Guddoomiye Cirro Oo Fadhigii Golaha Wakiilada Soo Xidhay, Cali iyo Baashe Oo Mudenayaal Dhaarsan Ku Horjooga Aqalka iyo Faro-farayntii Xukuumada Oo Banaanka Taal

0
Sunday February 09, 2014 - 11:53:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro Oo Fadhigii Golaha Wakiilada Soo Xidhay, Cali iyo Baashe Oo Mudenayaal Dhaarsan Ku Horjooga Aqalka iyo Faro-farayntii Xukuumada Oo Banaanka Taal

    Fadhigan oo uu markii hore shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa habsami u socodkiisii waxa khalkhal ku abuuray Ciidamada Tirada badna oo ay dalbadeen sida ay wararku sheegayaan L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhigan oo uu markii hore shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa habsami u socodkiisii waxa khalkhal ku abuuray Ciidamada Tirada badna oo ay dalbadeen sida ay wararku sheegayaan Labada Guddoomiye ku xigeen. Hargeysa (Xogreebnews.com- Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee saaka ayaa lagu kala kacay ka dib markii ay soo galeen Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo wata ciidamo Tiro Badan.
Fadhigan oo uu markii hore shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa habsami u socodkiisii waxa khalkhal ku abuuray Ciidamada Tirada badna oo ay dalbadeen sida ay wararku sheegayaan Labada Guddoomiye ku xigeen.

Guddoomyaha Golaha Wakiilada ayaa ka guddoomay mudaneyaal soo gudbiyay laba mooshin, kuwaas oo kala ahaa in wax ka bedel lagu sameeyo Xeer Hoosaadka Aqalka Wakiilada iyo waliba xildhibaano
iyaguna sitay mooshin dhigay in la dheereeye Kalfadhiga Aqalkaas oo maanta ku eekaa.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku war geliyay Mudaneyaasha in labadan Mooshin uu gudbin doono Sharci Yaqaanka Golaha Wakiilada si uu uga soo baaraan dego, halkaasna uu fadhigoodu ku xidhan yahay.
Markii uu fadhigu soo xidhmay ayaa waxa hoolka ka dareeray Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo xildhibaanada intooda badan, halka ay ku hadheen Xaruntii Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka dib markii uu soo xidhay Fadhiga Saaka warbaahinta la hadlay waxaanu sheegay in ay xukuumaddu si weyn ugu hawlan tahay sidii ay u burburin lahayd Golaha Wakiilada, awoodeedana isugu geyn lahayd in uu fadhigaasi halkiisa ka sii socdo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured