Tirsigii 64-aad Hababka cusub ee Hanaanka dawladnimada xukuumada Siilaanyo Waa " Ceeb Qaawan oo Qalaalan " qalinkii A/rahman Fidhinle

0
Saturday February 08, 2014 - 21:11:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirsigii 64-aad Hababka cusub ee Hanaanka dawladnimada xukuumada Siilaanyo Waa " Ceeb Qaawan oo Qalaalan " qalinkii A/rahman Fidhinle

    Xukuumada Siilaanyo waxay ummadda u-dhiteysey hab-dhaqan qariban oo maamuus iyo milge xukuumadeed ka aradan waxaana ay baalmartey dhamaan 130 qodob ee uu ka kooban yahay Dastuurka JSL. hababka fashiliyey ee karaamadii xukuumada hoos u-dhigay waxaa ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Siilaanyo waxay ummadda u-dhiteysey hab-dhaqan qariban oo maamuus iyo milge xukuumadeed ka aradan waxaana ay baalmartey dhamaan 130 qodob ee uu ka kooban yahay Dastuurka JSL. hababka fashiliyey ee karaamadii xukuumada hoos u-dhigay waxaa ka mid ah: 1- Habka Qaawan ee Qalaalan ee ay waayanadan danbe ay xukuumadu caadeysatey taas shacabkii wada dareemay in aaney xukuumada dhexdeeda ka jirin baratakool iyo kala danbeyn, wada shaqeyn iyo shaqo qeybsi taas oo ummaddu si cadaan ah uwada daalacatey wasiiradii oo aan shaqadii loo igmadey aan isku ixtiraameyn oo shir jaraa'id iyo dilaalnimada shirkadaha ajanebiga ah kala hororsanaaya oo mikirifoonada u-kala dheereynaaya oo midba meel ka fadkudinaayo. Tusaalena waxaa kuugu filan si yaabihii ay wararka shacabka u-siiyeen wasiiradii ka soo noqdey shirkii ay Somalilnad iyo Somaaliya ku yeesheen wadanka Turkiga iyo u-dhukuskii ay wasiirada qaar u-kala dhukuseen shirkadii Faransiiska aheyd ee Pollore ee xiiseyneysey in ay maalgeliso Dekeda Berbera.

2- Waxaa iyana meel ka dhac ku ah midnimada qaranimada Somaliland iyo hayadaha dastuuriga ah ee doorasha kursiga ugu fadhiya sidii uu wasiirka madaxtooyadu ugu af-lagaadeeyey warbaahinta ee uu ummadda ugu cadeeyey in uu sida uu doono ka yeeli jirey mar kasta oo ay shaqo soo kala dhexgasho ama ay golaha soo hordhigaan xeerar xaasaasiya sida xeerkii cashuuraha wadooyinka si aan dib loogu soo celin hase yeeshee ay ka yara gaadhsiiyeen intii uu debeda wadanka kaga soo maqnaa. Taas oo wasiirka madaxtooyadu uu sharaftii iyo karaamadii golaha baarlamaanka iyo dawladnimada JSL uu meel kaga dhacey ummadana uu u-cadeeyey in uu leeyahay awood dheeraad oo uu si dadban iyo laa-luush xeeladeysan uu ilaa iyo 40 xeer ku marsiiyey golaha baarlamaanka isaga oo adeegsanaya tabaha daciifka ah ee mustafeysiinta iyo beelnimada qoorqbadka ah ee wasiir walba lagu amro kuwa beeshooda ah ee ka dhego adeyga ansixinta xeerarka in ay dhabarka soo taabtaan, taas oo caalamka oo dhan laga wada dhegaystey lagana wada daawadey isaga oo kaga hadaaqaaya TV-yada Somalida hadalo aan mariimneyn oo aan murti badan laheyn dhamaana lagu faafiyey warbaahinta la iska maqlo iy ta la iska arkaba .Waxaa iyana ay Shacabka reer Somaliland ee cariga ingiriiska degani gaar ahaan magaalada London ay u-bixiyeen khudbadii uu wasiirka madaxtooyadu uu ka jeediyey Magaala Liverpool bolwgii bishan " Dhaanto nacas" ka aradan karaamada, milgaha dawladnimo iyo ta masuulnimo ka dib markii ay wasiirka isaga khaldantey qaranimadii, qabyaaladii iyo sharaftii uu huwanaa xilka uu ummada u-sido oo ummadu isku raacdey xil ku culus oo uu la daala dhacayo in uu wariirku dhabarka ku sito. taas oo la isla gartey in uu dhawaan la kufi doono xilkaas culus ee xaasaasiga ah hadii aan dhakhso looga gaadhin.Xukuumadani waxay noqotey mid aan curis iyo hal-abuur laheyn ,laakiin ku caan baxdey cago-jugleyn iyo xag-xagasho golihii baarlamaanka iyo xisbiyadii mucaaridka ahaa ee qaranka ee iyagu sharciga u-lahaa in ay xukuumada toobiyaha ku too siyaan marka ay turun-turooto ama taraartoba.taas oo ay had iyo jeerna xukuumadu guul-darooyin aaney shacabka reer Somaliland qaadi kareyn kolba kula dulgal-galata markii ay madaxda mucaaridku ay boogihii damqashada nuglaa ee gol-jilicda kaga yaaley ay ka damqeen. Xukuumadeena isnuuga ah ee hadhdacaaran waxay baal-martey dhamaan curfigii iyo dhaqanadii caalamiga ahaa gaar ahaan xoriyatal-qawlkii xuquuqul insaanka kadib markii ay xabsiga u-taxaabtey muwaadiniin aan waxba galabsan iyo weriyaal badan oo ay wergeysyadoodiina albaabada u-laabtey.Waxaad moodaa in xukuumadani ilowdey in ay tahay la doorte shacabka reer Somaliland ay rabitaankooda iyo ikhtiyaarkooda ku doorteen. taas oo ay ku sii joogi karto oo xukuumad kusii noqon kar to uun rabitaanka shacabkii doortey ee dirtey.
Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo maamuus,midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka reer Somaliland ee gudo iyo debedba la gudboon in la taageero oo talooyin lagu biiriyo Shirka Dood Cilmiyeeda Qaranka ee ay xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo miisaanka loo saaro xukuumadan dheelidey ee dhiilihii awrka u-saarnaa ay dhinaca u-sii ciirayaan marba marka ka danbeysa.
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured