Dafiraadii Siilaanyo + Dhoola-Tuskii Mooshinada + Gudoodigii 5-ta Mudane + Go’aankii Cirro + Ergadii Guurtida Iyo Natiijadii Kulanka

0
Sunday February 09, 2014 - 07:40:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dafiraadii Siilaanyo + Dhoola-Tuskii Mooshinada + Gudoodigii 5-ta Mudane + Go’aankii Cirro + Ergadii Guurtida Iyo Natiijadii Kulanka

    Hargeysa(xogreebnews.com-Habsami-u-socodka Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta, ayaa istaagay, markii ergo ka socotay Golaha Guurtidu dalbadeen in la baajiyo fadhiga kadib markii uu Golaha hadheeyey jawi xasaasi ah oo ka dhashay dhoola-tuska mooshino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Habsami-u-socodka Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta, ayaa istaagay, markii ergo ka socotay Golaha Guurtidu dalbadeen in la baajiyo fadhiga kadib markii uu Golaha hadheeyey jawi xasaasi ah oo ka dhashay dhoola-tuska mooshino midba mid ka daran yahay, kuwaasoo ay Golaha Hargeysa(xogreebnews.com-Habsami-u-socodka Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta, ayaa istaagay, markii ergo ka socotay Golaha Guurtidu dalbadeen in la baajiyo fadhiga kadib markii uu Golaha hadheeyey jawi xasaasi ah oo ka dhashay dhoola-tuska mooshino midba mid ka daran yahay, kuwaasoo ay Golaha kula gaaf-wareegayeen Xildhibaanada taabacsan meel-marinta go’aamada Golaha Wakiilada iyo Koox Mudaneyaal ah oo Wasiiro Xukuumada ka tirsani dhaq-dhaqaajiyeen.
Xildhibaanada Mooshinka hore soo falkiyey oo tiradooda lagu sheegay 46 Mudane, ayaa mawqifkoodu ahaa bedelaada Gudoomiye-ku-xigeenadii Derajadooda Goluhu hore hoos ugu dhigay. Labadaa xubnood oo loo aanaynayey inay Golaha kusoo hageen farogelinta Xukuumada iyo hurinta khilaafka dabkiisu demi-waayey, Sidoo kale Md. Baashe Maxamed iyo Md. Cali Yuusuf oo tan iyo intii awooda ka rifay kadib aan kusoo xaadirin Kuraastii loo asteeyey, ayaa markii ugu horeysay Shalay soo dhex fadhiistay Mudaneyaal Golaha.

Hase-ahaatee, waxa arinta Golaha iyo Xukuumada markale cirka ku Shareeray Wasiir Xirsiga Madaxtooyada, oo isagoo ku sugan Magaalada London hanjabaad iyo hadallo deel-qaaf ah Hawada usoo mariyey Mudaneyaasha Golaha Wakiilada, kadibna intuu Buraashadiisa kasoo biyeystay Heathrow Airport u tafo-xaytay abaabulka mooshino ujeedadiisu tahay in xilka laga qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Ololaha Xukuumada ee Ingiriiska looga xudun-xidhay oo meel-marintiisa loo isticmaalayey dhaqaalaha Hantida Qaranka, ayaa markii uu ku adkaaday Xukuumada, Wasiiradii arinta dabada ka riixayey oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Cabdicasiis Samaale, Wasiir Xirsi iyo Wasiirka Duulista, waxay go’aansadeen inay ka guuraan qorshaha u socon waayey, una bedeshaan xeelad labaad oo ay u arkayeen mid u sahli karta soo dhaadhicinta Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Qorshaha wejiga labaad dagaalka waxay uga digo-rogteen inay gacanta ku dhigaan aqlabiyada Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada, kadibna si dhib yar xubnahaasi wax-ka-bedel ugu soo sameeyaan qodobada Xeer-hoosaadka Golaha ee Wasiiradu ay danaynayaan. Sidoo kalena waxa Wasiir Xirsi iyo Wasiir Samaale Habeen hore u suurto-gashay inay gacanta kusoo dhigaan qaar ka mid ah Xildhibaanadii u codeeyey go’aankii Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha, iska markaana xubno ka ahaa Guddiga joogtada ah, kuwaasoo kala ah; Md. Ibraahin Caraale Cabdi, Md.Cali Maxamed Aadan (Cali-Barre), Md. Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) iyo Md. Axmed Barkhad Obsiiye.

Intaa kadib, waxa Ciyaartu isu rogtay mid aan ka dhicin ‘Tab hayoow lagaa Tab haye’, waxana Xildhibaanada difaaca ugu jira ilaalinta Sharafta iyo go’aanada Goluhu meel mariyey, ay durbadiiba Qallinka ku duugeen mooshin jawaab ah oo ilbidhiqsiyadii ugu horeeyeyba ay Qallinka ku boobeen 32 Mudane waqtigaa Golaha xaadir ku ahaa. Mooshinkaas oo nuxurkiisu ahaa Maamuus ka xayuubin ku jihaysan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa kaloo tallaabadaa ku xigay isku Shaandhayn Guddoonka Guluhu ku bedelay Xildhibaanadii Habeen hore u guday Madaxtooyada ee Xukuumada la soo saftay. Arinta gudoodiga Xildhibaanada, ayaa Dadkii Madasha Golaha Shalay ku sugnaa markay tilmaamayaan qaarkood waxay kusoo hal-qabsanayeen hal-ku-dhiggii caanka ahaa ee ‘Jawaan Xalay guday oo Godday tegay baadi-goobaay..’
Haddaba markii xaalku halkaa marayey, xaaladuna taagnayd marxalad lagu fasiri karo ‘Kolna taagtaa kolna tamartaa’, furmay fadhigii Golaha oo ay xaadir ku ahaayeen labada dhinac ee xafiiltanku ka dhexeeyey, daqiiqado ka hor intii Guddoomiye Cirro aanu madasha soo gaadhin waxa Golaha soo galay koox Xildhibaano ah oo uu hor kacayey Guddoomiye-ku-xigeenka ahna ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida, kuwaasoo intii madasha fadhiday aanay jirin cid ka war-haysay ujeedada socodkooda, hase-yeeshee, waxa arinta si cad u qeexay Guddoomiye Cirro, oo markii uu Golaha furay kadib Xildhibaanada ku wargeliyey in xubnaha Guurtida ee Guddoomiye Siciid hoggaaminayo Golaha ka codsadeen in fadhiga Maanta dib loo dhigo, Md. Cirro-na ka Gole ahaan uu ka aqbalay dalabkooda, sidaana waxa ku xidhmay fadhigii Golaha Wakiilada.
Geesta kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Shalay Warbaahinta kula hadlayey Madaarka Madaarka Cigaal International Airport, ayaa dafiray loollanka Xukuumadiisu qeybta ka tahay ee ka socda Golaha Wakiilada, waxana uu sheegay in aanu haba-yaraatee arinkaa waxba kala socon, Goleyaasha Dawladuna ay leeyihiin Waajibaad kala duwan oo Dastuurku u kala xadeeyey. Hadalka Madaxweynaha oo noqday mid dhaliyey fasiraado kala duwan oo qaarkood ku turjumeen ujeedada dhawaaqiisa dafiraad cad oo Madaxweynuhu metelayo Ciyaarta Siyaasad uu ku doonayo in uu loo turjunto in aanu ku lug lahayn farogelinta qaawan ee Xukuumadiisu ku hayso Golaha Wakiilada, halka kuwo kalena ku micnaysteen hadalka Madaxweynaha dhawaaq daacad ah oo aan waxba ka hooseyn, isla markaana ay dhab ka tahay xogogaal la’aanta uu sheegay in aanu ka war-qabin hirdanka awoodeed ee u dhexeeya Golihiisa Fulinta iyo Golaha Wakiilada.
Si kastaba ha ahaatee, waxa arimuhu kala cadaan doonaan run iyo been midkay Madaxweynaha ka tahay xog la’aanta uu ka sheegtay khilaafka Siyaasadeed ee meel walba gaadhay maalmaha fooda inagu soo haya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured