Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Saylaci oo ku guuldaraystay inuu go’aan ka gaadho wado shaqeyn la’aan iyo muran qalafsan oo dhexyaala wasiir Duur iyo Maayarka Burco

0
Thursday April 18, 2013 - 07:46:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Saylaci oo ku guuldaraystay inuu go’aan ka gaadho wado shaqeyn la’aan iyo muran qalafsan oo dhexyaala wasiir Duur iyo Maayarka Burco

    iyo Hargeisa-(xogreebnews-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci ayaa xoggo xogreebnews ka heshay ilo ku dhawdhaw xafiiskiisa tibaxayaan inuu ku guuldaraystay ama ku dhiiran waayey inuu runta u kala sheego ama kal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo Hargeisa-(xogreebnews-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci ayaa xoggo xogreebnews ka heshay ilo ku dhawdhaw xafiiskiisa tibaxayaan inuu ku guuldaraystay ama ku dhiiran waayey inuu runta u kala sheego ama kala jiheeyo si mid waliba waajibaadkiisa u
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Saylaci oo ku guuldaraystay inuu go’aan ka gaadho wado shaqeyn la’aan iyo muran qalafsan oo dhexyaala wasiir Duur iyo Maayarka Burco

iyo Hargeisa-(xogreebnews-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci ayaa xoggo xogreebnews ka heshay ilo ku dhawdhaw xafiiskiisa tibaxayaan inuu ku guuldaraystay ama ku dhiiran waayey inuu runta u kala sheego ama kala jiheeyo si mid waliba waajibaadkiisa u qabsado ama xilkiisa ugu ekaado Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale DUUR iyo Maayarka Burco Maxamed Muraad oo wata raxan Xildhibaana oo uu ka soo kaxaystay Burco ,kuwaas oo ay isku Beel ka soo jeedaan kuna doodaaya in Dawlada Hoose ee Burco lagu wareejiyo Dhul (baloodh)Nin shicib ahi leeyahay,mulkiyadna u haysto balse hunguri ka galay Maayarka laftiisu kaas oo ku yaala dhinaca Galbeed ee Dawlada Hoose ee Burco.


Wasiir Duur iyo Maayarka Burco Maxamed Muraad ayaa jafaa-jiriqoodan cusubi ka bilaabmay dhulka ninkaas shicibka ahi leeyahay,arintaas oo dhalisay in Maayarku si badheedha ugu gacan saydho amarkii Wasiir Duur oo faraayey in ninkaa shicibka faraha looga qaado dhulkiisa si uu u dhisto maadaba uu haysto shacriyad iyo mulkiyad muujinaysa inuu dhulka leeyahay balse Maayarka Burco oo madaxweyne siilanyo isku beel ka soo jeedaan ayaa si weyn ayuu uga soo horjeestay amarka Wasiir Duur ,wuxuuna nidar ku galay inaanu ninkaasi Baloodhkaa dhisin intuu Kursiga Maayarnimada Burco fadhiyo,wuxuuna intaas ku daray inaanu amarka Duur agtiisa ka shaqeynin.



Geesta kale Wasiirka arimaha gudaha Duur oo ay ahayd ama la filaayey inuu shalayba u baqoolo magaalada Caynaba oo shaqaaqooyin Askar,saraakiil ciidan iyo dad shicib ahba lagu laayey weli ka taagan tahay ayaa Madaxweyne ku xigeenku hakiyey si Maayarka Burco iyo xayn xildhibaano ah oo ka soo jeeda beeshiisa oo Burco ka soo kaxaystay loo qanciyo.
Isku soo wada duuboo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci ayaa had iyo jeer markuu xilka ku-simaha Madaxweynaha sii hayo ay dhacdaa in laba dhinac ama kooxo ka tirsan golaha xukumada Siilanyo murmaan ama isku qabtaan arin ama shaqo balse aanu Saylaci kala sarin isagoo ka baqo qaba in wasiir Xirsi ku gacn-syadho amaba Siilanyaba ka diido,taas darteed Xikmad baa ah “ Canaan ka yaab Reer ma dooje’e” ee madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inuu wasiir Duur iyo Maayar Muraad midba geeskiisa ugula faqay inuu saxan yahay balse muranka la hakiyo inta Xirsi iyo siilanyo imanaayaan!.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured