Xukuumada oo Awooddii Qaranka u Adeegsanaysa Burburinta Tiirkii Nidaamka Dimoqraadiyada ee u Dambeeyey, Una Tafo-Xaydatay Jidka Dikteytarada

0
Sunday February 09, 2014 - 07:35:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada oo Awooddii Qaranka u Adeegsanaysa Burburinta Tiirkii Nidaamka Dimoqraadiyada ee u Dambeeyey, Una Tafo-Xaydatay Jidka Dikteytarada

    Hargeysa(xogreebnews./com--Warar uu Wargeyska “Yool” helay Cawayskii ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu kulan Doceed dardar gelin ah la yeelatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee gacanta ugu jira, kulankaasoo ay kaga wada hadleen dejinta ist

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews./com--Warar uu Wargeyska “Yool” helay Cawayskii ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu kulan Doceed dardar gelin ah la yeelatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee gacanta ugu jira, kulankaasoo ay kaga wada hadleen dejinta istiraajiyad ka dhan Golaha Wakiilada oo bedel u noqota qorshihii fashilmay ee Madaxtooyadu ku beegsanaysay Golaha Xeer-dejinta kowaad. Hargeysa(xogreebnews./com--Warar uu Wargeyska “Yool” helay Cawayskii ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu kulan Doceed dardar gelin ah la yeelatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee gacanta ugu jira, kulankaasoo ay kaga wada hadleen dejinta istiraajiyad ka dhan Golaha Wakiilada oo bedel u noqota qorshihii fashilmay ee Madaxtooyadu ku beegsanaysay Golaha Xeer-dejinta kowaad.
Kulankan oo caawa ku qabsoomay Guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md.Cabdiraxmaan Saylici, waxa dhinacyadii isku arkay rog-rogeen waxa Xukuumad ahaan uga qabsoomay ololihii nuxurkiisu ahaa kasbashada kalsoonida Golaha Wakiilada iyo meelaha u baahan in lagu wajaho qorshe cusub, waxana Wararku xuseen in Shir Doceedkaa lagu jeexay istiraajiyad cusub oo gogol xaadh u ah wejiyada dambe waxa laga yeelayo arinta Golaha. Inkastoo sida iluhu tibaaxeen ay goob-joog ku ahaayeen kulankaa Madaxweyne-ku-xigeenka, badi xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Xukuumada gacan-saarka la leh, hadana Warar amuurtaa ku saabsan oo Xalay lagu baahiyey Shabakada Wararka Hadhwanaag, waxa lagu sheegay in dhinacyada kor ku xusan kulan Doceedkaa ay ku wehelisay Marwada Madaxweynaha Aamina Weris, waxana sida Shabakadu qortay Marwadu taladii Madasha lagu hayey kusoo darsatay in kor loo qaado Cadadka Lacagta Xukuumadu ugu tallo gashay inay ku kasbato qeyb ka mid ah Xildhibaanada Golaha, si ay u suurto galaan hawlaha ay rabaan inay ka fushadaan Golaha Wakiilada, balse Wararku ma xusin natiijadii kulan Doceedkaa iyo go’aamadii gunaanadkiisa kasoo baxay.

Khilaafka Sharci iyo loollanka awood isku muquuninta ee ka dhex oogan Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Xukuumada, ayaa ah kii ugu horeeyey ee ka curta Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiilada tan iyo intii uu hoggaanka talada dalka la wareegay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE, oo iyagu markii hore uu ka dhexeeyey xidhiidh Saaxiibtinimo oo dhow, balse hadda ay muuqato inay ku kala fogaadeen Siyaasada. Sidoo kale arinta isu dhawaanshaha labada dhinac ayaa dadka Siyaasada faaqidaa waxay marar badan ku dhaliilay Golaha Wakiilada iyo Gudoomiyahooga Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Hase-yeeshee waxaad hadda moodaa in Guddoomiye Cirro aqlabiyada Xildhibaanada Goluhuba diyaar u yihiin inay la soo noqdaan kalsoonidii bulshada ee kaga luntay xidhiidhka Xukuumada talada haysa, isla markaana ku hawlan yihiin inay abuuraan jawi ka duwan midkii markii hore laga aaminsanaa.
Si kastaba ha ahaatee, waxa bulshadu is weydiinaysaa Xukuumada ku kelliftay dagaal intaa le’eg inay ku qaado Golaha Wakiilada oo intii uu jiray Xukuumada Siilaanyo aan Xeer keliya ku diidi jirin, marka laga reebo go’aankan sida xad-dhaafka ah uga cadhaysiiyey Xukuumada. Tallaabadaas oo dad badani u turjuntay mid hordhac qorshe Xukuumadu ku damacsan tahay inay kula wareegto awoodda Goleyaasha Garsoorka iyo Sharci Dejinta [Guurtida iyo Wakiilada], taasina ay dalka ka abuurto Xukuumad keli-talis ah, oo sida kuwa Miletariga gacanta ku haysa dhamaan awoodaha Dawlada, waxana dadka aragtidaa qabaa doodahooga usoo daliishadaan go’aanka dul-qaad yaraantu ka muuqato ee Xukuumadu kaga jawaabtay go’aanka keliya Goluhu kaga hor yimi muddadii ay talada dalka haysay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured