ee ay ka wadeen Gobolka Saraar.
Shirkadii Sahanka shiidaalka la oo Hakisay shaqadii iyo Xukuumadda oo xalin kari weyday cabashadii deegaanka

Caynaba (xogreebnews.com Shirkaddii Sahanka Shiidaalka ka waday deegaanada Gobolka saraar ayaa si rasmi ah u hakisay muddi laba bilood ah hawshii sahanka ahayd ee ay ka wadeen Gobolka Saraar.


Shirkadda ayaa shalay kulan ay kula yeelatay magaaladda Caynaba waxay ku go’aansatay in muddo laba bilood ah ay hakiso hawshii ay waday iyada shuruud ka dhigtay in mudadaas lagu xaliyo caqabadaha ka hor yimi.


Kulanka ay shalay la yeesheen wax garadka iyo dadweynaha Reer Caynaba kadib sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Rmedia u sheegeen waxa ay amreen in qalabkooda ay mudadaas masull ka sii noqdaan Maamualadda deegaamadda ay yaalaan ee Dawladdu.


Ilaa hada ma cada sababaha rasmiga ah ee ay hawshii u joojiyeen hase yeeshee sida Rmedia ka heshay ilo wareedyo u dhuun daloolay kulan ay doraad masuuliyiinta ugu saraysa shirkaddu ku yeesheen xaruntooda Burco waxa ay ku falanqeeyeen khilaafaad dhexdooda ka jira oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimo dhinaca dhaqaalaha ah oo qaladaad soo galay bixintoodii.
Hase yeeshee waxyaabaha ugu muhiimsan waxa ka mid ah khilaafka dhinaca deegaanka kaga yimi, kaasoo la sheegayo in ay shirkaddu tuhunsantahay inaan wacyigelin ku saaabsan hjawshooda Xukuumaddu ka galin, iyadoo lagu bixiyay dhaqaale aanay shirkaddu xisaab celintoodii haynin.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka gaabisay wax ka qabashada cabashada dadka deegaanka oo ka cabanayay saami in laga siiyo qandaraasyada hoose ee adeega balse taas bedelkeeda waxa uu Madaxweyne Siilaanyo soo saaraaya Digreeto sii cadho galisay oo Hanjabaad ahayd halkii xal kale lagu adayi lahaa.
Falkii shalay dadka deegaanku ku weerareen Xabsiga Caynaba ayaa tilmaan fiican u ah wax xal alagu waayay in aan Xoog cidina ku fulin Karin iyada oo dadka deegaanku ay yihiin dad Hubaysan oo haddii la cadho galiyo u fikiri kara in ay dhacsadaan xaqooda.

Si kasta ha ahaatee waxa Xukuumadda looga fadhiyaa inay keento tanaasul ay labada dhinac isugu soo jiidayso
Si aanu uga xaqiijino masuuliyiinta Dawladda noomay suurto gelin inaanu wax jawaab ah ka helno gaar ahaana waxaaanu xidhiidh kala samaynay wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured